ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee maamulka galmudug.
Isla markii uu gaadhigu la dhacay ayaa Dadka badan kiisu isla dhex marayeen magaalada Garoowe in saado cali warsame geeriyootay, balse dhakhaatiirtii gacanta kuhaysay dhaawaca saado cali, ayaa xaqiijiyey inay weli nooshahay oo aanay geeriyoon, wallow ay warbaahinta qaar ka mid ahi weli qorayaan inay saado cali warsame ku geeriyootay garowe.
Dhakhaatiirtu waxay sheegtay in xaaladda saado cali warsame aay aad u culustahay, Goobjoogayaal ku sugan garowe ayaa sheegaya in dadweynuhu weli u haystaan in saado ay shilkaas ku geeriyootay welina ay rumaysan laÂ’yihiin xaqiijinta cusub ee dhakhaatiirta, maadaama markii hore ay dhakhaatiirtu sheegeen inay geeriyootay.
Lama sheegin dad kale oo la dhaawacmay fannaanada marka laga reebo Darawalkii gaadhiga ay la socotay.
Xaaladda Saado cali warsame kala soco Hadhwanaagnews .
Garowe/ Puntland