Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Guddida Dhismaha Biriijka Maxamed Mooge Oo Ku Baaqay In Laga Soo Qayb Qaato Dhismaha Biriijkaas Oo Ku Kacaya Lacag Dhan 46000$


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 04, 2012
Hargeysa(HWN):-Guddida dhismaha bariijka Degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqay in dhismaha biriijka xafaadaasi u baahan yahay dhaqaalihii lagu bilabi lahaa.

Hargeysa(HWN):-Guddida  dhismaha bariijka degmada Maxamed Mooge oo ka tirsan   ee magaalada Hargeysa ayaa maanta ku  dhawaaqay in dhismaha biriijka xafaadaasi u baahan yahay dhaqaalihii lagu bilabi lahaa.

Guddida gacanta ku haysa dhismaha biriijkan ayaa waxay shacabka Somaliland ee ku dhaqan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba ugu baaqeen inay ka soo qayb qaataan dhismaha biriijkan oo wax wayn ka tari doono isku socodka gaadiidka iyo dadka ee xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

14pt">Guddidani waxa kale oo ay sheegeen in jidkan lagala kulmo dhibaatooyin iyaga oo xusay inay hadyo jeer ka dhacaan shilal kala duwan kuwaas oo gaysta khasaare iskugu jira naf iyo maalba.

Guddidan oo ka kooban todoba xubnood waxay shacabka Somaliland iyo xukuumadaba u soo jeediyeen in loo baahan yahay in la dhamaystiro biriijkaas oo qayb weyn ka qaadan doono isu socodka gaadiidka iyo dadka ee xaafadaas.

magacyada Guddida gacanta ku haysa biriijka degmada Maxamed Mooge.

1.Gudoomiye  Caaqil Xasan Ibraahin Hussein
2.G/X/Cabdi Qani Axmed Cabdiraxmaan
3.Xoghaye Liibaan Xasan Cabdiraxmaan
4.Xisaabiye Sheekh Cabdiraxmaan Ismaaciil Muuse
5.Axmed Ismaaciil Batuun Xubin
6.Sheekh Khadar Xasan kabaweyne Xubin
7. Cismaan Xasan
 

Hadaba wixii dhaqaale ah ee lagu biirinayo dhismaha  biriijkan waxa loogu hagaajin karaa.

Acount Dahabshiil: D30304

Tell: 002522 4834334.

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.