Sannadkan ciyaaraha Olombigiska ee London lagu qabtay (London Olympic Games 2012) waxaa ka soo qayb galay 204 waddan , waxaana la ogsoonyahay in Qaramada Midoobay (UN) ay xubin ka yihiin 193 dawladood.
Hadaba maxay yihiin 12 kale?
12pt; COLOR: #2a2a2a; FONT-FAMILY: ´Arial´,´sans-serif´; mso-fareast-font-family: ´Times New Roman´">
Maxayse Koonfurta Sudan oo xubin ka ah UN ka uga qayb geliweyday Olombigiska lagu qabanayo London waqtigan?
Marka xisaabta laga jaro South Sudan oo aan ka soo qayb gelin, sidan ayay ku timi tiraduu, 193+12-1 = 204.
Waxaan baadhitaan ku sameeyey dawladaha ama jasiiradaha ka soo qayb galay Olombigiska ee aan xubin ka hayan Qaramada Midoobay iyo dadkoodu bal inta uu leeg yahay si loo qiyaaso jasiiraddu inta ay leeg tahay. Jasiiradahaas iyo dawladahaasu badankoodu waxay hoos yimaaddaan dawlado kale sida Maraykanka iyo Ingiriiska. Xittaa xubin muraaqib kama ah Qaramada Midoobay badankoodu marka laga reebo Falastiin (Palestine).
Waxaa kale oo xiiso leh in jasiirado yaryar oo badani oo magacoodaba aan aad loo aqoon oo dadkoodu aad u yaryahay inay xubin ka yihiin Qaramada Midoobay sida: Marshal Islands ( population =56,000) , Vanuatu ( population =250,000 ) , Palau (population = 20,000) , Micronesia ( population = 111,000) , St Lucia ( population= 176,000 ), St Kitts and Nevis ( population= 42,000) , St Vincent and the Grenadines ( population= 109,000), Kiribati (population= 104, 000) iyo qaarkale .
Dawladaha iyo cidda ka soo qayb gashay Olombigiska London ee aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay (UN) waa kuwan:
1) Aruba (population= 100,000)
2) Chinese Taipei (Taiwan) *
3) Cook Islands (population= 17,000!!!)
4) Guam (population 185,000)
5) Hong Kong *
6) Palestine *
7) American Samoa (population = 70,000)
8) American Virgin Islands (population = 110,000)
9) British Virgin Islands (population = 30,000)
10) Puerto Rico (population= 4,000,000)
11) Bermuda (population= 65,000)
12 Independent Olympic Athletes (3 ka soo qayb gale)
Horta waxaa ka soo qayb geli kara Olombigiska ciddii xubin ka ah, Hayadda Olombigiska Adduunka- International Olympic Committee (IOC). Markaas dawladdu ama ha la ictiraafo ama yaan la ictiraafine , marka hore waa inay leedahay, hayad waddani ah oo Olombigiska u qaabilsan (National Olympic Committee) , waa inay markaas xubin ka noqtaa IOC. Haddii kale kama qayb geli karto Olombigiska. Waa sababta ay koonfurta Sudan (South Sudan) uga soo qayb geli kariweydey Olombigaska sanadkan, waayo weli may samaysan hayad u qaabilsan olombigiska. Hadday ka sii gaashaman lahaayeen markay xornimada qaateen sanad ka hor oo samayn lahayeen (National Olympic committee ) way ka qayb geli kari lahaayeen.
Haddii uu ciyaartaw aan ka soo jeedin qola aan lahayn (National Olympic Committee) uu keeno ciyaar uu kaga qayb geli karo Olombigiska (qualified for Olympic games), waxaa laga yabaa inuu weli ka qaybgalo Olombigiska , waa ta ay kaga soo qaybgalayn magaca (Independent Olympic Athletes) 3 ciyaartow . Waxaa ku jira ciyaartow ka soo jeeda (South Sudan ) mar haddayna lahayn hayd u qaabilsan Olombigiska iyo laba ciyaartow oo ka soo jeeda Netherlands Antilles oo labaab´iyey hayaddii olomigaska ee waddankaas ( National Olympic committee ) ! 3 ciyarrtowba waxay keeneen ciyaaro heer sare ah, dabadeed waxay kaga soo qaybgaleen sifo gaar ah oo madax banaan oo ay wakiil ka noqotay haadda adduunku ee olombigiska (International Olympic Committee). Ciyaartowga si madax banaan uga soo qaybgalaa weli waxaa la tilmaamayaa waddanka uu kasoo jeedo.
Jasiiradaha yaryar ee qaarkood dadkoodu yihiin 17,000 oo qudha ee aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay way ka sii gaashanteen aarintaas oo waxay leeyihiin (national Olympic committee) , dabadeedna waxay sameeyeen dadaal (lobbying) sidii ay uga mid noqon lahaayeen IOC.
Arrintu kuma xidhna in aad xubin ka tahay UN ka iyo inkale. Waxaa kaloo jira in Ingiriisku doonayey inuu noqdo Olombiga London kii abid ugu badnaa ee laga soo qayb galo.
U jeedada Olombigisku waa in fursad la siiyo ciyaartow walba oo mawhibad leh ama la yimaadda heerka ay IOC doonayso. Arrintu marnaba siyaasad kuma xidhna.
Waxaan ugu baaqayaa ciyaartow walba oo isleh meel baad ka gaadhaysaa ciyaaraha Olombigiskas weliba orodada dhaadheer oo Somaalidu ku wacnaan lahayd inay isha ku hayaan arrimahaas. Waxaan kaloo ugu baaqayaa ciddii aan lahayn hayad wadani ah oo u qaabilsan Olombigaska (National Olympic committee) inay samaystaan, tusaalane kaga qaataan jasiiradaha yaryar ee aan UNka xubin ka ahayn isla markaasna xubin ka ah IOC.
* Way dad badanyihiin waana meelo macruuf ah oo dhaqaale ku leh adduunka sida Hong kong iyo Taiwan, Falastiinna waxaa loo aqoonsanyahay inay gooni isu maamusho.
Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barre
UK