Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


FAHANKA DULUCDA DIINTA IYO U KUUR GELIDEEDA by Bashe Abdillaahi Qulumbe, London


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 24, 2012
Asalamu calaykum Wax kastaba ujeedadii loo uumay iyo tii loo sameeyey hadaan lagu gaadhin waa dhibaato. Hadaad gaadhi iibsatid

Asalamu calaykum

Wax kastaba ujeedadii loo uumay iyo tii loo sameeyey hadaan lagu gaadhin waa dhibaato. Hadaad gaadhi iibsatid oo uu meela kuu kaxayn waayo fuulina kari waydid, bal ka waran? Hadaad guri dhisatid albaabkana ka geli kari weydid bal ka waran?

Al- jawaab. Labaduba waa belaayo inaad burburisidna ka fursan mayso, waayo nafcigii loo galay waa laga waayey. Belaayo fuushay iyo belaayo gashay aynu u kala bixino baabuurkaas iyo baradaas.

Hadii inaad ILaahay swt caabudid uun, laguu abuuray laguuna sameeyey,

weliba laguuna cadeeyey waajibkaas, hayeeshee aad fulin weyday, soow ayaan daro ayana taas ka sii weyn maaha?

Wax nool oo jiraalka ama khalqiga ka mid ah in lagaa dhigo dulucda Khaaliqu swt ka lahaa mid uun weeyaan. INAAD CAABUDID ASAGA UUN OO AANAD U SHARIIK YEELIN GOOB IYO GOOR KASTABA. Full stop!

Waxaad caabudaysaana waa cidaad u nooshahay ama waxaad u taagan tahay 24/7. Waa cidaad adoonka u tahay ee aan dhinaceeda lagaa marin. Cidaad jeceshahay, cidaad qaderisid, cidaad dul iyo hoosba kala haysid, cidaad cuskatid ama kaalmaysatid markaaad taageero iyo hiilba u baahantahay inay iskaa garab taagto.....IWM.

Aan kuu soo koobee waa cida dhiigaaga dhaqaajisa ama ku drive garaysa ee steeringka ama shookaanta kuu haysa. Kaas baad caabudaysaa oo ILaahaagu yaahy, xaqiiqatan!!!

NB. Intii ILaahay swt wanaagooda ku faray ee dhiigaaga ku talaalan sida Nebigii scw, waalidkaa, qaraabadaada, maatada iyo masaakiinta, muslimiinta ....IWM, ayada lafteedu cibaadada Rabbi swt ayay ka mid tahay waayo ILaahay swt ayaa sidaas ku faray oo amarkiisii aad fulinaysaa markaad ixsaankooda ku foogan tahay! Wal caksu saxeex.

`Qofkii LAA ILAAHA ILA LAAHU aduunka kaga baxaa(kelmediisa uugu danbeysa ay noqotaa) waa ehlul jano` Sidaas Nebigii SCW ayaa yidhi waana saxeex.

Xaqa ILaahay swt kugu leeyaahy waa ` Inaad keligii caabudid oo aanad u shariik yeelin meel kasta iyo mar kastaba` Xaqa adiguna aad Ilaahay swt ku leedahayna waa` Inaanu ku cadaabin hadaanad u shariik yeelin` Ayana waa xadiis saxeex ah.

Markaa shaqadeena weyni waa, Inaynu Alle uun swt caabudno oo aynaan u shariik yeelin, duruuftu siday doonto ha ahaatee.

 Talaabadaasina waa qodobka uugu muhiimsan ee ay diintuba tahay. Islaam macnaheedu waa hogaansan, ILaahay swt loo hogaansamo sida awrku hogaamiyaha xadhiga u haya uu u dabo galo oo kale, ee aanu marna raadkiisa uuga leexan talaabadana uula eegto, adna waa inaad Qur`aanka u daba gashaa oo aanad geesna awaamirtiisa uuga baydhin, daahir iyo baadin toona.

Arintani sida la moodaayo uuma fududa!!! Waxaanay inooga baahan tahay, dadaal, hawl, tababar, raganimo, tarbiyad, feejignaan, barasho, dhugasho, iyo weliba is ilaalin iyo feejignaan saa`id ah oo aad hadalkaaga, ficilkaaga, fekerkaaga iyo niyadaadaba had iyo goor aad uugu fiirsatid si hoosena uugu kuur gashid meeshaad dhigaysid, waxaad uuga jeedid iyo weliba natiijada IF iyo Aakhiraba kaaga soo baxaysa ama ka ratibmaysa.

Waa inaad aad iyo aad isugu maqnaata sir iyo caadba ama kor iyo hoosba. Ficilkasta oo aad ku dhaqaaqaysidna si qoto dheer uuga fiirsataa wuxuu daaran yahay, halkaad dhigaysid iyo natiijada ka soo baxaysaa ma mid shirki ahbaa mise waa Ikhlaas iyo Ixsaan!!!

Sababtuna waxa weeye, cibaado khaalis ah liibaantaada oo dhan ayaa ku xidhan tan iyo ta danbeba..........La`aanteedna wallaanay xaga ILaahay swt waxba kuu ool, haba yaraatee.

Asxaabtii nebiga scw ayagoo dadka bin Aadamka uugu liita ahaan jiray, ayay mudo yar ku noqdeen kuwa intuu Aadam dhalay uugu horeeya dhinac kastaba! Sababtuna quluubtooda oo is bedeshay ayay ahayd. Taas oo halkii cabsida(shirkiga) khalqigu ay ka buuxday ay cibaadada Rabbi swt ee khaaliska ah ku bedeleen!!!

Bil caksiga, reer Bin Israel, dadka ilma Aadam uugu horeeya ayay ahayeen waxayse ku soo dhaceen kuwa uugu hooseeya ee qarni walba la xasuuqo, meel kastana qaxootiga weligood ku ah dalna aan lahayn, sababtoo ah, Cibaadadii Rabbi swt ee khaaliska ahayd ayay ta adoomaha, aduunyada iyo Shaydaanka ku doorsadeen!!!  Imikadan lafteedana madanaa dab uugu jira ee dawladnimadoodan yar ha ku dagmin muslinoow!!!

Maxay maanta wadaadadu dhaqaalihii Somalida gacanta uugu dhigeen uuna noqdeen inta aduun iyo aakhiraba umadeena Somalida ah uugu horaysa? Lacagtii dalka taalay iyo shirkadaha ka furanba ayagaa iska leh, qurbahana wax alla waxa meherad iyo ganacsi Somaliyi ku haysato 90%----95% wadadadaa iska leh gacantana ku haya, waayo?

Maxay wadaadadu had iyo goor success u yihiin ama u aflaxeen(intooda toosani) halka ay jaamiciyiin, saraakiil iyo siyaasiyiin aan diinta aad uugu xidhnayni wax aan dhibaato ahayn aanay umada ku soo kordhin?

Ma rabo inaan mawduuca siyaasadeeyo ee bal arinta dhinac walba aynu iska taagno ayay iga tahay. dabeetana wixii practicaly u shaqaynaaya ayuun baa dee ina anfaca ee aan ku dhaqaaqno.

Aduun iyo aakhiraba liibaantu Diinta ayuun bay ku jirtaa weeyaan fariintu.

Wa Ramadaan Mubaarak, Walxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin


Wasalaamu calaykum waraxmatuLaahi wa barakaatuhu.
Bashe Abdillaahi Qulumbe, London
bqulunbe@yahoo.co.uk

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.