Waxaa muddoba reer Somaliland badan ka shaki qabeen sida xukummadda Muddane Axmed Maxamed Maxamud ugu milmayso maamulka ka dhisan Somaliya ee uu maanta madaxdda ka yahay Sheekh Shraiif Sheekh Axmed, waxaan ka warqabnay in ay labadda madaxweyne ku kulmeen waddanka Imaarata (UAE) magaladda Abu Dhabi, halkaan ku kala saxeexdden heshii. Waxaa kale oo jiratay in mudduba dhow jeer ay wada fadhiisten Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan xukummadda Muqdisho ee uu Madaxdda ka yahay Sheekh Shariif. Waxaa is weydiin muddane maxaa ka soo baxay wadda hadaladda muddad socday?
150%; TEXT-ALIGN: justify">Haddii aan ka jawaabo suaasha waxaa is leeyahay waxaa ka soo baxay hal arrin oo ah in Somaliland ay tahay Maamul Goboleed ka tirsan Somalia waxa ku cadaynayaa in maanta labadda ciidan ee Booliska ee Wadanka Somaliya iyo kuwa reer Somaliand ay isku mid yihiin ka dheeho sawirka hoos ku qoran oo akhriste isku day in aad kala garto mid reer Somliaya iyo kan reer Somaliland
Hawshan isku milanka Somaliya iyo Somaliland waxaa u xilsaaran Hayadda UNDP oo ah midka u xilsaaran maamulka wadanka Somaliya bixisan kharshayada ay ku halwgalaan dhammaan hayddaha Dawliga aha ee Somaliaya ee fadhigoodu yahay magaaldda Muqdisho, waxaa qiyaasaya in dadka aqoonta u saaxiib ahay ay ka dhergsan yihiin UNDP iyo hawalaha ay ku jirto oo aanay iiga baahnayan fasiirad badan.
Waxaan saaka ka akhriyey website-yadda reer Somaliand, qoraalkan; Horaantii sanadkan ee Bishii Appril ayaa Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Dr maxamed Nuur Caraale Duur isagoo goob Fagaare ah hadlaya Hayada Qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ku dhaliilay inay Dirayskii Ciidanka Bilayska oo ay balan qaaday Hayadaasi bixin wayday, isagoo ku adkeeyay inay dhakso u fuliso bixinta dirayskaasi iyo balanqaadyo kale oo ay la gashay xukuumadda waxaan aad uga xumahay in hayadda UNDP oo balamo hore u qaaday ciidamadda Booliska aan ilaa hadda laga haynin-Sanadkana heshiiskii aanu la geli lahayn waxa uu u baaqday oo aanu u sexeexi waynay ka dib markii ay ka soo bixi wayday dhamaystirka dirays u gaar ah ciidamada Booliska iyo dhismaha taliska oo gaboobay sidii mid cusub loogu dhisi lahaa kuwaas oo aanu ku heshiinayayuu yidhi..
Qoralkan wuxuu ku tusayaa laba arrimood mikood:
1- In aqoonta wasiiraddu ay kooban tahay oo aanay aqoon fiican u lahayn UNDP
2- In ay tahay siyaasadda Xukummadda oo ay raali ka tahay isku milanka
Qodaobkan labaad oo ah midka runta u dhow wuxuu inoo cadanynaa in xukummadda maanta waddanka ka talisa ogolaatay in ciidamadda Booliska ee Somaliland iyo kuwa reer Somaliya ay isku mid yihiin hal meel laga wada xukumo oo ay wada masruufto haydda UNDP oo ah haydda u xilsaaran bixinta mushahardda ciidamadda Somaliaya iyo weliba bixinta kharshayadda xukumadda ka jirta wadanka Somaliya. Waxaan maanta markhati madoonto ah in ciidamadda booliska Somaliland ay sitaan direyskii ciidammada Somaliya ee Muqdisho jooga.
Waxaa kale oo isweydiin muddan Haydda UNDP ma direys keliya aya bixisay mise waxaa la socoda
? Waxaa suaasha jawaabteed u dhaafaya akhrisyayaasha sharfta muddane ee reer Somaliland. Somaliaddu waxay ku mahamahadda: waan baahanhay looma bakhtiyo cuno, ku milanka Somaliya haddii uu yahay ka helidda woxooga dhadhan aha waxaan kula talin lahaa xukummadda maanta waddanka ka talisa. Reer Somaliland waxay u soo mareen helitaanka xoriyaddoodda Naf iyo Maal, maantan macquul ma ha in ciidamadda Somaliand ay u eekaadda kuwii faqashta iyo calinkii CIR JIILAAL.
Osman Awad
waaba2003@yahoo.ca