Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Burco: Sacad Maxed Qawdhan oo ka mid ah Qurbajooga Reer Somaliland ayaa Maanta Deeq Isugu Jirta Buugaag iyo Qalab Sports ku wareejiyey Jaamacadda Burco iyo Xulka Ciyaartoyda Gobolka Togdheer.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 01, 2012
Munaasibad Buugaag lagu Guddoonsiinayey Jaamacadda Burco isla markaasna Qalab Ciyaareed lagu guddoonsiinayey Mid ka mid ah Xulka Kubbada Cagta ee Burco ayaa Maanta lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Burco

Burco: Sacad Maxed Qawdhan oo ka mid ah Qurbajooga Reer Somaliland ayaa Maanta Deeq Isugu Jirta Buugaag iyo Qalab Sports ku wareejiyey Jaamacadda Burco iyo Xulka Ciyaartoyda Gobolka Togdheer.

Munaasibad Buugaag lagu Guddoonsiinayey Jaamacadda Burco isla markaasna Qalab Ciyaareed lagu guddoonsiinayey Mid ka mid ah Xulka Kubbada Cagta ee Burco ayaa Maanta lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Burco, munasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen maamulka jamacada burco, Boodhka Jamacadda, xulka ciyaartoyga u ciyaarta dowlada hoose ee Burco, Oday maxamed xuseen naleye Good

Abees, Xubnaha Qurbajooga ah ee Deeqda keenay oo kala ahaa Sacad Maxed Qawdhan oo ah Muwadin Deggen CANADA, iyo Xildhiban Fadumo Cali Madar oo ka mid ah Golaha Deeganka Oslo Norway iyo weliba marti sharaf kale.

Sacad Maxamed Qawdhan oo Isagu Ah Muwadinka Deeqdani soo gadhsiyay Gobalka togdheer oo ugu horaynba halkaasi ka hadlay ayaa sheegay ina aanay deeqdani ahayn deeqdii ugu  horaysay ee ay soo gadhsiyaan jamacadaha dalka, waxaanu ka dhawajiyay inay jamacada Burco uay usoo wadaan in ka badan 500  Shan Boqol oo bug kuwaasi oo ay ka faidaysan Doonaan ardayda dhigata jamacadani.

Maxamud siciid cadaad oo ka mid ah Ardayda Jamacadda Burco oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muwadinkani sacad maxamed qowdhan ugu mahad naqay inuu deeqdani soo gadhsiyey gobalka togdheer, waxaanu ugu baaqay qurba-joogta kale ee u dhalatay gobalka togdheer inay ku daydaan muwadinkan isla markaasna ay Wax kasta oo Faaido u leh Dhalinyarada iyo Bulshada Gobolka ay u soo diraan.

Oday Maxamud Adan Dheri  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Jamacadda iyo Oday Maxamed xuseen naleye good abes oo isna ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee gobalka togdheer isla markaasna dhowr jeer guul hor leh usoo hoyay gobalka togdheer ayaa si isku mid ah Muwadinkan Qurbajooga ah uga mahadceliyey safarka dheer ee uu soo maray una soo xasuustay jaamacaddii Burco iyo dhalintii Togdheer, waxaanu mid waliba ka Guddoomay qaybtii uu sidey Dhinaca uu ka soo jeedo ee Ciyaaraha iyo jaamacadda.

Macalin David oo kamid ah macaliminta ajanibka ah ee wax ka dhigta jamacada burco isla markaasna dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Ireland  ayaa isna dhinaciisa baaq u diray qurba jooga.ganacsatada iyo xukumada s/landba inay dhinacooda taageeraaan horumarka ay higsanayso jamacada burco.

Xildhiban Fadumo cali madar oo ka mid ah xildhinada golaha degaanka ee wadanka Norway oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ka dhawajisay inay qurba-joog ahaan  laban-laabi donaan dedaalada ay ugu jiraan sidii ay u horumarin lahayeen dalkooda hooyo, waxayna sheegtay in geed dheer iyo mid gaaban ba ay u fuuli doonaan siday waxyaabo badan oo waxtar  u leh bulshada u soo gaadhsiin lahaayen waddanka

Si kastaba ha ahatee waa markii ugu horaysay ee muwadinkan qurbajooga ah ee  sacad maxamed qowdhan uu deeq soo gadhsiyo jamacada burco iyo weliba xulka ciyaartoyda gobalka togdheer.waxaanay tusaale fiican u noqonaysaa qurba-joogta kale e u dhalatay gobalka togdheer , kuwasi ku dayan doona Aragtida fiican ee muwadinkan ee uu jaamacadda ku soo gaadhsiiyey Buugaagta halka uu ciyaartoydana so gaadhsiiyey Qalab Sports.

 

 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.