|
|
SADDEXDA WAKHTI EE UGU FADLIGA BADAN LEH BISHAN BARAKAYSAN EE RAMADAAN . by Khaalid Jaamac Muxumed (Hadhwanaagnews) Tuesday, July 24, 2012 Mahad waxa iska leh Allaha (SW) ina soo gaadhsiiyay bishan barakaysan ee ramadaan inaga oo caafimaad qabna
الســــلام عليكم ورحمة الله وبركـــــاته .. وبعد ,,,,
Mahad waxa iska leh Allaha (SW) ina soo gaadhsiiyay bishan barakaysan ee ramadaan inaga oo caafimaad qabna Al-xamdullillaah Wallaahi waa nimco aad u weyn oo uu Eebe (SW) inagu galladay waajibna ay tahay inaynu ugu shukri-naa ,waayo waxa jira dad aad
u jeclaa Inay soomaan balse ay caafimaad daro ka reebtay oo xanuun la jiifa iyo qaar geeriyooday oo aan sooba gaadhin.
Intaa ka dib, walaalayaal sida cinwaanka maqaalka ka,muuqata waxaynu bal isu bayaamin doonaa saddexda wakhti ee ugu qiimaha badan amaba ugu fadliga badan bisha ramadaan, waxana fiican in uu qofka soomani had iyo jeer ku dadaalo in uu ka faa,iidaysto saddexdan saacadood kagana faa,iidaysto dikri,Alle iyo duco uu ducaysto inkastoy fiicantahay inaynu wakhti kaste iyo goor kaste ku camirno camalo wanaagsan bishan barakaysan ,hadana saddexdan wakhti waxa ay leeyihiin fadli gaar ah sidaa awgeed waa in aynu dhamaanteen ka faa´iidaysanaa walaalayaal .
SAACADDA 1-AAD: Waa saacadda salaada subax kadib inta aanay cadceedu soo baxin.
Sida xadiiskan soo socda ku xusan ee nabiga laga wariyay (SCW) in uu yidhi qofka salaada subax latukada jamaacada masjidka kadibna fadhiista masjidka isaga,oo illaahay (SW) dikriyaya- xusaya oo tasbiixsanaya ilaa ay cadceedu ka soo baxayso kadibna laba rakcadood tukada waxa u sugnaatay amaba uu helayaa ajar u dhigma sida qof xajjay amaba cumraystay cumro taam ah oo dhamaystiran.
عن أنس رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: ( من صلى الفجر في جماعة ثم قعد يذكر الله حتى تطلع الشمس ثم صلى ركعتين كانت له كآجر حجة وعمرة تامة تامة تامة ). رواه الترمذي
SAACADDA 2-AAD: Waa saacadd ka,hor inta aanay cadceedu dhicin amaba godka-galin.
Walaalayaal saacaddani waa saacadd runtii aad u qiimo badan had iyo jeerna qofka soomani saacaddan waxa uu kaga mashquulaa diyaarinta afurka iyo hawlo la,xidhiidha afurka , khaas ahaan dumarku, hadaba waxa fiican walaalayaal inaynu ilaalino kafaa,iidaysashada saacaddan qiimaha leh waayo waa saacadd mustajaab ah waana saacadda ugu fadliga badan ee uu adoonka soomani illaahay (SW) baryo, sidaa awgeed ku dedaal inaad Illaahay SW aad baridid saacadan afurka ka horaysa oo aad waydiisatid muraadkaaga wanaag aakhiro iyo mid aduunba wixii aad jeceshahay.
- كما جاء في الحديث قال صلى الله عليه وسلم : ( ثلاث مستجابات : دعوة الصائم ،ودعوة المظلوم ، ودعوة المسافر )رواه الترمذي.
SAACADDA 3-AAD: Waa wakhtiga ( suxuurta) ama saacadd ka,hor inta aan la,eedaamin salaada subax.
Walaalayaal saacadanina waa saacadd runtii aad u faddli badan ay wanaagsantahayna in aynu ku dadaalo baryada alle waliba imika waxaynu ku guda jirnaa bishii barakaysnayd ee dhamaan acmaasha wanaagsan ee uu qofka muslimka ahi la,yimaado loo labanlaabayay sidaa daraadeed waa in aynu uga faa,iidaysana daqiiqadahan rooxaanigaa iyo saacaddahan fadliga badan acmaal adkaysa xidhiidhka inoo dhexeeya Alle (SW) Saacadanina waa saacad ka,hor inta aan la adimin salaada fajirka ama subaxa waana wakhtiga aynu suxuurta loo kaco
Waxa uu illahay Qur´aanka ku xusay isagoo la,hadlaya nabi muxammed SCW una tilmaamaya in uu tasbiix iyo takbiir iyo tahliil iyo istiqfaar ku camiro wakhtiyadan fadliga badan.
قال الله تعالى :( وسبح بحمد ربك قبل طلوع الشمس وقبل غروبها ومن آناء الليل فسبح وأطراف النهار لعلك ترضى ).
- وقال تعالى : ( وسبح بحمد ربك قبل طلوع الشمس وقبل الغروب * ومن الليل فسبحه وأدبار السجود ).
Waxa uu illahay (SW) Aayadahan ku xusay isagoo la,hadlaya nabi muxammed (SCW) una tilmaamaya in uu tasbiix iyo takbiir iyo tahliil iyo istiqfaar ku camiro wakhtiyadan
fadliga badan
Waxa uu yidhi( AL-XASAN AL BASRI ) raximahullaah ´´ Adduunyadu waa saddex-maalmood oo kaliya (1)-Shalay( 2)-Berrito( 3)-Maanta. ,,,,,, (1)- Shalay way tagtay ( 2)-Berrito waxa lagayaabaa in aanad gaadhinba !! (3)- Maanta´se adigaa leh waayo waad nooshahay ee camal wanaagsan oo
ku anfaca maalinta qiyaame kaga faa,iidayso !!
قال الحسن البصري رحمه الله : ( الدنيا ثلاثة أيام أما أمس فقد ذهب بما فيه ، وأما غداً فلعلك لا تدركه ، وأما اليوم فلك فاعمل فيه ).
Gabagabadii walaalayaal waxaan naftayda iyo idinkaba idiin dardaarmayaa in aynu uga faa,iidaysano saacad,kasta iyo saacadahan fadliga gaarka ah lehba, Acmaal wan-wanaagsan si aynu u kasbano raali ahaanshaha Illaahay (SW) . Illaahayna waxaan ka baryayaa in uu soonka iyo salaadaba inaga aqbalo habeenka fadliga gaarka ah leh ee laylatul qadrigana ina gaadhsiiyo ingana yeelo dhamaanteen kuwo uu naarta ka xoreeyo bishan barakaysan Allaahuma aamiin
aamiin.
Khaalid770@hotmail.com
Khaalid Jaamac Muxumed
AL-QASSIM-K.S.A
|