Hargeysa(HWN):- Hablahan reer Somaliland oo ku nool waddanka Ingiriiska, ayaa hooyo Farxiya Cabdi Yuusuf oo ah hooyo naafo ah haysatana 6 caruura oo agoona ugu soo deeqay lacag dhan $527 oo doolar.
Lacagtaas oo lagu soo hagaajiyey Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed oo ku sugan magaalada Hargeysa ahna guddoomiyaha fulinta ee hay´adda islaamiga ah ee Al-huda, ayaa waxa guddoonsiinteeda ku wehelinayay Cabdishakuur Xaaji Muxumed [Heersare] oo marar kala duwan hore lacago lagu soo hagaajiyey guddoonsiiyey Hooyo Farxiya oo ku nool magaalada Hargeysa.
Hooyadan naafada ah ee cagaha curyaanka ka ah oo saygeedii geeriyooday badhtamihii bishii April ee sannadkan, ayaa muddo hore lagu baahiyey
mareegaha Hadhwanaagnews iyo Oodweynenews.com xaalad xakiran oo ay ku sugnaayeen, ayaa xilliggaas dad kala duwani soo caawiyeen, iyada oo hooyo farxiya waqtigaa noo sheegtay inay odaygeeda amaah ku aastay.
Lacagtan lagu soo hagaajiyey Sheekh Cabdinaasir ayaa waxa Ingiriiska soo diray hablo reer Somaliland oo si wada jir isaga soo uruuriyey, kuwaas oo ka damqaday xaalladda hooyadani ku sugan tahay.
Waan u ducaynayaa oo waan u mahadcelinayaa hablaha muxsiniinta ah ee lacagta iigu soo deeqay. ayay tidhi hooyo Farxiya Cabdi.
Hooyo Farxiya waxay tilmaamtay inay lacagtani wax badan ka tarayso baahidii ku keliyaysatay ee xaaladooda nololeed cidhiidhiga gelisay, iyada oo si weyn ugu ducaysay hablahaa lacagta ugu soo deeqay iyo cidda soo gaadhsiisaysa.
Hooyo Farxiya oo aan socon karin isla markaana gurguuranaysa, ayaa markoodii hore waxay ku jiri jireen buul yar oo cooshad ah, haddase waxay caruurta u kiraysa guri sandaqad ah, iyada oo markasta oo u ducaysa dadkii soo caawiyey.
Ugu danbayntii, maadaama oo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan dadka wanaagga iyo ajarkaba jecel waxaa looga baahan yahay inay hooyadan naafada ah ee caruurta agoonta ah haysata inay ku soo caawiyaan wixii taaluko ah ee soo tari karaan.
Hadhwanaagnews
Hargeysa/Office
abdiaziiz@hadhwanaag.org