celiso iyo adiga oo aan wax wayn kasoo qaadin inaad uga mahad naqdo.
Haddii aad qofka dareensiiso inuu mahad celin mudanyahay waxa uu isna dareemayaa inaad dareensanthaay una ogtahay abaalkiisa iyo wax qabadkiisa waxaanu kuuugu jawaabi doonaa maya walal adaa mudan waan isku leenahay iyo looma baahna inaad iiga mahad celiso waxani waa waajibkayga.
Haddii aad mahadnaq laaan iskala jaqaafisana waxa galaya qofka dareen kaas liddi ku ah ama caksigiisa ah waxaana laga yaabaa inuu qofku suaalo badan is waydiiyo oo uu yidhaahdo tolow ma waxa aad qabatay ayaan waxba ahayn?,mise waanad mutaysanin in laguu mahad celiyo, ma wax ayaad khaladay oo aad xumaysay oo waxba waanad qaban?,miyaanu/miyaanay ku faraxsanayn tolow waxa aad u qabatay? iyo suaalo kale oo shaki hor leh dhalin kara.
Sidaas darteed ayay aniga inta ila fikirka ahba muhiim noola tahay in qofka wax kuuu qabta ama wanaag kula jecel inuun haba yaraadee loo mahad celiyo waji farxadi ku dheehantahayna loo muujiyo
Mahad celintu kuma koobna qawl aad ku dhawaaqdo oo kaliya haseyeeshee waxa kale oo suuro gal ah in qofku jawiga wajigaaga ka dheehan karo in aad la dhacsantahay wax qabadkiisa ama caawintiisa
Furfurnaanta iyo bashashnimada uu qofku ka dheehdo wajigaaga ayaa ka turjumaysa dabeecadda lagaa aaminayo iyo naanaysta hadhow lagugu shaanbadayn doono ama wanag ha ahaato ama xumaane
Wajigu waxa uu gudbiyaa fariinta ugu culus ee hordhaca ah ee lagaa aamini karo waxa uu fududeeyaa in si dhakhso ah sawir lagaaga bixin karo iyada oo laga yaabo inaan aadb laguu siii dhex galin dabeecaddaada
Haddana inta badan wajigaagu waa ka dadka soo dhawaynaya ama fogaynaya intaan dabeecado kale laysla gadhina wajigaaga ayaa kaa sheegaya fariinta hordhaca ah ee lagaaga bixin karo comment ka
Dhoola caddayntu waxay ka mid tahay waxyaabaha aadka ugu reeba dareenka xasuustaah dadka taas oo laga yaabo in dad badan oon kamid ahay aanay markii hore aaminsanayn ama aanay wax badan ka aqoon qiimaha ay dhoolo caddaynta iyo wajiga farxaddu ka muuqataa ay u leedahay la dhaqanka dadka iyo micnaha ay u samaynayso xidhiidhka is dhex gal ee dadka iskusoo dhawaanshaha iyo dabeecadda qofku kaa aaminayo ama sawirka uu kaa qaadanayo iyo wixii la hal maala
Shiv khera oo ah qoraa wayn ayaan ka maqlay isagoo leh
"A smiling costs nothing, but it creates much
It enriches those who receive with out impoverishing those who gave it
It happens in a flash and the memory of it may last for ever".
"dhoolo cadayntu wax kharasha kuma kacayso lakin wax badan ayay samaysaa
Waxay qani kadhigtaa kuwa hela(loo dhoolo caddeeyo) iyadoo aan xaalifinayn ama fiqiir ka dhigayn kuwa bixiya (dhoolo caddeeya)
Waxay udhacdaa qaab flash ah waxaana laga yaabaa inaan xusuusteeda waligeed la illaawin"
Taas oo aan is idhi malaha wax ayaa ka jira sida aanu u fahamnay aniga iyo inta ila fikirka ahi
Bal is barbar dhig dadka qofka dhoolo caddayn iyo farxad kugu qaabila iyo ka waji uu quful wayni saaranyahay kugu qaabila iyada oo labadaba ilaaahay uuni uu ogyahay waxa u hooseeya
Haddana waxa aan ka warami karnaa waa inta debedda aan aragno ee qofka taas oo labadaas qof anay ahayn wax lays barbardhigi karo .
17.qaado waanada dadka kaa waayo aragsan, waani kuwa aad ka waayo aragsantahay oo yaan lagaa amaanin meel aad joogto
In aad qaadato waanada dadka kaa waayo aragsan,wax aad ka barato umuuraha ay kaaga horreeyeen waxay suurto galinaysaa inaad ogaato waxyaabo badan oo kaa daahan.
Ka warayso oo waydii dadka kaa waayayn ama si uun kaaga waayo aragsan waddooyinkii ay usoo mareen iyo caqabadihii ka hor yimid illayn "waayeel wuxuu soo maraa laga waraystaaye"
· Waydii wadooyinkii iyo qodobadii uu ku fashilmay intii uu noolaa .
· Waydii arimihii uu kaga baxay dhibaatooyinkii uu soo maray qaarkood.
· Ka warayso siyaabihii uu ku guulaystay iyo waxyaalihii uu ku guulaystay.
· U ban dhig waxyaabaha aad damacsantahay iyo talaabooyinka aad doonayso inaad qaado, kana qaado am aka hel talooyinka inta suurto galka kuu ah ee wax ku oolka ah ee qofkan kaa wayn ama kaa waayo aragsani uu ku siiyo ee ku saabsan arimahaaga.
Waxa suurto gal ah in haddii aad isku dhafto , dhinacana isugu qabato talooyinka dhaxagalka ah ee waayo araga casharada aad ka dhaxasho dhibaatooyinka iyo duruufaha kugu dhereran,dhan walbana kaaga xeeran.
Inaad ka gaashaaman karto dhaliilo kaaga iman lahaa ku dhako faarka dhibaatooyin aad martay iyo barnaamijyo aad ku fashilmatay.
Dhanka kalena ku dadaal sidii aad u dhiri galin lahayd dadka aad wax ku dhaanto oo aan waxyaabaha qaar iyagu dhaadanayn balse balse aad adigu hore uga dheregsanayd waxaan uga jeedaa waani dadka aad ka waayo aragsantahay uguna nasteexee inaad u dhiibto habab kii aad kaga baydhay wadooyin lagu fashilmo oo aad hore u dhinac martay amaba kuu soo dhuuntay u sheeg oo sii wayo aragnimadaada intii ay iyaguna haadaan ka dhici lahaayeen.
Samayso file aad ku ururiso gefafkii aad samaysay iyo khaladaadkii kaa dhacay waxyaabihii aad ilduuftay
Mar walba dib u daalaco dabadeedna ka feker sidii ay u dheceen iyo sidii aanay mar danbe u dhici lahayn.
Aaminsanow in wax waliba qoranyihiin oo qadarka allah ku dhacaan, lkn xusuusnow in marwalba dhinaca kalena inay khalad tahay in gefafkii doqoniimada ahaa ee aad samaysay iyo waxyaabaha xun-xun ilaahay loo nisbeeyo taasina waa doqoniimo waayo ilaahay waxa uu kuu kal bayaamiyay jidka toosan iyo kan qalloocan caqligana waxa uu kuu siiyay oo uu xayawaanka kale kaaga fadilay inaad kala garato xaqa iyo baadilka oo uu hore ilaahay kuugu kala bayaamiyay sidaa darteed waa khalad in ilaahay falalka xun-xun ee doqoniimada ah eed ku kacdo aad u nisbayso ee loo raacayaa naftaada kuna canaano iyada.
Yaan lagaa amaanin meel aad joogto: qofka oo laga amaano meel uu joogo ama uu xaadir ku yahay waxa hubaal ah in amaantaasi aanay 100% ahayn mid run ah ama aan lagu kalsoonaan Karin,
Haddii qofka laga amaano meel uu joogo waxa suuro gal ah inay jiraan qodobadani:-
In niyadda loo dhisayo ama la farax galinayo
In laga raadinayo wax kale ama laga bislaynayo dan laga leeyahay oo amaanta lagu maalayo
Inuu yahay qof amaanta u riyaaqa dadkuna ogyihiin iyo waxyaabo kale oo lamida
Qofka oo la amaano isaga oo maqan waxa suuro gal ah in 100% ama wax badani run kayihiin waayo isaga oo maqan oo aan ogayn ayaa la amaanay, waanu dhaama 100% kan isaga oo jooga la amaaanayo ee qoslaya.
Waxaana fiican inaad xan ku hesho in lagu amaanay oo aad tahay qof leh sifooyinka la sheegay intii aad maqli lahayd iyadoo dhegaha laguugu ridayo amaan aad leedahay ama aanad lahayn markaan kuma sifoobaysid 100% sifayaasha lagaa sheegayo ee waxay u dhawdahay inaad ku sifawdo qodobadii aynu kor kusoo sheegnay oo aad noqoto
doqon dan laga leeyahay aan se dareemayn
damiin aan damiir lahayn oo amaanta ku darara runtana ku dardhada .
dulli sifayaashiisu ka daahanyihiin amaanta dadkana oo doog dhowda.
Dabbaal amaan u diyaara fikirkiisa iyo dadnimadiisuna aanay sii durugsanayn.
Ha isku daalin inaad maqasho ama ogaato inta lagu amaanay ee isku daali kuna dadaal inaad ogaato inta lagu duray dhaliilna lagaa sheegay, dadka aad kala mid tahay si aad goordhow isu saxdo ama wax uga bedesho dhaqamada dadku kugu diideen ee aad sida dadban iyo sida tooska ahba u ogaatay amaanta aan qiimo sidaasa se ku fadhiyini inay kusii lumiso mooyaane lagama yaabo inay wax sidaasa kuu kordhiso.
18.ha ka dib dhicin ballanta oo oofi hana u ballan qaadin cidna wax aanad haynin
Ballantu waa wax qaali ah oo ay fulinteedu masuuliyad gaara tahay sida allah subxaanah uu inoogu bayaamiyay qur´aan ka kariimka ah rasuulkeena suubanina (scw) uu inoogu sheegay axaadiithta.
Sidaa darteed maba jirto meel kale oo looga baydhaa.
Waxa dadkeena lagu tilmaamaa waliba somalida oo lasheeego inay 100% muslim yihiin haddana lagu sifeeyo dad:-
§ Ballanta aan oofin am aka dib dhaca
§ Dad been badan sida ay iyaguba isugu markhaati fureen ey yidhaahdeeen"been waan sheegnaa lkn been ma maahmaahno"
§ Inay yihiin dad aan dhowrin wakhtiga qiimaha uu leeyahayna aan aqoon ballantana xilligeeda aan iman ee yimaada saacad kadib xilliga ay ballantu tahay waa sida laynagu xanto´e
Ballantu way noocyo badantahay:- ballanqaad aad samayso dalab cid kaaga yimaada kadib
Ballan qaad aad adiguba si xor ah cid wax ugu ballan qaado inaad siinayso ama u qabanaysoi xilliga aad doonto u qabo´e.
Ballan qaad aad samayso xilli aad cid kulmaysaan ama isku ogtihiin inaad isku timaadaan waxa aad doonto aad ka wada hadashaane
Waxaana lagama maarmaan ah in intaba sidooda loo fuliyo ama loo oofiyo, waxa kale oo qormadeena qodobkani ay ku dhiiri galinaysaa asxaabta somalida ee da´yarta ah iyo waayeelkaba aanad cidna u ballan qaadin wax aanad haynin ama aanad meel ku ogayn taas oo iyada lafteedu ballanta ka mida una baahan in la oofiyo ha u ballan qaadin cidna wax aanad u qaban karaynin.
Somaliduna iyadaaba tidhaahda "ballan darro waa diin darro" waana run marka aad u fiirsato sida ay shareecaddeena islamku faallootay ballanta, Allah na u yidhi "ballanta oofiya"
Isla markaana ay tahay masuuliyad uu Allah ina saaray miyaanu markaa qofka aayaddaas ka baydhaa aanu ahayn mid ka baydhay shay kamida diinteenna taas shaki kama taagna akhristayaashuna way ka fikirayaan.
lasoco qaybaha danbe
by Mohamed Ibrahim Dhinbiil
Hargeisa
tel +252 24111726
email: dhinbiil565@hotmail.com