Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Kulmiyow xiligii mucaaridka qaadhaankiini baanu weli ka soo kaban la´nahay , maantana idinka yeeli mayno inaad tidhaahdaan Airpordkii burco u soo qaadhaama idinko xukuumad dii ah, by Hassan A. Elmi


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 04, 2012
asalaamu calekum dhamaan warbaahinta sharafta leh

asalaamu calekum dhamaan warbaahinta sharafta leh

 

Waxaan layaabay oo aan qalinka u qaatay siyaasad xumadda dawlada ee ku wajahan gobolka Togdheer , waa wax  laga  yaqyaqsoodaa siyaasada xumadda  kulmiye ee  gobolka  djanka horumarinta.


Hadaan ku horeeyo gobolka Togdheer  waa gobolka ugu ayaanka badan hadana ugu ayaanka daran, wuu ugu ayaan badan yahoo madaxweynayaashii wadanka  soo xukumayay intooda badan  ilaa kan maanta waxay ka soo jeedaan gobolka Togdheer, hadana wuu ugu ayaan daran yahoo gobolkaa togdheer lama arag wax ay xukuumad u qabatay . mashaariicda gobolka ka hirgashay dhamanatoodna waxaa fuliyey NGo yada yar yar iyo dadka gobolka qaadhaankooda., hadaba nasiib darada ku dhacday burco waxa weeyaan ama mucaarid ha ahaadaan ama mucaafid ha ahaadeene wax kastoo gobolka laga qabanayo idinku qabsada uun

baa loogu jawaaba halka goboladda galbeedka ay mashaariicda ka socdaa dawladda dhexe fuliso.


Hadaanu nahay qurbo jooga Togdheer qaadhaan baa na daashaday miyaanan nasaneyn ba qaadhaankii uu kulmiye nagu bilaabay xiligii mucaaridka la aha ayaa weli nala weydiinayaa ma xaqbaa dawladii aanu dooranay in ay tidhaahdo soo dhista airpodhkiina ma xaqbaa, maya xaq maaha.


Kulmiyow burco way ka baxday xiligii mucaaridka ay ahaayeene ee qiiro jabaanta lacagata lagaga qaadi jiray,  waxaanad ogaataan walaahi inaanan bixineyn lacag qaadhaan ah oo airpodh lagu dhisaa hadii aad cod burco ka rabtaan dhisa airpodhka qof aad shilin weydiin kartaana ma jiro.
Waxba cagafyo been been ha galinina airpodhka waanu idinla soconaa markii doorashada soo dhawaatay ayad dooneysaan inaad dadka been ka iibisaan.


Ogaadana kulmiyow lays baray qiiro jabaantii dadku idinku codeeyeen wey dhamaatay  labadii sano ee aa xukunka hayseen wixii aad gobolada bari u qabateen uun baad cod ku heleysaan  ha yaraato ama ha badnaato


gabagabadii hadaanu qurba jooga togdheer nahay lagama yaabo in aanu bixino qaadhaan airpodh ka ah .xukuumadda lacagtiiairpodhada ee lagu deeqay ee burco xaqa u lahayd idinkaa cunay ee is weydiiya sidii aad ku dhisi lahaydeen airpodhka .


Hassan A. Elmi
axyaa_wadani@live.se
   
********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 
 

 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.