wali xasiloonayn
Dadkan oo dhammaantood soomaali ah ayay Dowlada Nederland sharci iyo magangalyo u diiday.taas oo keentay in lagu hayo kaamam qaxooti oo ku meel gaadh ah si loogu celiyo Somalia ama dalalka Somalia la dariska ah sida Kenya oo ay sheegeen in ay nabad tahay kuna noolaan karaan xeryaha ay soomaalidu qaxootiga ugu jiraan.
Soomaalida la soo celinayo ayaa la sheegay in ay tiradoodu dhantahay ilaa 80 ruux kuwaasi oo ka yimid Soomaaliya iyagoo soo galay ku soo galay Holland siyaabo kala duwan waxaanay magan gelyo waydiisteen xukuumada Holland ook u gacan saydhay codsigooda qaxootinimo.
Waxaana lagu xereeyey xeryaha iyo xabsiyada dadka la doonayo in lagu celiyo dalalakooda, waxa sidoo kale dhamaan loo sheegay in laga dejin doono Muqdisho.
Inkasta oo aanay jirin heshiis ay wada gaadheen Dowladda KMG Somalia iyo Nederland hadana ku xigeenka duqa magaalda Muqdisho Nuur Ikar oo isagu qudhiisu ahaan jiray Qaxooti soomaali ah oo dagan Holland oo u waramay Tvga RTL4ka dalka Nederland aya sheegay in muqdisho lagu soo celin karo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Holland .
Dhankoodana waxa cabashooyin iyo qeylo dhaani ka soo yeedhay Ururada u dooda Xuquuqaha Soomaalida Holland kuwaasi oo ka soo horjeeday in dib loogu celiyo qaxooti soomaali ah xiligan guud ahaan Soomaaliya iyo muqdishoba .
Magaalda Muqdisho aya lagu tilmaama sanadihi ugu dambeeyay goobaha addunka uga amniga daran taas oo ay dagaalo baani u dhaxeeyaan xukumada ku meel gaadhka ah oo ay ka barbar dagaalamaya Ciidamada nabad ilaalinta Afrika iyo Jabhada alshabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia
Hadhwanaagnews/Nederland