Hargeysa(HWN) Xog-yaha gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa sheegay in roobabkii caawa fiidkii ka da,ay magaalada hargaysa in ka qaadeen jiingahidii shan iyo toban guri oo ku yaala Degmada Axmed Dhagax Gaar Ahaana Xaafada Sheekh Muuse Ducaale, halka Afar Qofna ay ka soo gaadheen dhaawacyo .
Xog-hayaha Gobolka Maroodi Jeex Oo Khadka Telifoonka Ugu Waramayey Wakaalada Wararka Somaliland u Baahisa ee Solna ayaa intaasi ku daray in afartan qof ee dhaawacyadu ka soo gaadheen roobabkaasi in laba ka mid ah oo uu dhaawacoodu culus yahay lagu daweynayo
cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa .
Xog-hayuhu waxa uu intaasi raaciyey in roobabka oo dabaylo watay in ay guryahaasi kala tageen jiingadihii isla markaana dadkii guryahaasi deganaa ay la soo daristay xaalad hoy la,aaneed loona baahan yahay in loo gurmado .
Hadhwanaagnews.com
C/casiis Caydiid Cilmi(Yemeni)
abdiaziiz@hadhwanaag.org