Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


ABDIRAXMAAN TUUR AIRPORT HA LOOGU YEEDHO MADAARKA BURCO qalinkii Abdihakim Marrayare


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 28, 2012
Asallaamu caleykum dhammaan ummadweynta muslimkka ah iyo umadda reer somaliland iyo bahweynta saxaafada ee hadh iyo habeynba uheelan

Asallaamu caleykum dhammaan ummadweynta muslimkka ah iyo umadda reer somaliland iyo bahweynta saxaafada ee hadh iyo habeynba uheelan shaqada ay dadkooda uhayaan.


Bishan aynu kujirno ayuunbay ahayd markii xukuumadu shaaca ka qaadey inay dayactir iyo balaadhin kusamayn doonto madaarka burco oo kamid ah madaarada ugu waaweyn gobolada bari ee dalka.

Inkastoo aynu haysano labada madaar ee halbawlaha u ah dalkeena waa berbera Airport iyo madaarka caalamiga ah ee Egal international Airport ee magaalada xarunta ah ee somaliland ee hargeysa.
Waxa bariyihii ugu danbeeyeyba xukuumada laygu eedaynaayey inay dib udhaca kuyimid in la bilaabo shaqadii dayactirka madaarka ay

masuul ka ahayd.

Walaw ay jiraan cabasho badan oo ka imanaysa ummada gobolkan togdheer degta oo ay gabi ahaanba ka cabanayaan waxqabad la’aanta xukuumada ee dhinacyada arrimaha bulshada ee gobolka togdheer oo ah mid layska ilaabay.

Akhristaw ummad kastoo caalamka kunooli waxay isku leeyihiin tixgalin iyo qadarin maadaama ay isku deegaan noqdeen.

Ummadeedna somaliland waxay leedaahay sooyaal taariikeed hufan oo ay kusuntan yihiin marxuumiin maanta inaga hooseeya oo duco o kaliya inooga baahan,iyo qaar kale oo tiro yar oo wali aduunka sii dhex tukubaaya.

Waxa fiican in qofkeena magaca iyo maasmuuska lahaa lagu xardho magaciisa goobaha arrimaha bulshada si jiilka danbe ugu ahaado taarikh oo waa in loogu magac bixiyo goobaha caafimaadka,xarumaha waxbarashada.wadooyinka halbawlaha ah iyo madaarada dalka iyo sidoo kale xaafadaha magaalooyinka waaweyn dadkeenii taariikhda lahaa ee gayigan sumcada iyo mahadhooyinka kaga tagey.

Inkastoo aanay fiicnayn in laga hor dhaco inta la dhameystiraayo dayactirka shaqada madaarka burco hadana waxaan fikir ahaan odhan lahaa xukuumadu ha ku ikraanto magaca madaarka burco Abdirahmaan ahmed ali oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland,kana midka ahaa siyaasiyiintii iyo mujaahidiintii waaweynayd ee gayigan soomara.
Waxaan usoo jeedin lahaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne axmed silaanyo inuu fikirkan haduu saliim noqdo in la qaato oo madaarka burco loogu yeedho ABDIRAHMAAN TUUR AIRPORT.

W/qalinkii:Abdihakim Marrayare
abdihakim_marrayare1@hotmail.com

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.