Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland wa dhuumasho dhabarku muuqdo by Bashe .A.Gaboobe


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 04, 2012
Beryahan Somaliland waxa dhexdeeda ka socodey doodo kulul oo ku sabsan wada hadalka maamulka madaxweyne Axmed

Beryahan Somaliland waxa dhexdeeda ka socodey doodo kulul oo ku sabsan wada hadalka maamulka madaxweyne Axmed Silaanyo la galay maamulka sheikh sharif ee Somalia .Halka dadka qaar diidanyahey wadahadalka guud ahaan ba, sababna uga dhigaya kalsoni darro ay ka qabaan maamulka Silaanyo inu si adag u difaaci  waayo danaha iyo himiladda Somaliland iney hesho ictiraaf calaami ah iyago dalishanaya habacsanaanta,qorsha la’aanta iyo tuhun taariikhi ah oo Somaliweyn .

Haddaba isago dareenka shacabka Somaliland sidaa u qeybsan yahey ayu madaxweyne Silaanyo  la galey wada hadal maamulka sheikh sharif ee waqtigisu gaba gaba

yahey isago ku andacoonaya in beesha calaamka ku khasbeyso wada hadalkaa waqtigan,waxanay markiba bilaabeen dacaayada xoog leh oo ay warbaahinta qaranka u adeegsanaya guullo’na ku tilmaamaya wada hadalka  laakin markiba waxa soo if baxay wixi shacabka Somaliland ka baqa qabay oo ah iney sexeexeen qodobo ku lid ah qaranimada Somaliland sida qodobka 8aad ee chevening house iyo sexeexi madaxweynaha ee heshiiski Dubai u ka tagey astaanti qaranimo ee jamhuriyadda oo u ku sexeexey madaxweynaha Somaliland,arrintaas oo inaga dhigeysa maamuul goboleed hoos taga Shiekh Sharif .

Hadaan u soo noqdo dulucda maqaalkeygan ,wasiirka arrimaha dibadda Maxamad cabdilaahi wuxu maalmahan ku hadlayey,hadal iska hor iyo daba imanaya,wuxu ku hambalyey shirka muqdisho, ansixinta dastuurka lagu dhaqaayo dawladda somaaliyeed ee ina sheegeyneysa .Waxaanu marlabaad si adkeyey  qodobka sideedaad ee heshiiski chevining house ee S/land oo than diidey dhaawac weynna gaadhsiyey qaranimada S/land,waayo sidu’ u taageera dawlad sheegeneysa iney ino taliso ?.haddana wuxu le yahey’’ Somalia hanaga deyso farogelinta ay nagu heyso,goboladayagan ay sheegeneyso iyo dadkayagan ay soo urursatey ‘’.Haddaba cid walba waxay ka dharagsantahey in muddo ah ba shirka Muqdisho ay joogeen siyaasiyeen iyo madaxdhaqmad S/land ah, Marku heshiiska sexeexaaye ee u hor fadhiyey wasiiradi sheikh Sharif muxu toos ugu othan waayey naga daaya farogelinta, qodobka 8aadna u diidi waayey ?.  Somaalidu waxey ku maahmaahda’’Leyligu wuxu ka dida biyaha uurkisa ku jira’’,waxa maalmaahan Shacabka S/land dhegehooda waxa soo gadheyey faanka Shiekh Sharif u ku faanayo inu S/land la sexeexdey heshiishyo midnimo Somaaliyeed,ma’suulki u dambey ee beesha caalamka ee u markhaati furana  wuxu aha danjiraha u fadhiya jamciydda qurumaha dawladda imaraatka carabta oo yidhi ‘’Shirki Dubai ee Dhex marey labada madaxweyne ee S/land iyo Somalia wuxu aha bilowgi midnimada Somaaliyeed.’’

 ‘’Fiiro gaar’’

Shaley waxey aheyd 3 August sannad guuradi 18 ee assaaski ciidamada policeka,madaxweyne Silaanyo marki u ka qeyb galey sannad guuradi 16 naad wuxu balanqaadey inu sannad dambey ciidamada darajada siin doono,ilaa maanta lama hayo .talow ma waxa lala sugaya midnimada Somalia.

  Alla mahad leh.

Bashe .A.Gaboobe.

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.