Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Cali Waran Cade Oo Xukuumada Uga Digay Marin Habow Uu Sheekh Shariif Ku Sameeyey Wada Hadaladii Dhex Maray Somaliland Iyo Somaliya.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 01, 2012
Hargeysa(HWN):-Siyaasiga Cali Maxamed Waran cade ayaa xukuumada Somaliland uga digay dhalan rogis uu sheegay inuu madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif ku sameeyey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya.

Hargeysa(HWN):-Siyaasiga Cali Maxamed Waran cade ayaa xukuumada Somaliland uga digay dhalan rogis uu sheegay inuu madaxweynaha  Somaliya Sheekh Shariif ku sameeyey wada hadaladii Somaliland iyo  Somaliya.

Cali Waran Cade ayaa war murtiyeed uu magaalada Hargeysa ka soo saaray wuxuu ku  sheegay in sheikh Shariif dunida ku faafinayo in nuxurka wada hadalada Somaliland Iyo Somaliya ahaa midaynta labada dal,waxaanu xukuumada ugu baaqay inay warkaasi ka daba tagto.


FONT-SIZE: 14pt">War murtiyeedka uu Cali Waran Cade ka soo saaray magaalada Hargeysa waxa uu u dhignaa sidan.

“wuxuu si cad ugu faafiyey dunida Sheekh Shariif in wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya nuxurkoodu yahay in dib loo mideeyo labada dal,arintan oo ka hor imanaysa warkii aynu ka helnay madaxdii inooga qayb gashay shirarkii ina dhex maray inaga iyo Somaliya, oo isna nuxurkiisu ahaa sidii loo noqon lahaa laba dal oo kala madax banana,=.

Arintan oo khatar ku ah geedi socodka Somaliland ku raadinaysay ictiraafka mudo ka badan labaatanka sanadood,waxay keeni kartaa in caalamku rumayso warka uu fidinayo Sheekh Shariif oo loo qaato inaynu dib iskugu dhibayno koonfur iyo hoygii halaagu hore inooga soo maray sidaasna ay mugdi ku gasho himilada umada Somaliland raadinaysay.

Waxa cadaan ah inuu sheikh shariif waraaqo u kala diray caalamka kuwaas oo uu ugu sheegayo inuu ku guulaystay inuu reer Somaliland ku qanciyo inuu mar labaad Somaliland ku soo celiyo midnimadii Somaliya, isaga oo dhinaca kalana uga faa,iidaysanaya ololihiisa siyaasadeed ee uu halganka ugu jiro inuu mar labaad ku soo noqdo kursiga madaxtinimada somaliya, isaga oo ololihiisa gundhig uga dhigaya mar hadii uu ku guulaystay inu Somaliland ku soo celiyo xerada midnimada,inuu xaq u leeyahay inuu mar labaad kursiga ku soo noqdo si uu arintaas u dhamays tiro.

Waxa u danbeeyey waraaqaha uu caalamka u diray mid uu dhawaan u diray gudoomiyaha jaamacada Carabta oo uu uga waramayo guusha uu ka gaadhay wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya,kuna qanciyey in guusha midnimada somaliland iyo somaliya ay irida taagan tahay,taasi oo keentay in gudoomiyaha jaamacada Carabtu uu si lama filaana ugu dhawaaqay inuu ka degi doono magaalada Muqdisho dhawaan si uu u soo hanbalyeeyo guusha uu sheikh Shariif uu ka soo hooyey wada hadaladii dhex maray Somaliland Iyo Somaliya oo sida la filayo u muuqata war bixin been abuur ah oo Sheekh Shariif ku faafinayo wada hadaladii dhex maray labada dal.

Aniga oo filaaya diidmadii iyo shakigii uu ka muujiyey wasiirka arimaha dibada ee Somaliland war saxaafadeedkisii u danbeeyey ee uu ku cadeeyey inay hakad galiyeen wada hadaladii u socday Somaliland Iyo Somaliya,inuu salka ku hayo warbixinaha khatarta ah ee uu Sheekh Shariif dunida ku faafinayo.

Waxaan jecelahay inaan u soo jeediyo dawlada Somaliland inay caalamka iyo umada reer Somalilandba u muujiso in sheikh Shariif ka been abuurayo wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya si aanu shaki u kala dhex galin Somaliland iyo beesha caalamka isla markaana aan umada Somaliland iyo dawladana  shaki u kala dhex dhigin hadalkiisaasu.”ayuu Cali Maxamed Waran Cade ku yidhi war murtiyeedka uu ka soo saaray magaalada Hargeysa.

 

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.