Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Daraasad Cusub Oo Shaaca Ka Qaaday In Xidhiidhka Qoysku Bisha Ramadaan Aad U Wanaagsanaado.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 24, 2012
London-(HWN)-Cilmi baadhayaal aan aaminsanayn diinta Islaamka oo ka tirsan waddamada reer galbeedka ayaa cilmi baadhis cusub oo ay sameeyeen dhawaan, shaaca kaga qaaday

London-(HWN)-Cilmi Cilmi baadhayaal aan aaminsanayn diinta Islaamka oo ka tirsan waddamada reer galbeedka ayaa cilmi baadhis cusub oo ay sameeyeen dhawaan, shaaca kaga qaaday in xidhiidhka iyo hab dhaqanka qoysku aad u wanaagsanaado bisha barakaysan ee Ramadaan.



Cilmi baadhistan oo ay sameeyeen khabiiro ka tirsan jaamacadaha
dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Belgium iyo Holland, waxa ay muujisay in xidhiidhka qoysku aad u wanaagsanaado inta lagu gudo jiro bisha
barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan lamaanaha qoyska oo gala xaalada ugu wanaagsan ee noloshooda.



Sida warbixintu cadaysay, cibaadada badan iyo is badalka nololeed ee
Ramadaantu waxa ay abuurtaa, in dadku yeesho dabeecado iyo hab dhaqan
ka wanaagsan kii hore, waxaana bata dulqaad iyo is tix galinta, labada
dhinac ayaa mid walba


dareemaa ahmiyada iyo kaalinta uu qofka kale
kaga aadan yahay.



Warbixintan ayaa sidoo kale xustay in haweenku wakhtiga bisha
barakaysan ee Ramadaanta lagu jiro ay yareeyaan, madax taaga iyo
tartanka ay raga kula jiraan, halka dhinacoodana ay Ragu ka dareemaan,
ahmiyada iyo kaalinta balaadhan ee afadiisu ugu jirto, tix galin
badana ay dhexdooda ka abuuranto.



Baadhayaashan ayaa rayi ururintooda ku waraystay in ka badan, kun iyo
shan boqol oo lamaanayaal qoys ah, kuwaas oo mid walba cadeeyay sida
uu ugu qanacsan yahay lamaanihiisa iyo sida tix galintoodu uga
fiicnaato wakhtiyada kale.



Dadka rayigooda la waydiiyay ayaa mid walba rag iyo dumar sheegay in
khayrka iyo dedaalka badan ee cibaadadu kor u qaado, nolosha qoyska
isla markaana abuuro jawi is jacayl iyo is tix galin ah.



Rag badan ayaa sheegay in waxyaabo badan oo marka hore ay indhaha ka
lalinayeen ay dhacaan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyaga oo tilmaamay
in haweenku bisha Ramadaan qabtaan, hawlo badan oo shaqadu ku laban
laabanto, sidaa awgeed ay tix galin badani imanayso oo qof kasta oo
caqligiisu sax yahay, dareemi karo, qiimaha iyo kaalinta afadiisu ugu
fadhido.



Isku soo wada duuboo, waxa ay warbixintani cadaysay sida nolosha iyo
xidhiidhka qoysku u fiicnaado inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee
Ramadaan, taas oo gaadha heerka ugu fiican ee sanadka intiisa kale,
xaaladan iyo isbadalkan ayaa qaar badan oo ka mid ah muslimiintu ay ku
tilmaameen mid ka dhalanaysa shaydaanka oo la xidh xidho inta lagu
jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.



Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaagnews
Hargeysa Somaliland

 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.