Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gabiley:Cuqaal iyo Odoyaal Madmadow iyo Wax Isdaba-marin ku Tilmaamay Ciidanka Nabadgalyadda wadooyina


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 01, 2012
Gabiley(HWN)-Cuqaal iyo odoyaal kasoo jeeda Deegaankan Gobolkan Gabiley ayaa dhaliilo culus usoo jeediyay, Maamulka Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinka

Gabiley(HWN)-Cuqaal iyo odoyaal kasoo jeeda Deegaankan Gobolkanv Gabiley ayaa dhaliilo culus usoo jeediyay, Maamulka Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinka Somaliland, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay dhinac la saftaan mar kasta oo uu dhaco kiis ku wajahan shilalka Baabuurta ee qaadluhu sababo.

 

Cuqaashan iyo odoyaashan oo Shir Jaraa,id ku qabtey saaka Gudaha Magaalada Gabiley ayaa si culus u weerarey nidaamka loo Maamuley Shilkii u dambeeyay ee doraad ka dhacey Duleedka Bari ee Magaalada Gabiley ,waxaanay Xuseen in iyadoo aan goob jog laga

aheyn goobta Shilku ka dhacey ay baabuurtu degdeg u qaadeen Ciidan katirsan Laanta Nabedgelyada Wadooyinku oo kayimid afurkii dhinaca Caasimada Hargeysa.

Caaqil C/laahi Qalinle Fariid oo kamid ah Cuqaasha Gobolka Gabiley oo ugu horeyn ka Hadley Shirkaa jaraa,id waxa kamid ahaa hadaladiisii.

 

“Noqon mayno dowlad hadii ay sidan wax usii socdaan sababtoo ah hadii maalinba ninkii dufan leh intey Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinku soo raacaan ay dadkii oo aan goob joog aheyn iyo umadii oo afurka ku maqan waxey doonaan yeelaan marka dambena yidhaahdaan Miskiinbaa misgo la fuulo leh la aqbali maayo, ma,aha markii koowaad boqol jeer ayay talaabadaasi dhacdey waxaananu leenahey maalinba ninkii dufan leh ayaanu wax xukumeynaa la yeeli mayo waananu kasoo horjeednaa talaabada xaaraant ah ee noocaas ah Xukuumada Sarena waanu gaadhsiin doonaa”Ayuu yidhi Caaqil C/laahi Qalinle Fariid.

Sidoo kalena waxa isaguna halkaa  Hadley Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan oo kamid ah Cuqaasha Gobolka Gabiley waxaanu si kulul u weerarey habka loo maamuley kiiska shilkii doraad dhacey isagoo ka hadlyana waxa uu yidhi.

 

“Ciidanku meel walba iyo Gobol walba wuu joogaa laakiin waxa layaab leh ee isweydiin leh marka Shil Baabuur ka dhaco Gobolka Gabiley iyo nawaaxigisa ee Jaadluhu Geysto sababta ay qaar katirsan Ciidanka Laanta Nabedgelyada Wadooynku intey Hargeysa kayimaadaan, ay faraha ula galyaan arintii iyagoo, la socda qqadlihii Baabuurkiisu shilka geystey oo ay Hargeysa kasoo raaceen dabeedna Baabuurtii oo aan qiyaas loo eegin ay markiiba a qaadaan halkii wax ka dhaceen iyadoo aan loo marin sifihii sharci ee looga baahnaa goob dambi ka dhacey”Arintaas iy talabdaasi waxaanu ka qaadaneynaa dacwad aan yareyn oo gaadhi doonta halka ugu sareysa iyo cida ay khuseyso, Aduunyada lawada joogi mayo ee waa laga tagayaa, in qof waliba aakhiradiisa ilaashado ayaa Waajib ah oo nidaamka toosan wax loo maamulo”Ayuu yidhi Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan.

 

Waxa kale isaguna  halkaasi ka Hadley Cali Tubeec  oo kamid ah aqoonyahanka Degmada Tog-Wajaale.

 

Shilkan Baabuur ee doraad galinkii dambe ka dhacey duleedka Magaalada Gabiley, oo ay ku dhinteen shan ruux ayaa xaley ilaa saaka ilaa shaley buuq ka abuurey Gudaha Magaalada Gabiley iyadoo ay dadweyne aad u tira badani kusoo xoomeen Saldhiga Booliska Gabiley, islamarkaana aad loo hadalhayey Gaadiidka qaadka qaada iyo shilalka ay geystaan.

 
Hadhwanaagnews/office Gabiley
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.