Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxaa u sabab ah famliyada iyagoo isqaba leh isma qabno ama waanu dagaalanay hadana caruur isu sii dhalaya


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 21, 2012
Sida aad la socotaan waxaa wadamadan reer galbeedka aad ugu soo qulqulayey qawmiyada soomaalida dhinac ay doonto haka timaadee ilaa

Sida aad la socotaan waxaa wadamadan reer galbeedka aad ugu soo qulqulayey qawmiyada soomaalida dhinac ay doonto haka timaadee ilaa 
   Muddo lagu qiyaasi karo labaatankii sanadood ee la soo dhaafay way jiraan dad iyagu kasoo barakac horeeyey mudadaa labaatanka sanadood
   Ah, iayadoo dhamaantood kasoo barakacay dhimaatooyinkii wadanka ka taagnaa oo dhinacyo badan leh,,
  
Hadaba imaatinkaa wadanada reer galbeedka ee la yimi khasaare iyo faaiido labadanba way soo kordhiyeen hadaan wax yar ka taabto khasaaraha bulshada somalida haleeshay waxaa ka mida iyadoo qoysas badani ku kala tageen iyadoo  caruuru badan  dabaylaha reer galbeedku qaadeen oo waalidiintii dhashay meel ay maalinkaa maanta ah kaga waramaan aanay hayn, in badan oo waxaa jirta iyana ku wareertay oo gidaarada fadhida, balwado

aanay somalidu aqoon ama ceeb ahaan jirey oo wax iska caadi ah noqday iwm

laakiin taa barbardhigeeda waxaa jira iyana faaiidooyin badan oo laga helay ha noqoto nolol fiican nabad gelyo isku halayn leh waxtar badan oo qoyasaskoodii wadankii hooyo lagaga soo qaxay oo masaariiftooda iyo noloshooda si sahlan loo helay , waxaa iyana jira in badan oo aan la dhayalsan karin oo ka faaiideystey  oo aqoon aad u heer saraysa ka faaideystey

labada arimood markaan is barbardhigay aragtiyaha qaar ayaa u badinaya in khasaaraha lagala kulmay ay ka badan yihiin  maxaa yeelay marka aad xaga diin ahaan ka eegto mid keliya oo tusaale ah lama arki jirin ama maba dhici jirin inta qof somali ah meel sasoo taago uu si kalsooni ahi ku jirto u yidhaahdo  anigu diinta islaamka waa ka baxay ta kale lama arki jirin wiil soomaliyeed iyo gabadh soomaliyeed oo guri wada degan oo caruur isu leh oo hadana aan meher isu hayaa aanu jirin ama aan meherba laysku dayin oo sidaa ku caruur dhala oo qoyas baladhan ku noqda , waxaan ka soo qaatay mid iyo laba laakiin aad iyo aad ayay u badan tahay dhibka lagala kulmay

hadaba aan mawduucaygii isoo noqdee waxaan rabaa inaan wax yar ka iftiimiyo warbaahinta reer galbeedka wadamo ka mida ayaa wakhtiyadan danbe soo ban dhigaya fadeexado iyo waxyaabo aad looga naxo oo ay ku dhaqanto bulshada soomaliyeed ee degan wadamadan westrenka loo yaqaan oo ay ugu danbaysey  warbaahinta wadanka Norwey oo ka hadlaya waxyaabaha soomalida lagu hayo ee aadka u xun oo ay ka mid yihiin qoysas soomaliyeed  ama caruur soomaliyeed  oo boqolaal gaadhaysa oo hooyadood iyo aabahood leeyihiin isma qabno waanu is furay hada ku darsadoo diinteena suubana waa laynana yaqaan,

hadaba maxaaa keena ,, waxa arintaa keenaa waxay aragtiyo koobani leeyihiin 
1, waxaa keentay in wax la korodhsado xaga ninka iyo gabadha  ama balwado iyo masuul daro lagu maago raga soomaliyeed
2, in gabadha reerkoodu culays ku soo saaro inay u soo shaqayso  ama biisho ama guri u dhisto ama dad u dhoofiso iwm

labadaa arimood marka ay is hirdiyaan waxaa si toosa meesha uga baxaya dhismihii qoyska barbaarintii ubadka  kaabayaashii  qoys lahaan jirey oo dhan waxaana banaanka u soo baxaysa ceebahaaga iyo foolxumooyinkaaga iyo allaha raxmaanka ah oo lagu caasiyoobo

hadaba waxaan kula talin lahaa dhamaan dadka afka somaliga ku hadla rabbi haloo noqdo oo ragow adigaa masuulee masuuliyadii meel kaga waran
uma malaynayo sinaba in denbigaas ragu uga doodi karo , maxa yeelay haday ina maqli waayeen inakaa keenay wadanka inakaana masuul ka ahayn

gabdhaha soomaliyeedna waxaan leeyahay rabbigiin u noqda oo ka toobad keena khaladaadkaa dhacay oo reerka adigaa dhisi kara dumina karee ka kac fadhiga oo kaalintaadii hooyanimo buuxi markaad intaa samaysa wixii khaldani way iska soo noqone

Waalidiinta jooga wadankii hooyo ee culayska ku saaraya wiilka iyo gabadha inay wax u qabtaan deris oo xog ogaal u noqo hawlaha hor yaal
hadii aad taa yeeli weydo oo arinaakagu ku soo ururo hebela ii dhoofi iyo biil wacan ii soo dir iyo guri ii soo dhis waxaad ogataa taladaasi inay tahay burburka gurigii gabadhaada ama burburkii guriga wiilkaaga

wabilaahi tawfiiq
Ali jama
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.



 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.