Hargeysa (Boorama) Ururka qurba jooga dhalinyarada YES Sports ee Wadanka Holland ayaa maanta deeq qalab sports ah soo gaadhsiiyay gudiga ciyaaraha Degmada Boon ee Gobolka Selel.
Deeqdan qalabka Ciyaaraha oo uu Soo Diray Guddoomiyaha ururka YES, Xaruntiisa dalka Holand Mahdi Faarax Aadam, ayaa waxaa ka wakiil ahaa Cabdi Idiris Axmed kaas oo isna gudoonsiiyay gudigan ciyaaraha Degmada Boon oo ay goob joog
ka ahaayeen Cumar Miicaad Caynaan, Sakariye Abiib Awdan iyo Xasan Barkhad Warsame.
Munaasabadan gudoonsiinta ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Mudane Cabdi Idiris Axmed oo ka wakiil ahaa deeqdan waxa uuna sheegay in deeqdani ay ka timid ururka qurba jooga dhalinyarada reer Boon ee YES Sports kaas oo ka dhisan wadanka Holland ayana ka kooban tahay 135 Shay oo iskugu jira qalabyada ciyaartooyadu ku ciyaaraan, waxa uuna sheegay in ay sanad walba deeqdan oo kale u soo diraaan bahda dhalinyarada ciyaaraha degmada Boon Ururkani Yes Sports.
Sidoo kale waxaa iyagna halkaas hadalo mahadnaq u badan ka soo jeediyay gudoonka sportiga Degmada Boon ,Cumar Miicaad Caynaan, Sakariye Abiib Aw-Adam,Iyo Xasan Barkhad Warsame waxa ayna dhamaantood uga mahadceliyeen ururkaas deeqdan sportiga ah sanadwalba u soo dira dhalinta ciyaaraha degmada Boon, waxa kale oo ay sheegeen in loo baahan yahay in gudigaas Yes Sports lagu daydo lagana wada qayb qaato dhiirigalinta dayarta ku nool degmada Boon, dhinacyada Ciyaaraha, waxbarashada iyo horumarka.
Gabogabadii munaasabadan ayaa halkaas hadal mahadnaq iyo duco iskugu jirta ka soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka ururwaynaha samafalka TAWFIIQ Mahdi Adam Riiraash ahna suldaanka guud ee dhalinyarada Gobolada Awdal/Selel waxa uuna sheegay in dayartaas isa soo xilqaantay ee soo dirtay agabkan ay ku mahadsanyihiin loona baahan dhalinta kale ee ka soo jeeda goboladan Awdal/Selel ee ku kala nool daafaha dunida in ay ku daydaan talaabadaas wanaagsan ee ay qaadeen dayartaasi Yes Sports ee ku nool wadanka Holland.
Si kastaba ha ahaatee ururkan Yes Sports ayaa ka mid ah ururada farakutiriska ah ee taageero muuqda la garab taagan dayarta ku nool degmooyinka ka baxsan magaalada Boorama oo aad moodo in qurba joog iyo guda joogba la iloobay tanina waxa ay tahay mid ku dayasho mudan.
Hadhwanaagnews/Office
Boorama/Somaliland