Hargeysa(HWN):Hawlwadeenada Hanti dhawrka qaranka Somaliland ayaa maanta abaaro 2:00 duhurnimo xabsiga u taxaabay agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka Telefiishanka qaranka Xasan Maxamed (Xasan Dheere).
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga agaasimaha telefiishanka qaran oo wakhtigan ku xidhan Saldhiga Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa,Hasayeeshe xadhiga agaasimaha ayaa ka danbeeyey,kadib markii shalay hawlwadeenada hanti dhawrka qaranku ku waabaristey xarunta Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta, si ay baadhitaan ugu sameeyaan xafiisyada maamulka ee Wasaaradaas.
115%; FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 12pt">Hawlwadeenada Hanti dhawrka qaranka ayaa waxay hawlgalkoodan ku abaareen shalay xafiisyada maamulka Wasaaradaasi iyo Telefiishanka Qaranka,kuwaas oo la sheegay inay xudun u ahaayeen dhacdooyinka musuqmaasuq ee wasaaradaas, hawlwadeenada hanta dhawrku waxay lingaxeen (Sealed) xafiisyadaasi lana wareegeen wixii dhukumenti ah ee xafiisyadaasi yaalay (Qoraal xisaabeedka xafiisyadaasi).
Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegayaa inay welwel iyo walaac ku abuurtey masuuliyiintii maamul ee isaga kala danbeeyey wasaarada warfaafintu xadhiga agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka telefiishanka qaranka Xasan Maxamed (Xasan Dheere), taasna waxa aga dheehan karaa inuu muddo dheerba soo taxnaa musuqmaasuqa ragaadiyey Wasaarada Warfaafinta.
Arrintan ay maanta hanti dhawrku ku galeen xarunta Wasaarada Warfaafinta ayaa noqotey mid shaqaala-weynaha wasaaradu ku diirsadeen,isla markaana ay soo dhaweeyeen.
Xadhiga agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka Telefiishanka qaranka Xasan Maxamed (Xasan Dheere) ayaa sida ay tibaxayaan ilo-wareedyo ku dhadhow sheegayaan in lala xidhiidhinayo arrimo musuqmaasuq oo baahsan, taas oo keentey inay gilgilanto xarunta Wasaarada Warfaafintu.
Wixii Warara ee ka soo baxa baadhitaanka hanti dhowrka qaranku ka wadaan Wasaarada Warfaafinta iyo halka ay isugu biyo shubato arrimahaa musuqmaasuq kala socda Hadhwanaagnews oo idiin soo bandhigi doonta.
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com