Hargaysa (HWN):- Xarun caafimaad oo cusub oo magaceeda oo la yidhaahdo Hargaysa Neurology Center ayaa dhawaan laga furay caasimada Somaliland ee Hargaysa, xaruntan oo ku qalabeysan qalab casri ah ayaa lagu daaweeyaa xanuuno badan.
Xaruntan ayaa ah mid casri ah oo ay yaalaan qalab la mid ah kuwa lagu isticmaalo dhakhtarada caalamka, isla markaana ay ka hawl
galaan dhakhaatiir ajnabi ah oo aqoon xeel dheer u leh arrimaha caafimaadka.Xaruntan caafimaad ee Hargaysa Neurology Center, waxaa hirgelinteeda iska kaashaday xubno qurbo joog ah reer Somaliland dhakhaatiir ajnabi ah oo u dhashay dalka maraykanka, xarunta ayaa ah mid daboolaysa ama dadku ka helayaan xanuuno daawayntooda hore loogu tegi jiray dalalka dibada.
Maxamed Ibraahim X. Cabdi oo ah maamulaha guud ee cusbitaalka Hargaysa neurology center oo aanu waraysi la yeelanay ayaanu wax ka waydiinay xaruntan cusub ee ay dhawaan magaalada Hargaysa ka fureen iyo sidoo kale adeegyada ay bulshada u qabato.Maxamed Ibraahim X. Cabdi oo ugu horayn ka warbixinaya wakhtigii ay xaruntan la aasaasay iyo sidoo kale dhakhaatiirta ka hawl galaa dalalka ay u dhasheen, waxa uu yidhi xaruntan waxaanu furnay dhawr bilood ka hor, waxaanu shirkad ku wada nahay laba dhakhtar oo maraykan ah, oo degan dalka Ingiriiska oo ka shaqeeya Harford Medical School iyo dhakhtar Boston oo reer Brigham ee wadankaasi ingiriiska, waxaana weeyi meel loogu tallo galay in ay ka shaqayso xanuunada neorology-ga iyo maskaxda.maamulaha guud ee cusbitaalka Hargaysa neurology center Maxamed Ibraahim X. Cabdi,
Waxa kale oo uu sheegay in ay cusbitaalkan sameeyeen ka dib markii ay arkeen baahida ay dadka reer Somaliland u qabaan in ay helaan xarun caafimaad oo lagu daaweeyo dadka qaba xanuunada maskaxda, iyada oo markii hore dadka u baahda dhakhtarada noocaasi oo kale ah ay tegi jireen dalalka dibada balse ay hada taasi kaga maarmayaan.markaanu aragnay baahida ay u qabaan dadka qaba xanuunada maskaxda iyo neerfaha oo markii hore dalalka dibada tegi jiray sida Kenya, Itoobiya iyo carabaha, ka dib markii aanu ogaanay baahidaa ay dadku u qabaan iyo sida aanay dalka uga jirin dhakhtaro waawayn oo neerfaha iyo maskaxda ah oo qalabkii loo baahnaa yaalo,Anagu qalabkii oo heer sare ah iyo dhakhaatiirtii oo ajnabi ah oo dibada wax ku soo bartay ayaanu keenay oo halkan ka shaqaynaya. Ayuu yidhi maamulaha guud ee cusbitaalka Hargaysa neurology center Maxamed Ibraahim X. Cabdi.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Dadka aanu daawayno waxay u badan yihiin dadka qaba qalalka ama faaliga, suuxdinta iyo xanuuno kale oo ka dhashay maskaxda iyo neerfaha iyo cuduro nooc walba leh. Waxaanu samaynay dhakhtarka dumar oo meesha ka shaqeeya, iyo dhakhtar cudurada guud ah.
Maxamed Ibraahim X. Cabdi maamulaha guud ee cusbitaalka Hargaysa neurology center, ayaa tilmaamay in dadka ay daaweeyaan ka kala yimaadaan dhamaanba deegaamada Soomaalida sida Puntland, koonfurta Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, isaga oo xusay in sababta ay cusbitaalkan Hargaysa uga fureen ay tahay sidii ay dalka wax ugu soo kordhin lahaayeen isla markaana dadku ay shaqo uga heli lahaayeen cusbitaalkan. Waxaanu yidhi Dadka aanu daawaynaa waxay nooga yimaadaan Puntland ilaa koonfurta Soomaaliya, geerisa oo ku taala woqooyi bari Kenya, ilaa Itoobiya. Waxaanu ugu talo galay in aanu wadanka ka furno xaruntani si aanu wax ugu tarno dadka,dalkana wax ugu soo kordhino, shaqo abuurisna aan u samayno oo ay dad shaqo ka helaan.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland