 |
| C/kariim sh. Maxamuud C/laahi (suldaanka) |
Waxaan doonayaa in aan maqaalkaygan ku soo qaato waxyaabaha aad kula kulmays aduunyada inta aad ku nooshahay, kuwaas oo u baahan in aad ka barato casharo lama ilaabaan ah si aad u taamilo qaadato wixii ku soo maray.
Mudane akhriste waxaad ogtahay in inta badan ee aad noolaataa ay tahay inta badan ee aad la kulanto waayo aragnimo badan ama dhacdo kaa yaabisa oo maskaxdaada ka sii guuxda muddo dheer marka aad tahay qof u fiirsada wacdaha aduunka ka
dhacaya.
Haddab waxaan rabaa in manta halka ku soo qaato ilaa lix arimood oo mudan in maskaxda lagu hayo lagana faaiidaysto, bal waa kuwane ila fiiriya.
Waxa uu waayhuhu I baray in:-
1. saddex shay haddii ay ku dhaafaan aanay soo noqon:
a. Wakhtiga
b. Hadalka aad tidhaa
c. Fursadaha ku soo mara
2.saddex shay oo qofka noloshiisa burburin karaa yihiin:
a. cadhada
b. isla weynida
c. cafis laaanta
3. saddex shay inta aan noolahay ka tagin:
a. rajada
b. nabadda
c. daacadnimada
4. saddexda shay ee nolosha ugu qaalisan ay yihiin:
a. naxariista
b.jacaylka
c. asxaabta
5. saddex shay in aan la isku halayn:
a. nasiibka
b. guusha
c. riyada
6. saddex shay oo dabeecadaha iyo dhaqanad qofka sameeyaa yihiin:
a.daacadnimada
b. hawl karnimada
c. ballan oofinta
7. saddex arimood aanay ku seegayn:
a. habaar waalid
b.jaleeco wadaad
c. qodax wadarteed
Allaa mahad leh
waa qalinkii: C/kariim sh. Maxamuud C/laahi (suldaanka)
suldaancabdi4@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.