Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


XUKUUMADDU IYO SHACABKUBA WAA INAY BILAD SHARAF SIIYAAN MUWAADINKAAS SHAQAALAHA XUQUUQDOODA RAADINAYA EE MAXKAMADUHU U XUKUMEEN XUQUUQDIISII.


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 21, 2012


XUKUUMADDU IYO SHACABKUBA WAA INAY BILAD SHARAF SIIYAAN MUWAADINKAAS SHAQAALAHA XUQUUQDOODA 

          RAADINAYA EE MAXKAMADUHU U XUKUMEEN XUQUUQDIISII.

      Qalinkii:Sulaymaan Maxamed  Xasan (Gabiiley) Hargeisa somaliland REpublic.
 
 
Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan saxaafadda soomaaliland ee sida hagar la,aanta ah uga haqab tira shacabwaynaheeda

    Haddii ay noqon lahayd saxaafadda madax-banaan iyo kuwa dawliga ahba,waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa muwaadinka 

   Qiimaha iyo qaayaha leh ee soo bandhigay kuna soo bandhigay websityada sida hadhwanaagnews,qarannews iyo wargaysyada madax-banaan 

   Maqaalkaas oo la magac-baxay DACWADDII QARNIGA OO NOQOTAY TII UGU SAAMAYNTA BADNAYD ABID"OO uu qoray muwaadinka magaciisu 

  Yahay MUSTAFE ISMAACIIL XAASHI oo ah shaqsi miisaan wayn ku leh dhalinyarada reer soomaaliland kana

damqada dulmiga iyo tacadiyada lagu 

   Hayo shaqaalaha dawliga ah iyo kuwooda madaxa banaan oo inta badan ay dhacdo in qofkaas muwaadinka ahi aanu helin mushahar ku filan oo 

  Dabooli kara baahidiisa iyo caafimaadkiisa,haddii aan dib ugu noqdo shaqaalaha dawladdu inkastoo mushaharkoodu uu yaryahay haddana waxay leeyihiin

 Xuquuq shaqaale,gunooyin iyo caafimaadkooda oo dheer,waxaase ayaan daro ah nimanka qawlaysatada ah ee dhiigmiiratada ah ee ka ganacsada raashinka 

 Iyo bagaashka waxay caadaysteen inay shaqaalahooda ay lagalaan heshiish xaaraana oo muslim iyo gaalba aanu ku dhaqmin heshiiskaas oo ah inay ka saxeexaan

Bilaa xuquuq bilaa fasax,mushahar yaraan iyo saacadaha ay shaqeeyaan oo aad u badan laguna qiyaaso 12-14 saacadood oo aanu xitaa qofku heli karin saacad u 

Waxbarto ama naftiisu ay nasato haddii xanuun xunna uu ku dhaco la odhanayo jeebkaaga iska dabar ama xilka soo wareeji haddii aanad shaqada iman karan 

Waxba nagama gelin xanuunkaaga""""""""""""""""Qofka muslimka ah ee walaalkaaya ee weliba xoolahaaga ka shaqaynaya ee ah saaxiibal jembi waajib ayaa kaa 

Saaran isaga,ubadkiisa iyo xaasaskiisa,inaad aflagaadaysaan kaba sii xun oo qofka masuulka ah ee ku caadaysta ficiltanka shaqaalihiisa allaah{swt} wuxuu ku talidaa

Lacago inta badan laga dhaco,ganacsigiisa oo sanadba sanadka ka dambeeya sii daciifa,macaamiishiisa iyo nasteexiisa oo uu u arko cadowgiisa koowaad,werwer aad 

U fara badan,baqdin joogto ah iyo shaki xad-dhaafa,allaahna wuxuu aakhirka ku salidaa masaaiib aanu ka soo waaqsan oo goor ay noqotaba lala eegto.

Waxaan xukuumadda sharafta leh ka codsanayaa,barlamaanka,wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada culimaaudiinka,aqoonyahanka,bahda cadaaladda,

maxkamadda sare iyo ta gobolka hargaysa inay ka hawlgalaan shaqaalaha madaniga ah ee u shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay inay qofkastaba magaciisa

Oo afaran shirkadda u u shaqeeyo,mushaharkiisa iyo shaqada uu u hayo shirkadda awood lagu saaro shirkadahaas qawlaysatada ah ee cashuurihii wadanku ku 

Baaqiga yihiin,waxaan kaloo idiinka codsanayaa inaad muwaadinkaas maxkamadda gobolka hargaysa iyo maxkamadda sare ay u xukuntay xuquuqdiisa shaqaalenimo

In sida ugu dhqsaha fudud loo fududeeyo loona fuliyo xuquuqdiisa iyo wixii kharashkaga baxay.

Waxaan m/waynaha jamhuuriyadda soomaaliland mudane axmed maxamed maxamuud(siilaanyo}  baaq qaylo dheer ugu dirayaa in qofka muwaadinka ah ee u 

Shaqeeya shirkadaha madax-banaan in uu sugu karo afar iyo toban cisho sida xeerka shaqaaluhu dhigayo wixii ka badana waa inay xukuumaddu awood buuxda 

Ku soo saarto sidii xeerkaas lagu dhaqmi lahaa,wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshaduna weliba waaxda shaqada iyo arrimaha bulshaduna ay noqoto 

Waax awood leh oo ninkastoo ganacsade ahi aanu waabsan karin,waxaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada taala dacwad qof muwaadini leeyahay oo 

Ka dhaxaysay nin ganacsade ah oo maalqabeena oo uu u shaqan jiray ka dib markii uu dacwadiisa u soo gudbiyey waaxda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa dhacday

IN Agaasimihii waaxda shaqada iyo arrimaha bulshada ninkaas ganacsadaha ahi indhaha galka uga saaray ka dibna dacwaddii ay joogsatay.

Waa inay xukuumaddu arrimahaas iyo arrimo fara badan oo ka jira bahda garsoor iyo marqaati beenaalayaasha sidii wax looga qaban lahaa ay xukuumaddu

AWOOD buuxda saarto si loo helo cadaalad iyo sinaan buuxda.




Taalaabo shae
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.