Laascaanood (HWN), wafti balaadhan oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Sare iyo Waaxda Fulinta SONYO ayaa maanta booqasho shaqo ugu baqoolay magaalada Laascaanood iyo Degmada Caynabo ee gobolka Sool. Waftigan oo baryahanba hawlo shaqo ugu maqnaa gobolada bari ee dalka ayaa kulamo gaar gaar ah iyo shirar xog-is-dhaafsi ah la yeeshey guud ahaan dhallinyaradda gobolka gaar ahaana ururada Dallada SONYO xubnaha ka ah ee ka hawl-gala gobolka SOOL.
Kulan xog-is-wareysi iyo falanqaynba ah ahaa ayaa ay waftigani kula qaateen dhallinyaradda gobolka SOOL xarunta Jaamacadda NUGAAL. Waxaa kulankaas kasoo
qaybgalay xubno dhallinyarro ahaa oo ka kala socday ururada dhallinyaradda ee dallada xubnaha ka ah, guddiyada ardayda ee Jaamacadda NUGAAL University iyo Machadka Caafimaadka Laascaanood.
Kulankan oo qaatay muddo 4-saacadood ah ayaa ahaa mid aad u xiiso badnaa isla markaana si weyn oo hufan looga dooday mustaqbalka dhallinyaradda JSL isla markaana suaalo lagu waydiiyey waftiga SONYO ka socday.
Munaasibadii kulankan falanqaynta iyo xog-is-wareysiga daarnaa waxaa ugu horeyn ka hadlay oo waftigana soo dhaweysey Isu-duwaha gobolka SOOL ee SONYO, Mss. Saynab. Saynab waxay xustey muhiimada ay leeyihiin kulamada noocan oo kale ahi waxaanay waftiga si diiran ugu soo dhaweysey gobolka iyo magaalo-madaxda Laascaanood iyadoo carabka ku adkaysay inay haboon tahay in si midnimo iyo wadajir ku dheehan yihiin loo darso dhibaatooyinka dayarta haysta isla markaana loo qaabeeyo barnaamijyo wax-ku-ool ah oo lagu dhiso mustaqbalka dhallinyaradda gobolka oo ay tilmaamtey inay haystaan duruufo gaar ah oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho.
Ka dib hadalkaa soo dhaweynta daarnaa, waxaa hadalkii la wareegey xubnihii waftiga oo ay ugu horeyntii hadashey Nuura Cabdi Xuseen oo ka tirsan xubnaha Golaha Sare ee SONYO. Nuuri waxay sheegtey in kulamada noocan oo kale ahi ay muhiim u yihiin iskaashiga ururada SONYO iyo guud ahaan dayarta gobolada iyo dallada SONYO. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Khadar Nuur Cabdi oo ka tirsan Golaha Sare ee SONYO ayaa sheegey in maanta loo baahan yahay midnimo iyo wax wada qabsi dhex mara guud ahaan dhallinyaradda JSL si loo gaadho horumar balaadhan. Cabdikariim Xuseen Caateeye oo ka mid ah xubnaha Golaha Sare ee SONYO ayaa isna halkaas ka hadlay ayaa xusay inay isaga muhiimad gaar ah u leedahay inuu kulankaas goobjoog ka ahaado isagoo metelaya gobolka Awdal isla markaana ku sugan xarunta Gobolka Laascaanood taasina ay muujinayso buu yidhi midnimada iyo isu-boholyawga dhallinyaradda JSL oo haddii lasii xoojiyo lagu gaadhi karo isbaddel dhab ah oo la mahadiyo. Waxaa isaguna warbixin balaadhan oo dhinacyo badan taabanaysay halkaas ka dhiibay agaasimaha fulinta SONYO, Mr. Siciid Maxamed Axmed. Agaasime Siciid waxa uu ku dheeraaday waajibka balaadhan ee guud ahaan dallada SONYO iyo ururadeedaba ka saran hanashada xilka balaadhan ee sugaya inay gutaan. Waxaa kale oo uu agaasimuhu xusay waxqabadkii dallada iyo mashaariicda ay haatan dalladu ku hawlan tahay isagoo sharaxayna qorshaha 5-ta sanno ee dalladu dhowaan dajisey si ay u jidayso barnaamijyada ay fulin doonto mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. Agaasimuhu waxaa uu sheegey inay xarunta SONYO, oo isugu jirta Golaha Sare iyo Waaxda Fulintaba, ay ka goan tahay u kuur-galka iyo wada-tashiga ururadeeda ka hawlgala gobolada kala gadisan ee dalka. Waxaa uu xusay inay ahayd sannadkii kan ka horeeyey markii ay socdaal noocan oo kale ah ku gaalaa bixiyeen dalkoo dhan. Waxaa kale oo uu cadeeyey inay socon doonaan dalkoo dhan oo ay Badhan iyo Boon tagi doonaan, una kuurgali doonaan xaalada ururada SONYO iyo guud ahaan duruufaha dhallinyaradda JSL.
Ugu dambeyntii waxaa halkaas laga soo saarey qoddobo la isla afgartey fulintoodana loo balamey. Qoddobadaas oo dhammaantood ku wajahnaa dhismaha iyo hanoqaadka dallada SONYO iyo horumarinta dhallinyaradda Somaliland.
Waftigu waxay sidoo kale iyagoo socdaalkooda sii wata ku hakadeen Caynabo halkaas oo ay kormeer ku sameeyeen Mashruuc ay dallada SONYO halkaas ka wado isla markaana kulan kooban kula yeesheen ururka SCA oo ka tirsan dallada SONYO.
Sida ay sheegeen xubno waftigan ka tirsan oo u waramay barta wararka iyo xogta SONYO, waxay waftigani socdaalkooda ku gaalaa bixin doonaan gobolo iyo degmooyin kale. Waftiga waxaa u qorsheysan inuu gaadho gobolka Sanaag iyadoo waftigu socdaalkooda ku iman doonaan gobolada Saaxil, Maroodi-jeex, Awdal iyo qaar kale oo badan.
SONYO AVU Staff writer