Hargeysa(HWN):- Waxa galabta si rasmiya loogu soo gabagabeeyey Masaajidka Cali Mataan Tartanka Xifdiga Quraanka Kariimka Oo In muddo ah ka socday Masaajidkaasi.
Tartankan Oo sannad kasta la qabto bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxa ku tartamayey 77wiil oo ka kala socday gobolada Hargeysa, Sanaag, Saaxil, Sool, Togdheer, Gabiley Iyo Gobolka Awdal oo ku tartamayey xifdiga soddonka iyo shan iyo tobanka jis ee quraanka kariimka ah halka sidoo kale ay tartankan ka qayb qaadanayeen soddon hablood oo oo laga soo kala xusay Madaarista
Iyo Macaahiida Magaalada hargaysa .
Haddaba soo gababagabaynta tartankan ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Ee Somaliland, Culimo-awdiin, Masuuliyiin ka socotay Shirkada Dahabshiil Group iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan .
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Imaamka Masaajidka cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo sheegay in dhanliyarada ku tartantay xifdiga quraanka kariimka ah ay ka kala yimaadeen dhamaanba gobolada Somaliland isla markaana ay ka soo dhex baxeen in ka badan boqol iyo kontan tartamayaal , isla markaana kuwii tartankaasi ku guulaystay ay noqdeen kuwa u tartamay tartanka xifdiga quraanka kariimka ah ee bishan ramadaan.
Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure(Sh.Ismaciil Dheeg) oo ka mid ahaa guddidii qaban-qaabada tartankaasi xifdiga quraanka kariimka ah ayaa ka waramay Maraaxilkii kala duwanaa ee uu tartanku soo maray iyo u jeedooyinkii ka danbeeyey qabashadiisa waxa uu sheegay in tartankan la bilaabay sannadkii 1992 isla markaana uu soo maray saddex marxalood oo kala ahaa xiligii bilowga oo ahayd sannadii 1992-1994 xiligii soo shaacbaxa oo ku beegnayd sanadadii 1995-2000 iyo marxalada saddexaad oo ahayd xiligii horumarka uu gaadhay xifdiga quraanka kariimka ah .
Mar Sheekh Ismaaciil uu ka hadlayey u jeedooyinka ay u qabtaan taratanka xifdiga quraanka kariimka ah ayaa waxa uu sheegay in ay uga go,leeyihiin sidii ay u noolayn lahaayeen qur,aanka kariimka ah maadama oo ay bisha ramadaan ay tahay bishii uu soo degay quraanka kariimka ahi iyo sidii ay u soo bandhigi lahaayeen heerka ay dhanliyarada Somaliland ka marayaan xifdiga quraanka kariimka ah .
Ugu danbayntii Sheekh Ismaaciil Dheeg waxa uu Mahadnaq u soo jeediyey shirkada dahabshiil oo sannadadii ugu danbeeyey maalgalinaysay taratankan.
Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Guud ee Shirkada Dahabshiil C/rasiid Maxamed Siciid waxaana uu xusay sida ay shirkad ahaan ugu faraxsan yihiin in ay ka kaalintooda ka qaataan tartanka xifdiga quraanka kariimka ah sidoo kalena ay diyaarka ugu yihiin ka qayb-qaadashada wax kasta oo horumar gaadhsiinaya Diinta, Dhaqanka iyo Dhaqaalaha ay leeyihiin bulshada Somaliland.
Waxa sidoo kale Mr C/rashiid Maxamed Siciid uu iftiimiyey qiimaha uu leeyahay tartanku nooc kasta oo uu yahay isagoo ku tilmaamay in uu yahay mid qof gaadhsiiya in uu higsado meel ka fog .
Dhinaca kale waxa halkaasi ka jeediyey kalmad ka hadlaysa qiimaha qur,aanka kariimka ah leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in bulsho ahaan aynu dhaqan ka dhigano sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.
Ugu danbayntii waxa qaybtii hadalka ee munaasibadaasi loo qabtay soo xidhida tartanka Xifdiga quraanka akriimka ah ka hadlay Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay ku hawlan yihiin qabashada tartan dhinaca xifdiga quraanka kariimka kaas oo u dhaxayn doona geeska afrika laguna qaban doono Magaalada Hargeysa .
Waxa kale oo uu Wasiirku ku dheeraaday xidhiidhka ka dhaxeeya Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Xifdiga Quraanka Kariimka , Ugu daynbayntiina waxa uu mahadnaq u diray cid kasta oo ka qayb-qaadatay qabsoomida tartanka oo ay ugu horeyso shirkada Dahabshiil Oo Maalgalisay Taratankan .
Gabagabadii waxa halkaasi lagu soo bandhigay tartamayaashii kaalmaha hore ka gashay tartankan iyo gobolada ay kala kala socdeen waxaana ay ku tartamayeen 34Arday oo ku tartamayey soddonka jis iyo 36arday oo ku tartamayey shan iyo tobanka jis ee xifdiga quraanka waxaana ay u kala guulaysteen sidan.
1- Shan iyo Tobanka Jis waxa kaalinta Koowaad u galay Shaafici Jaamac Jibriil oo ka socday gobolka hargeysa waxaana hadyad ahaan loo siiyey Kitaab quraan ah , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 350$ .
2- Kaalinta labaad waxa u galay shan iyo tobanka jis C/xakiin Axmed Saxardiid oo ka socday Gobolka Hargeysa waxaana la siiyey Kitaab quraan ah , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 300$ .
3- Kaalinta saddexaad waxa galay C/salaam Axmed Cali oo ka socday Gobolka Gabiley waxaana hadyad ahaan loo siiyey Kitaab quraan ah , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 250$ .
Geesta kale waxa dhinaca xifdiga quraanka kariimka ah ee soddonka jis loogu kala guulaystay sidan
1- Waxa kaalinta koowaad ku guulaystay Khaalid Mustafe Aadan oo ka socday gobolka Tog-dheer waxaana hadyad ahaan uu u helay Kitaab hadlaya , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 700$
2- Kaalinta Labaad waxa galay Sakariye Faysal Maxamed oo ka socday Gobolka Hargeysa waxaana uu hadyad ahaan u helay Kitaab quraan ah , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 500$
3- Waxa kaalinta saddexaad galay Mubaariga Siciid Yuusuf waxaana uu ka socday Gobolka Hargeysa waxaana uu hadyad ahaan u helay Kitaab quraan ah , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 400$.
4- Kaalinta Afraad waxa galay C/qani Maxamuud Axmed Waxaana uu ka socday Gobolka Hargeysa waxaana uu hadyad ahaan u helay Kitaab quraan ah , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 350$
5- Waxa kaalinta Shanaad galay Ridwaan Xusseen Caalin waxaana uu ka socday Gobolka Hargeysa waxaana uu hadyad ahaan u helay Kitaab quraan ah , Shahaado, Mobile, Rikoodh, Saacad iyo Lacag dhan 300$
Tartanka Xifdiga Quraanka kariimka ah ayaa sannad kasta la qabtaan bilowga bisha barakaysan ee ramadaan, waxaana ardayda sannadkan ku guulaysatay kaalmaha hore ee tartankan ay wax ka bartaan Madarasada Aflax ee Magaalada Hargeysa .
Hadhwanaagnews
Hargeysa/Somaliland
C/casiis Caydiid Cilmi(Yemeni)
abdiaziiz@hadhwanaag.org