Hargeysa, - (HWN) Ciidanka Asluubta ee Ilaalada Xabsiga Mandheera gacanta ku haya ayaa la sheegay in Maxaabiista ku xidhan Jeelkaasi raashinada iyo alaabooyinka ay u keenaan eheladoodu ay ka musuqmaasuqaan, isla markaana ay dhexda u galaan sooryooyinka loo keeno, kuwaas oo la sheegay in Maxaabiista ku xidhan xabsigaasi ay badankooda deegaanadoodu ka fog yihiin degmada Mandheera ee xabsigaasi ku yaalo.
Sida ay Haatuf dad u dhuun-daloola xaalada maamul ee xabisga Mandheera ayaa sheegay in maamulka askarta xabsiga Madheera ka hawlgasha oo ka kooban laba reer oo kaliya ay ku heshiiyeen in sooryooyinka iyo lacagaha loo keeno Maxaabiista ku xidhan xabsiga ay ku tagri falaan, isla markaana ay
kala qaybsadaan gudahooda, wixii la soo gaadhsiiyo, taas oo la sheegay in ehelo badan oo maxaabiisi kaga xidhan tahay xabsigaasi oo sooryooyin kala duwan gaadhsiiyay xabsigaasi in faro dhexood ay kaga baxeen waxyaalihii ay gaadhsiiyeen Maxaabiista xabsigaasi.
Waxaanay ilo wareedyadu intaa ku dareen in xabsiga Mandheera uu wakhtigan xaadirka ah isku badalay meel lagu musuqmaasuqo sooryada ehelada iyo asxaabta u keenaan Maxaabiista ku xidhan xabsigaasi.
Dhinaca kale saraakiisha maamulka ee Ciidanka Asluubta oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino arrimahaasi lagu eedaynayo Ilaalada Xabsiga Mandheera ayaanay noo suurto galin inaanu helo, kadib markii ay Mobile-da qaban waayeen.
Haatuf.