 |
| Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade |
Hargeysa(HWN):-wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waxaan jirin ku tilmaamay warar sheegaya inuu iska casilayo xilka wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta.
Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wararkaasi aanay ahayn qaar xaqiiqada ku salaysan isla markaana aanay jirin wararkaasi sheegaya inuu iska casilayo xilka wasaaradaasi.
Sidoo
kale wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu ka warbixiyey qorshe ay doonayaan inay magaalada Hargeysa wax kaga qabtaan xadhkaha laydhka oo si nidaam daro ah u dhex mara wadooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa.
Ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya wararka sheegaya inuu iska casilayo xilka wasaaradaasi ayaa yidhi dadka qoraya inaan iska casilayo xilka wasiirnimo waa dad aan masuuliyad lahayn sababtuna waxa weeye is casilaadu wax aniga iga yimid ama iga socda ama aan ka hadlayo ama aan anigu ujeedadeeda leeyahay maaha, hadii aan anigu is casilayo ma garanayo meel ay ka keeneen iscasilaadayda laakiin waa mid ay ku abuurayaan khal khal dawlada dhexdeeda ah, arintaana wax ka jiraa ma jiraan,.
Sidoo kale wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade oo ka hadlaya xadhkaha dhex mara magaalada Hargeysa ee laydhka qaada ayaa waxa uu sheegay inay maanta kulan la qaadan doonaan masuuliyiinta shirkadaha laydhka waxaanu yidhi maanta waxaanu la balansanahay masuuliyiinta shirkadaha laydhka walina noomay iman balse arintaa wax ayaanu ka qabanaynaaayuu hadalkisa ku yidhi wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com