Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qurbomeer Rashiid AwNur Hirsi oo sas ka qaaday Saami qaybsiga Baarlamanka TFG


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 01, 2012
Horjoogaha kooxda dibadwareega ah ee Qurbomeer State, Qurbomeer Rashid AwNur Hirsi iyo gacanyarahiisa sakhraan Saleebaan Cabdi Dugsiye ayaa sas iyo amaakaag ka qaaday

Horjoogaha kooxda dibadwareega ah ee Qurbomeer State, Qurbomeer Rashid AwNur Hirsi  iyo gacanyarahiisa sakhraan Saleebaan Cabdi Dugsiye ayaa sas iyo amaakaag ka qaaday saami qaybsiga xubnaha baarlamanka TFG ee dhawaan soo baxay. Sida la wada ogyahay, TFG wuxuu u qoondeeyey beesha Samaroon oo Qurbomeer State ku


riyoodaan inay metelaan. Beesha Samaroon ayaa loo qoondeyey 9 kursi oo keliyay.
 
Arintaasi ay qaylo iyo jahawareer gelisay Qurbomeer State. Mar ay xalay teleconference ay Qurbomeer Rashid iyo sakhraan Saleebaan la yeesheen garoobta Ottawa ee lacagta ay ka urursadaan ayaa waxaa si ba’an loo weeraray waxqabadka labada dibadwareeg. Waxaa siiba la yaab ku noqotay garoobta biilisa Qurbomeer State in beesha Ciise ee uu sakhraan Saleebaan marwalba yidhaahdo dhulka Somaliya ma degena oo way ka carareen in beeshaasi la siiyay 8 kursi iyagoo mid kursi uun ka dhiman kootada beesha Samaroon looo qoondeeyey. Beryahan dambe, Qurbomeer Rashid iyo Sakhraan Saleebaan waxay amaan xad dhaafa dusha ugu turaan Somalia iyagoo dadweynaha Awdal ku leh hadii aad Somaliweyn raacdaan waxaad gelaysaan janadii fardowsa. Website awdalstate.com ayaa maalin walbaa amaana Somaliweyn iyo waxyaalaha ka socda xiliga kala guurka. Garoobta biilisa Qurbomeer State ayaa si cadho ay ku jirto weydiyay Qurbomeer Rashid iyo sakhraan Saleebaan wixii ay tartay kumanaankii kun ee dollar ee ay siiyeen ee ay muqdisho ku tageen hadii saamiga Samaroon iyo Ciise oo isku mid noqonayo,  ka beesha Issaqna uu sadex jibaar ka Samaroon noqonayo. Waar Somaliyadii aad nagu wareeriseen ma tanba ayay garoobtii markaliya ku qeylisay. Waar maxaad Muqdisho ka qabateen hadii arrinku sidan ku dadbeynayo. Waar lacagtaan idinku khasaarinay miyayna ka fiicnayn in aad dadka haraadku ku dhameeyay xeebta siino.  Dhowr garoob ayaa halkii ku ducaystay oo ilaahay weydiistay inuu ka dhaafo khaladka ay geesteen kuna balan qaaday in marka manta la bilaabo ay lacagtooda siinayaan dadka abaaruhu saameeyeen
 
 
 
 
 Mohamed Ahmed Abdi
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.