Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Taariikhda Soomaalida Gumaysigii Ka Hor


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 01, 2012
= somaliland wuxuu ahaa 137,600 km labajirabaaran = soomaaliya wuxuu ahaa 531,200 km labajibaaran = NFD wuxuu ahaa 163,200 km labajibaaran

Dhulka ay deganaayeen dadka soomaaliyeed wuxuu u kala baxayey sidan:

= somaliland wuxuu ahaa 137,600 km labajirabaaran

= soomaaliya wuxuu ahaa 531,200 km labajibaaran

= NFD wuxuu ahaa 163,200 km labajibaaran

= jabuuti wuxuu ahaa 23, 200 km labajibaaran

= Hawd/ riseef eeriya wuxuu ahaa 65, 00 km labajibaaran


0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Taaso tirada guud ee dhulka soomaaliyeed ka dhigaysa 891,400 km labajibaaran. Tirada dadka ku noolaana lagu qiyaasay 4,500, 000 waana dhammaadkii qarnigii  19-tobnaad. Dhulka ay soomaalidu ku nooshahay tilmaamilhiisu wuxuu ahaa waqooyi waxa ka xigay Badda cas iyo gacanka cadmeed, Bariga badweynta hindiya, koonfur kiiniya iyo koonfur galbeed itoobiya.

Hab-maamulkii soomaalida wakhtigaasi

Dadka soomaalidu may lahayn maamul ay ku midaysan yihiin, balse waxay ku tiirsanaayeen qaab-qabiil oo ahaa mag-wadaag amma tolnimo. Qabiilku wuxuu leeyahay nidaam u eeg qaab-dhismeed dawladnimo , oo bulshada lagu hogaamiyo. Iyadoo xeerarka lagu dhaqmayaa kala duwan yihiin. Xeerarkaasi waxay inta badab ku salaysnaan jireen waayo-aragnimo hore u soo martay xeer-beegtida qabiilka. Hogaamiyaha qabiilku wuxuu masuuliyada ugu weyn saari jiray nabadgaliyada xoolaha, difaaca dadka, daaqsinta, beeraha iyo biyaha. Dadka soomaalidu waxay isugu jireen xoolo-dhaqto, beeraly iyo in yar oo kalluumaysto ahaa.

Beeralaydu waxay u badnaayeen dadka degan, WEBIYADA  JUBA IYO SHABEELE. Dhinaca somaliland deegaanada  GABILEY, KALBAYDH, WAJAALE IYO DILLA. Dagaalada ugu qadhaadhi waxay ka dhici jireen xoolaha la kala dhaco, daaqa, biyaha iyo gabdhaha xumaan lagu sameeyo. Markay reer hebel xoolaha ka dhacaan reer kale, waxaa marka hore lagu dayi jiray wadaxaajood, ka dib haddii wadaxaajoodkii shaqayn waayo waxa la abaabuli jiray dagaal xoolaha lagu soo dhacsanayo amma xoolo kale oo reerahaasi leeyihiin ayaa la soo dhacayaa.

Qabaa’ilka kala duwan ee soomaalidu waxa ka dhexayn jiray xeerar kala duwan, marka xeer-beegtidu geedka isugu yimaadaan, waxa la odhan jiray maxaa reer hebel xeer inooga yaallay, ka dib ayaa la bilaabi jiray dhaqan galinta xeerkii u yaallay. Dadka soomaaliyeed waxay ahaayeen bulsho aan waxba wadaagin, balse reer kastaa wuxuu gaar u haystay xoolo aanay cidi la wadaagin.

Hal qodob oo kaliya ayey heshiis ku ahaayeen, kaaso ahaa  IN LAGA HORTAGO GUMAYSIGA DALKOODA SOO GALAYA. Dhaqankaasi ilaa hadda wuxuu ka muuqdaa dadka soomaaliyeed, oo dawladaha ay samaystaan kuma heshiiyaan, ileyn wax la wadaago may arage. Jahawareerkaa imika jiraa wuxuu ka markhaati kacayaa dhaqankii hore ee soomaalida ee qabiilka ku salaysnaa.

Sahamiyeyaashi maxay soomaalida ka yidhaaheen.

= sahamiye la odhan jiray Richard F. Burton oo ka mid ahaa raggii soo maray dhulka soomaalida gaar ahaan somaliland sanadihii 1854 ilaa 1855 wuxuu soomaalida ku tilmaamay dad dhaadheer oo dhuubam. Orod badan, isla-weyn, hawl kar ah, geesiyaal ah una adkaysta dhibaatooyinka nolosha deegaanka ay ku nool yihiin.

= sahamiye la odhan jiray SIR John Kirka oo ingiriiska u fadhiyey jasiirada Sansibaar ayaa yimid dhulka soomalida sanadkii 1870 wuxuuna yidhi” soomaalidu kama haybadaysto ingiriiska iyo cidii kale ee u timaada. Wuxuu aad ula yaabay oday soomaali ah, oo awrkiisa wata ayuu ag-maray, markaasuu odaygii sanka is-qabtay ka dib turjumaankiisii ayuu ku weydiiyey wuxuu yidhi iyo sababta uu sanka isugu qabtay. Turjumaankii wuxuu ugu jawaaby” gaalkan saanta-cad ee uraya ayuu yidhi”. Sir John Kirka wuxuu soomaalida ku tilmaamay dad isla-weyn, oo wax cabsi ahi aanay haynin.

= badhasaabkii ingiriiska ee xukumayey Bariga afrika oo la odhan jiray Sir Charles Eliot ayaa isaguna soomaalida ku tilmaamay: dad aaminsan inay ingiriiska ka sareeyaan, oo dagaal jecel, hadal-badan, xanaaq-dhaw, isu-hiiliya oo gaalada neceb.

= sahamiye la odhan jiray J.H. Speke ayaa isna ku tilmaamay soomaalida: qof kasta oo aad aragto waxaa ku yaalla nabar , markaad weydiiso wuxuu ku odhanayaa, dagaal ayaan ku dhaawacmay amma dugaag ayaa i cunasy, waa dad nolosha aad ugu adkaysata. Qaarkood waabad yaabaysaa sidey uga bogsadeen dhaawacan soo gaadhay. Waa dad diinta jecel, oo haddii ay kugu arkaan inaad diinta wax ka sheegtid way kula dagaalamayaan.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A of arts in journalism

Hargaysa, somaliland

 

 

Xigasho

= pastoral democracy..........I.M. lewis

= Somali study materials........ Lane. K. Moore.

= the Somali republic and African unity NFD......MOE

= Taariikhda ummadda soomaaliyeed........ cali jaamac qalinle


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.