Marka hore waxan salamaya dhaman akhristayasha sharafta leh meel kastoy joogaanba iyo weliba warbaahinta madaxa banan eek ala duwan.
Hal wiig uun kahor bay ahayd markan warbaahinta ka daalacday dad kala duwan oo ubadan madax-dhaqamed, kuwaaso kazoo jeeda deegaanka Hargeysa.
Dadkan oo ku andacoonayay in doorashada deegaanka ay magaalada Hargeysa iska soo sharaxi karan keliya beelaha deegaan ahan kaso jeeda magalada Hargeysa. Waxa iyaguna fikir kaas kazoo hor jeeda kaga dhawaaqay isla magaalada Hargeysa madax-dhaqameed kale oo kazoo jeeda isla magaalada Hargeysa, kuwaaso aaminsan in cidkasto reer Somaliland ahi xaq uleedahay inay iska soo sharaxdo magaalada Hargeysa.
Hadabo akhriste waxa muuqata in aynaan weli
ubislaan kudhaqanka iyo aqoonsiga shuruucda nidaam kasta oo maamul. Nidaamka iyo socodsiinta maamul tayo leh wax lagu kasbado aqoon( academic) balse aan ahayn wax la mutuhiyo amaba qof kasta wax laga waydiiyo. Balse akhriste dalkeena waxa saamayn kuleh, oo shiikhiya goaan ka gaadhista siyaasada wadankeena madax-dhaqameedka, kuwaasoo shiikhiya siyaasiyiinteena amaba dadka aqoonta uleh qaybaha kala duwan ee maamulka.
Waxba qalinku yuu ila durkine, waxa wax lala yaabo ah in laba arimood oon is qabanayn laysku dayo in midba sideeda loo hirgeliyo, labadan arimood oo kala ah:
a) In aynu nidhaahno Hargeysa ayaa inoo caasimada taasoo macnaheedu yahay waxay dhexdhexaad utahay caasimadna utahay dhamaan reer Somaliland, iyo
b) In aynu nidhaahno cid gaara ayaa mulkiyadeeda iyo deganaanshaheda ama wax kanoqoshadeda iska leh.
Hadabo hadii aanay Hargeysi xaqsiinayn muwadin kasta oo reer Somaliland ah iyadoo hadana sheeganaysa caasimadii iyo xaruntii wadanka, ma haboontay?.
Akhriste arintan ayaa ku dhalinaysa gobol kasta oo wadanka ahi inuu caasimad u aqoonsado magaaladiisa, dalkana ka bilaabanto gobolaysi iyo in lakala qoqobmo halkaasna ay kadhalato in wadanku yeelan waayo hal xudun oo kulmisa.
Ugu danbayntii, aniga oo ah muwaadin deegaan ahaan kazoo jeeda gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan caasimada Hargeysa. Waxan xasuusinayaa madaxdhaqameedka gobolka aan kazoo jeedo ee Hargeysa in gobolada kale ay cidda degtaa ay xaq uleeday iska soo sharixidooda balse ay caasimadu kaduwantay oon lakala lahayn ee ay iska daayaan qardajeexa iyo inay iska fogeeyan beelaha kale ee ay walaalaha yihiin, waana in lasoo dhaweeyaa cid kasta oo reer Somaliland ah kana soo jeeda gobolada kale ee dalka.
Waxaynu markasta aragnaa dadkeenii sanado kahor qaxoontiga ku ahaa yurub oo kaqayb qaadanaya doorashooyinka golayasha deeganka ee wadamaday kunoolyihiin.
Hadabo waa maxay sharciga muwadin reer Somaliland ah udiidaya inuu iska soo sharaxo caasimadiisii isla markana muwaadiniintena qurbaha u ogolaanaya inay iska sharaxaan golayaasha deeganka wadamo qalaad.
Waxan kusoo afmeerayaa in madaxdhaqameedku ay faraha kala baxaan arimaha siyasada ee aanay aqoonta ulahayn, kuna ekaadaan xayndaabka dhaqanka.
W/qalinki Abdirahman Mawlid Shandaqiiqo
cabdiun@hotmail.com
ADDIS ABABA, ETHIOPIA