Qu`raanku waa hadalkii ILaahay SWT, kelmedo ahaan iyo maco ahanba. Waxaa loo soo dhiibay Malakul Jibriil waxaanu soo gaadhsiiyey Nebi Maxamed CSW bil Ramadaan, asagoo ku bilaabmay waqti uu ku sugnaa magaalada Xaramka ah ee Makka, gaar ahaan Buurta Jebelul Nuur la yidhaahdo guudkeeda hoga ku yaala ee Qaarul Xiraa loo yaqaano.
Waxaa uugu soo hor degay dhulka oo nebigii SCW uugu soo hor gaadhay dhawrka aayadood ee suuratul Calaq uugu
horeeya, dadka qaarna u yaqaanaan suuratul Iqra. Waxaana uugu soo danbeed degtay Suuratul Nasri ama Idaajaa, sida ayana dadkeena badankoodu ku magacaabaan.
Hayeeshee dhinaca shareecada waxaa lagu khatimay aayada suuratul Maa`ida ku jirta ee (Alyawma akmaltu lakum diinakum .......ku bilaabanta) Waxaanay ku soo degtay Xajatul Widaac, gaar ahaan Yawmul Carafa. Waana xajkii uugu danbeeyey ee Rasuulkii SCW soo xajay isla markaas umada aad uula soo dardaarmay. Mar gaar ah ayaanaynu ka sheekayn doonaa xajkaas, Insha Allaahu tacaalaa.
Laabashaduu Madiina ku noqday ayay Idaajaanaa ku soo degtay Rasuulka SCW waxaanay wax ka tilmaamaysaa arimo waaweyn oo geerida Suubanuhu SCW ka mid tahay. Siiradu waxay soo werisaa inuu markay soo gaadhayba Nebigii SCW yidhi--- Nuciyat ilaya nafsii----oo macneheedu yahay `lafahaygaa lay tacsiyadeeyey. Taas oo uu ka sarbeebaayo in loo waxyooday inay ajeshiisii soo dhawaatay.
Cibaadadii uugu horeysay ee Rasuulka SCW la amray kolkaas waxay ahayd inuu Qur`aanka akhriyo, tii lagu war geliyey dhamaadka shreecadana ayana Qur`aan ayay noqotay, tii noloshiisu inay soo gebogaboowday loogu khatimayna ayana waxay noqotay Qur`aan sidaynu kor ku xusnay.
Caa`isha RC mar wax laga weydiiyey akhlaaqdii Rasuulka SCW waxay tidhi-----Dabeecadiisu Qur`aankay ahayd` waana xadiis saxeex ah. Noloshiisa oo dhami waxay ahayd Quraan gebigeeduba, haduu hurdo iyo haduu soo jeedaba, saaxiibadiina kamay dhacayn Nebigooda SCW oo raadkiisay hayeen, maantana muslimka wanaagsani waa tabtaasuun.
Xaraf kasta oo aad Qur`aanka ka akhridid 10 ajar ayaad ku leedahay, Alif---Laam---Miimna xaraf keliya maaha ee waa 3 xaraf, sidaas darteed 30 ajar ayaa ku sugan intaas koobaan oo keliya, ee maxaad u malaynaysaa hadaad Al-baqara dhamaysidna?
Sidoo kale Qur`aanku waa dawada keliya ee Qalbiga iyo Ruuxda, waa kelmedihii ILaahay SWT ee dhamayska ahaa, waxaa ku jira Qur`aanka magacii ILahay SWT ee weynaa ee hadii lagu baryo uu aqbali jiray ee ajiibi jiray ducada, waxaanu Rasuulkii SCW yidhi `Aayadaha uugu horeeya ama awaa`ilka AL-cimraan iyo Aayatul kursi halaga dayo magacaas. Xadiiskaasina waa saxeex asna.
Aayatul Kursi waa 255 numbarkeedu waxaanay ka tirsan tahay Suuratul Baqara, waana aayada Kitaabka Ilaahay SWT uugu weyn. Qofka subaxii akhriya maalintaas shaydaan kama soo ag wareego ka fiidkii ama maqaaribta akhriyana habeenkaas malcuunku ma soo ag istaago. Axaadiis saxeex ah ayaana wararkaas sugan soo tebisay.
Qofka Qur`aanka akhrista ee faraha ku haya iyo ka aan afkaba soo marin ee meel iska dhigay waxay ka kala dhigan yihiin qof nool iyo mid mid bakhtiyey, sidoo kale guriga Qur`aanka lagu akhriyo iyo ka aan lagu akhriyin gudihiisana waxay ayana ka kala dhigan yihiin guri la degan yahay iyo mid kharaabad ah oo qarnigii hore laga guuray.
Magaalo Qur`aanka ku nooli way siraadan tahay oo nuuraysaa sida Makka iyo Mediina, mid tumashada iyo musica ku caano maashayna sida London iyo New York way bakhtiisan tahay (Ghost town) oo Jin baa ka adeegay. Sababtoo ah---Annuur waxaa la yidhaahdaa ILaahay SWT, cidii aanu siraadinina ma nuurto!!! Siduu Qur`aanku cadeeyey.
Calaykum bil Qur`aan yaa umatal Islaam-------Waar Kitaabka Ilaahay SWT ha la ogaado oo dhuunta iyo wadnaha ha lagu haysto midigtana ha laga buuxsado ilaa luxudka la isku ridaayo.
Ramadaan Mubaarak------------Walxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin
Wasalaamu calaykum waraxma
Bashe Abdillahi Qulumbe, London