Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Danbaabkii Doorashada Waa Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Maqaloocshe


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 01, 2012
Gabayga Danbaabkii Doorashada waxa tiriyey Abwaan Axmed Cali Garas, waxaanu ka tiriyey Sheekooyinka naftood hafarka ah ee ay Siyaasiyiintu dadka ugu sheekeeyaan, Waxaanu Gabaygani

Gabayga Danbaabkii Doorashada waxa tiriyey Abwaan Axmed Cali Garas, waxaanu ka tiriyey Sheekooyinka naftood hafarka ah ee ay Siyaasiyiintu dadka ugu sheekeeyaan, Waxaanu Gabaygani soo baxay 31/7/2012, waxaanu khaas u yahay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com, isaga oo hab-maad ah u dhigayaa waxa yidhi

Haddii aad I Doorataan

Cadceedda Warbaan u Diri

Kuleylkaan Demi ku Odhan



style="mso-bidi-font-weight: normal">Dayaxa Joogtaan ka Dhigi

Daruurta Shirbaan Lageli

Halkaa ku Da’a Ayaan ku Odhan

Haddii aad I Doorataan

Intii Duuduubantiyo

Gabowga Dawaan u Heli

Dolarka aniga Sameyn

Sidii Doog idiin Baxuu

Agtiina Daadsanaan

Haddii aad I Doorataan

Wixii idin Diidaniyo

Waddamada Deriskayaga

Puntland Dacas ayaan ka Dhigan

Ethiopia Daawaan ka Dhigan

Daafida ku Dubtaan Habruhu

Kiiniya Derged baan ka Dhigi

Dabadeed Dumis ayaan ku Qori

Carabta Danbas Buuriyo

Daanka la Dhigtaan ka Dhigan

Yuhuuda Dukhsaan ka Dhigi

Dibaan u Guumeysan Yurub

Jarmalka Adhigaan u Diran

Faraans Cunahaan Digsiin

Spain Dabar baan ku Xidhi

Canada darbad-baan la Heli

Mareykan Dubbaan la Dhici

Denbina Buush-baan ku Heli

Dabadeeto Aniga Daldeli

Miksiko  Deynbaynu siin

Ruushka Darayaan Ku Qaban

Oo Dirqaa la igaga Furfuri

Afrika Dalqad-baynu furi

Dantaad garan La’dee

Daydayo Nin kalaan Ku Odhan

Haddii aad I Doorataan

Aqoonsiga Dusha Sariyo

Dagaaraan ka Keenayaa

Ma Jiro Wefti Duulayo

Dibada Meermeeraya

Diwaanka aniga Hayoo

Dawladaha Qaar ayaan Dafiri

Qaar baan darajada Ka Guri

Qaar baan Dumarka Madax U gadhigii.

Ma hadeydaan I Dooranbaa

Dunida-ba Dabadaan u rogi

Dab iyo Qaraf ayaan ku Qaban  

Fanaaniintaa  Dayacan

Iyaga waan Dareersanoo

Doontii Nuux Baan Ku Rari

Durbaanada hay Tuntee

Dirirka ayaan Qayilaad u Tagi

Waxa tiriyey  Abwaan Axmed Cali Garas (A.A.Garas)

Mobile: 4407340

 

   

 

 

 

  

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.