Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Labbo wiil Oo Mataano Soomali ah Oo lagu qabtey Magaalada London ee dalka Britain Oo qirtay in Xarakada Al shabab ay ka tirsan yihiin.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 01, 2012
LONDON-(HWN)- Labo Mudan oo Somalia ah oo isla dhalatay oo waaxada sirdoonka Ee dalkan BRITAIN ay ku xidheen Magaalada London bishii April ee sanadkan ayaa waxa ay qirteen

LONDON-(HWN)- Labo Mudan oo Somalia ah oo isla dhalatay oo waaxada sirdoonka  Ee dalkan BRITAIN ay ku xidheen Magaalada London bishii April ee sanadkan ayaa waxa ay qirteen inay ka tirsan yihiin xarakada Al shabab islamarkaana ay lacago badan u soo direen dagaalyahaniinta Al-shabaab ee ka dagaalameysa Guddaha Somalia.
 
 
Labadan Wiil ee Soomaaliyeed ayaa lagu kale magaacaba Shabir Mohammed Ali iyo Shaafiq Mohammed Ali  ayaa sidoo kale waxa qirteen in xidhiidho ay la sameeyeen Anwar cowlaqi oo ahaa sarkaal sare kana tirsanaa Al qaacidda oo Mareykanka sanadkii la soo dhaafay uu ku dilay dalka Yemen.
 
Si Kastaba ha ahaatee, wargeyska the guardian ee ka soo baxa dalka Britain  oo soo xiganaya xubno ka tirsan sirdoonka dalkaasi ayaa sheegay in Shabir Mohammed Ali iyo Shafiq Mohammed Ali ka hor

inta aan la qabanin ay abaabulayeen weeraro argigixisinimo ah oo laga fuliyo dalkan gar ahaan qaban-qabada ciyaaraha Olympic-da ee haatan ka socda Magaalada London ee dalkan  Britain. Warbiixntu waxay intaas ku dareysa In Maalinta Barito ah la horkeeni doono Maxkamada sare ee dalkan dalkan.
 
Hassan Yey
yeey18@hotmail.com
Hadhwanaagnewws
LIVERPOOL/UK

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.