Ramadaan Kariim Dhamaan walaalaha Muslimiinta ah Gaar ahaan Bahda saxaafada.Ilaahay kheyrkeeda ha ina siiyo,kuwa ka faa,ideystana ha inaga Yeelo.intaasi ka dib waxaan idin soo Gudbin doonaa Qormada Todobaadka hore ee Ramadaanta aan ugu Talo galay in aan ugu deeqo Akhristaha.
Dad badan oo Aqoonyahanada iyo haldoorka bulshada ka tirsan Ayaa Qabatimey Cunida Balwado kala duwan oo ay ugu horeeyaan Jaadka iyo Sigaarku.Soomaalidu waxa ay ku Xamataa Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahano Phd ah in ay u gacan galeen hadana Isticmaalida Maandooriye Halis ah.Marka dadkii Bulshada hogaanka u
Hayey Qaar badan oo ka mid ahi ay cunaan,Marka dadkii caqliga iyo Cilmiga u saaxiibka noqday ay ku dhaceen Maxaa laga filan karaa kuwa aan wax aqoon ah u laheyn Maandooriyaha Waxyeeladiisa.Aqoonyahan Caan ah hadana Biyaha lagu waasho Isticmaala marka aad Maqasho waa tuurid Xaalkiisu.waxgaradka Xilka hayaa Haddii uu Dhalinyarta ka Wacdiyo Balwado uu isaguba leeyahay Maxaa xaalkiisu Noqonayaa.Halku dheg Ayaa leh Dadka xigmada badani maaha kuwo Isticmaala Maandooriyaha.
Cuntada Macaan ,sheekada,Kaftanka,wax akhriska,casharka,daawashada,Jimicsiga iwm intaba waa laga soo Istaaga oo qofku xaalad uu ka xiiso dhaco ayuu ka gaadhaa.hase ahaate Maandooriyaha iyo balwaduhu waa sheyga keliya ee aan laga xiiso dhicin.xabad haddii aad cabto waxa ku Jirta maado loogu talo galay in aad Kun xabo oo kale sii Cabto.Dawlado badan iyo Ururo aan dawli aheyn oo isku xil saaray joojinta Balwadaha la barto Ayaa ilaa hada aan ku guuleysanin in ay dadka ka hor joogsadaan cunida iyo isticmaalida maandooriyaha, markastana tirada dadka cunta/cabta ayaa intii hore ka soo badaneysa.Laakiin Tobaakadu waxa ay Jidhka ku keentaa 28 nooc oo ka mid ah Cancerka burburiya xubnaha jidhka aadamigu ka socdo.
Daroogada ama Maandooriyuhu waa Cudur ku dhaca qofka oo aan ku koobnaan Keligii hase ahaate u gudbi kara Dadka kale ee guriga kula nool,Kuwaasi oo ka baran kara ama Xanuuno ka qaadi kara Isticmaalkiisa.Dabku waa Kuleyl hadana waa midka Dhaxanta inaga diiriya,Inkasta oo dabku uu faa,ido inoo Leeyahay hadana laguma dhawaan karo.Maandooriyuhu Malaha waxtar sida dabka oo kale laakiin Waxyeelada dabka iyo Halista Tubaakada waxa ka daran Dhibaatada Maandooriyuhu Jidhka ku sababi karo.
Barashada iyo Isticmaalida Balwaduhu waxa ay sababeen burburka qoysas badan.waa Cudur Dad badan saameyn taban ku Yeeshay,isla markaasina ku keenay Dhibaato amaan daro,waxbarasho la,aan,Caafimaad daro iyo ugu danbeyntii Shaqo la,aan intaba.Waxa lagu tilmaami karaa Balwadaha cudur iyo Xanuun qofka ku dhacay oo u baahan in laga daaweeyo.Waa Maandooriye marka aad barato kugu qasba in aad cabto kuna socoto tiro intii hore ka badan.Waa Xaraaro iyo Xiiseyn kugu tuureysa Badweyn khatar ah.
Afar Qodob Ayaa ku iman kara Dadka Balwadaha leh kuwaasi oo kala ah A.Dadku marka ay ku Yidhaahdaan waar iska daa waxani aad cuneyso ama cabeyso in ay ka cadhoodaan.B.Dad badan oo ku dhow dadka Balwadaha leh in ay kala taliyaan oo ay ka qaataan ama ay ka diidaan,Waxa Muhiim ah in qofka balwada leh dadkoodu ay ku dirqiyaan in uu iska Joojiyo.C.Dadka Balwadaha lihi waxa ay Nafta u sheegaan in ay Joojiyaan ama intii hore Ka yareeyaan hadana wey isku kari laayihiin.D.dad badan ma kala qaadi karaan Indhaha subaxdii ilaa ay cabaan ama Isticmaalaan Jaad iyo Sigaar.
Maxaa wadooyin xidhnaa,Maxaa banaan sida safafka loo soo fadhiyey,Maxaa dad baco jaad ahi hor yaaleen maanta aan meeshii fadhiyin, Maxaa maqaaxi iyo Koley laga dul qeylin Jirey maalintii albaabada loo laabey.Inkasta oo habeenkii la furi doono hadana markaad suuqa maalin marto Xasilooni ayaad dareemi kartaa aan buuq aheyn.Magaalo dhulka la wada fadhiyo,Magaalo jaad inteeda badani cuneyso,Magaalo meelkasta koley iyo Maqaaxi isku Heysteen Ayaa ramadaantu nolol cusub iyo Weji kale ku keentay.
Balwadaha Sida Jaadka iyo Sigaarku waxa ay ku keeneen bulshadeena waxyeelo caafimaad daro,Dhaqaale burbur,Wakhti lumis,Rabshado iyo qalalaase Waxyeeli kara Nabada,Mustaqbal xumo,waxbarasho la,aan iwm.Intaasi oo qudha kuma koobna hase ahaate waxa Jira in dadku faraha ay ka qaadeen cibaado iyo ku dhaqanka diinta islaamka iyaga oo wakhtigoodii qaaliga ahaa ku lumiyey dul fadhiga balwadaha aan kor ku soo sheegay.Hurdo la,aan iyo noocyo badan oo waalida ka mid ah ayaa Haleeshay dad badan.Maaha Jaadka oo keliya Balwadaha wadanka laga helo waxaase ku Jira Khamriga oo marar badan la soo hadal qaado.
Shilal badan oo baabuurta ku dhaca waxa sababi kara Dad sirkhaansan ama Mirqaansan oo wax la fudud yihiin socodka xawaraha baabuurkana Meel sare joojiya.Sanad kasta Culimada Masaajidadu waxa ay ku booriyaan dhalinyarta iyo Guud ahaan bulshadaba in la iska joojiyo balwadaha oo faraha laga qaado.Ramadaantu waa Madarisad laga baxo ta ugu kheyrka badan oo ku bareysa wax badan markaasi iska jooji balwadaha noloshaada Madowga ugu wacan.Jooji balwadaha shaxaadka iyo laaluushka kugu qasbaaya.Jooji balwadaha musuq maasuqa kugu keeni kara in aad ku kacdo.
Inkasta oo aan Jeclaa in aan halkan ku soo tebiyo wareysiyo aan ka qaado dhalinyarta balwadaha iska deysey iyo ka hor Noloshii ay ku jireen iyo wakhtigan waxa ay dareemayaan Hadana nasiib daro qoraalka oo ila dheeran kara ayaan u baajiyey.Waxaan xasuustaa in sanadkii hore sheekh Masaajidka ka kacay dadka ku Yidhi waar Yaa ilaahay loo baryaa oo aan uga duceynaa Jaad iyo sigaar.Fadlan intaad Afurka ku soo dhufato salaada ha la soo gelin adiga oo wada Qiiq sigaar uraaya.
Dhalinyarta,Odoyaasha,Waalidiinta raga ah,Dumarka lagu sheego Iyo Guud ahaan bulshadaba waxa la gudboon in ay ka fogaadaan fadliga bisha barakeysan ee ramadaan awgeed cunida iyo Isticmaalida maandooriyaha oo wakhtigooda ay Cibaado iyo Nasasho ku qaataan,Ramadaanta ka dibna sidaasi faraha kaga qaadaan.Waa inoo Todobaadka danbe Isha allah iyo Mawduuc kale.
abdifataah mahamed ahmed
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.