Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Digniin U Jeedisay Wargeys Cusub Oo Aan Diwaan-gashanayn


(Hadhwanaagnews) Monday, July 30, 2012
Hargeysa (HWN)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Mudane Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saaray war saxaafadeed ku saabsan Wargayska HuBaal oo dhowaanahan ka soo baxayey Caasimadda

Hargeysa (HWN)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Mudane Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saaray war saxaafadeed ku saabsan Wargayska HuBaal oo dhowaanahan ka soo baxayey Caasimadda Hargaysa.

War saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:


“Ummad waliba waxay leedahay sharci iyo xeer ay ku dhaqanto si


ay xoriyadeeda dadkeedu si buuxda uga faa’iidaystaan.
jamhuuriyadda Somaliland waxay mudadii ay jirtay ku soo caano maashay Xoriyattul-Qawl iyo madaxbanaanid saxaafadda oo ku astaysan dastuurka dalku leeyahay.

wasaarada warfaafinta oo wada shaqayn wanaagsan la leh saxaafada xorta ah waxay bulshada somaliland ku wargelinaysaain wargayska HuBaal oo maalmihii u dambeeyay ka soo baxayay caasimada Hargaysa aanu ka mid ahayn wargaysyada u diiwaangashan , wasaarada warfaafinta, arintaasina ay leedahay saamaynteeda, sidaa awgeed waxaan faraynaa cidkasta oo gacan ku leh soo saaristiisa in ay si degdeg ah u joojiyaan,waxaana aan u soojeedinayaa hayadaha ku shaqada leh in ay talaabada ku haboon ka qaataan.”

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.