Aduunku waa wada qodax, talaabo kasta oo aad qaadaysana waxaad dhigaysaa meel ay afka kala soo jeedo, hadaanad ka fiirsan oo aanad cagta la eegan meel meesha yar ee aanay qodaxdaasi ka soo taagnayn. Taasina waxay tilmaamaysa muhiimada ay hubsiimadu leedahay. Hal baa la siistayna horaa loo yidhi.
Cabdillahi Ibnu Mascuud RC wuxuu yidhi
` Dhulka ayuu Nebigii CSW ka jeexay xariiq toosan, dabeetana labadii dhinac ama jaanib ee xariiqaas toosana wuxuu ka kala jeexay faraaro yar yar oo asaga ka baydh baydha. Intaas ka dibna xariiqii toosnaa ayuu farta noogu fiiqay kolkaasuu ydihi ` Waa kaaa dariiqii ILaahay, kuwaas yar yar ee ka leexdaana waa wadiiqooyin, mid kastana shaydaan baa taagan, dadka uugu baaqaaya, oo halkan soo marada haya` Xadiisku waa saxeex.
Had iyo goor waxa wanagsani waa toos iyo cadaan, xalaal iftiin baa la cunaana waynaga ku hal qabsana. Wax kasta oo xumina waa laalaab, luuqluuq, madmadoow iyo qalqalooc. Sababtoo ah wanaagu Ilaahay SWY ayuu ku xidhan yahay, ILaahayna SWt jidkiisu waa toos. Xumaan oo dhamina waa doctuur iyo leexleexad waxaanay jenbiga haysataa Shaydaan maroore oo asna jar ka sii laalaada.
Salaada ILaahay swt wuxuu ku tilmaamay inay munkarka iyo xumaanta kaa dayrayso. Zakadana wuxuu ku tilmaamay inay ku daahirinayso, oo malkaaga, naftaada iyo jidhkaagaba ay nadiif iyo daahir ka yeelayso.
Soonkana wuxuu Rabbi SWT ku asteeyay inuu Taqwada rukunkeeda yahay. Taqwaduna waa gaashaanka xumaanta la iskaga difaaco iyo kartida ixsaanka lagula yimaado oo is barkan. Bal u fiirso intaad sooman tahay way adag tahay inaad xumaan ku kacdaa, khayrkuna waa kuu fududyee.
Xajkana wuxuu Allaah SWT ku tilmaamay inuu yahay kii ina anfacaayey, waxaanu yidhi, ka qayb gala oo kaalaya wixii idin anfacaayey halkanay yaalaanee. Yacnii Xajka.
Haduu denbigu ur leeyahay dad badan ayaan umada soo dhex fadhiisteen, waxa ka soo kankamaaya awgeed!!! Oo waa kee keena aan soo ureen ee aan denbi samayni? Qofkastaaba macsi sir ah oo hadii uunku maqlo uu ku dhufan lahaa ama waalan lahaa hadaan wadnuhuba is taagin ayuu leeyahay dhamaanteen, ee ILahay swt aynu inuu ceebteena asturo waydiisano. Qof kastaana tiisa ha eego intuu ta umada kale ku maqan yahay.
Allahayoow ceebtayada iyo cawradayadaba astur oo ha na fadeexadayn aduunka iyo aakhiro toona. Aamiin
Saxaabadii waxay yidhaahdeen, dariiqa ama wadada Nebigii SCW maro waxaanu ku garan jiray udgoonka ka soo baxaaya iyo curufta la yaabka leh ee ka soo burqanaysa. Waxaa saxeex ah oo la soo weriyey inuu dhididka nebigu SCW cadarka nooca uugu udgoon ka sii udgoonaa kana caraf badnaa.
Dabeecadiisa, deeqdiisa, dadnimadiisa iyo dulqaadkiisa oo kale toona weligeed horayso iyo danbayso toona lama arag bin Aaadmi sidaas u dhamays ah oo aad is odhanaysid yaan ka dul dhaqaaqin ood rafiiqiisa aduunkoo dhan oo lagu siiyo ka jeceshahay.
Rag inay soo dilaan oo kurta ka jaraan uugu yimi Nebiga SCW marar kala duwan, hubkoodiina hoosta soo gashaday ayaa jiray, hayeeshee markay indhaha saareen ee wejigiisa arkeen farxada, deganaanta, wanaaga iyo nuurka ka hilaacaya, naxay, yaabay oo dib isu taagay, yidhina `Wallaahay kani inaanu mid dil loo quudho ahayn` halkiina ku ashahaatay oo ku muslimay kuna raacay Rasuulka SCW, weligoodna aan dib uuga tegin uugana fogaan ilaa ay ku god galeen siday garabkiisa hiil iyo hooba uula taagnaayeen.
Waayo Rasuulkii SCW wuxuu ahaa raxmad soconaysa oo Ilaahay SWt soo diray, manhajkiisuna wuxuu ahaa Qur`aanka oo ah raxmad ayana Ilaahay SWT soo rogay, sababtoo ah labadooduba Allaha Arraxmanka ah ayay ka yimaadeen, wax kastoo xagiisa inagaga yimaadaana qiimahaas bay leyihiin oo qofkii caqliga adeegsadaa garanayaa ama kasayaa.
Sidaasaad bir lab iyo magnet uugu noqonaysaa ama maqnaadiis wanaaga iyo xumaanta kolba kii kugu jira adiga marka hore. Shinbirbana shinbirkiisuu la duulaa, Likes attracts likes` Wixii isku noociba way isa soo jiitaan, ee qof kastoowba cidaad la rafiiqaysid bal iska hubso.
Isku soo duuboo, sidaasay kala tahay natiijada wanaaga ka soo baxda iyo ta xumaantu. Maytkaaguna sidaasuu kala ahaanayaa oo Malaa`iktu ukala urinaysaa markaad dhimatid.
Sidaas darteed wax kastaaaba falkaagu ama camalkaagu noocuu yahay ayay ku xidhan tahay, ee kaas ha la ogaado.
ILaahay SWT, camalkeena ha wanaajiyo, xumaantana haynaga dhawro, isaguun baa awoodaas iska lehee. Xeelad iyo quwad toona ma lihin inagu ee ILaahay SWT tiisa ha inagu caymiyo, Inahu huwal Qafuuru Raxiim,. wa huwa Tawaabun Kariim.
Ramadaan Mubaarak--------- Walxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin
Wasalaamu calaykum waraxma
Bashe Qulumbe, London