Boorama (HWN) Dawlada Hoose ee Boorama ayaa maanta olole ay ku banaynayso wadooyin badan oo dhex mara magaalada Boorama oo baryihii danbe u eekaa kuwo inta badan ay xidheen dadka ku gancasada meheradaha yar Sida miisaska jaadka iyo dadka ku iibiyo qalaanqisha wadooyinka dhinacyadooda.
Hawlgalkan oo ay ka qayb qaadanayeen masuuliyiinta Dawlada hoose oo uu ugu Horeeyo Xoghaya fulinta Dawlada hoose iyo Maayorka Degmada Boorama ayaa waxaa kala qayb qaadanayay burburinta iyo banaynta wadooyinkan ciidanka amaanka ee Degmada Boorama.
0cm 10pt" class=MsoNormal>Hadaba qaar ka mid ah masuuliyiintii ka socday Dawlada Hoose ee hawlgalkan ka qayb qaadanayay ayaa warbaahinta u sheegay in ay dadkan maanta laga dudumiyay goobahan wadooyinka soo galay ay horey u wargaliyeen in ay ka guuraan oo ay ka rartaan alaabtooda waxa ayna sheegeen in ay ka dhago adaygeen ayna maanta sidaas ku hawlgaleen.
Masuuliyiintan ayaa waxa ay sheegen in ay sii wadi doonaan banaynta wadooyinka halbawlaha u ah bilicda magaalada Boorama waxay doonto ha ku qaadatee si loo soo celiyo quruxdii iyo Faalalkii ay wadooyinka magaalada Boorama dhex maraa ay horey u lahaan jireen.
Si kastaba ha ahaatee hawlgalkan maanta ay Dawlada Hoose ee Boorama Bilowday ayaa ahaa mid in mudo ah laga dhursugayay in ay talaabo noocanoo kale ah qaado maadaama waqtiyadii u danbaysay cidhiidhi xoogan laga dareemi Karayay wadooyinka Halbawlaha ah ee dhex mara magaalada Boorama taas oo ay dad badan oo ganacsato yaryar ahi ka dhisgeen cooshado iyo kabadho jaad taas oo cidhiidhi galisay isku socodka dadwaynaha iyo gaadiidka oo mararka qaarkood keenta shilal in ay dhacaan.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com