Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gabaygan 40AAD “Saxaltir” ee Silsiladda Sallaamaley


(Hadhwanaagnews) Saturday, August 04, 2012
Gabaygan “Saxaltir” wuxuu ka mid yahay Silsiladda Hanaqaadday, ee billaabatay Sanadkan Horraantiisii, curashadeediina

Gabaygan “Saxaltir” wuxuu ka mid yahay Silsiladda Hanaqaadday, ee billaabatay Sanadkan Horraantiisii, curashadeediina  ka billaabatay  Dood dhex martay Asxaab kala jooga goonyaha dunida oo ku kala feker duwan, Arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Silsiladdan waxaa lagu faafiyey shabakada Af Soomaaliga lagu qoro, ka dibna ay si weyn uga qaybqaateen  Hal-abuurro kala jooga dunida dacalladeeda, oo dhallinyaro u badan, curiye welibana soo bandhigay fekerkiisa iyo mab’da uu doodda a qabo, waxay dooddu socotaba,  xaajadii u muuqatay “I jiid aan ku jiidee”  iyadoo dadku u kala qaybsameen saddex qaybood:

Qolo dhexdhexaad ah, oo lahayd  wuxuun halaysku afgarto, balse  yaan magaca iyo dhalashada Soomaaliyeed lagu kala tegin, siyaasaddana shaqsi weliba  wuxuu doono ha rumaysnaado,Qolo gooni isu taaga taageersan

Somaliland, iyo Qolo midnimo ku baaqaysa.

waxaan markaa gabaygan oo ah mid turxaan bixin ah una marqaati furaya hal-abuurku inay dedaaleen balse aysan bedelin majarahooda xal raadiska ah ee ay hore u sii mariyaan inay sababaan is fahanka dhallinyarada Soomaaliyeed ee colaad ku korka ah, kana saaraan isir nacaybka iyo ficillada xun xun ee laysu geliyey, caalamku dhibaatooyin badan ayuu soo maray oo xitaa Gumaysi leh, waana laga  gudbay lagana heshiiyey, oo maanta Soomaalida saaxiibbadeeda dunida ugu dhawdhaw waxaa lagu tilmaamaa dowladihii gumaystay, marka dad wada dhashay oo wax dhex mareena maxaad u dhigtay ma inay ka heshiiyaanbaa mise inay ku kala tagaan? Waa kan gabaygii oo si gaara ula hadlaya bahda Sallaamaleey  ka qayb qaadatey iyo kuwa ka qay geli doonaa intaba.

 

  Gabaygii “Saxaltir”

 

1.   Siinleeyda noo curatay iyo, saadkan iyo Wawga

2.   Gabay sugan murtidan soohan iyo, hadalkan Suugaysan

3.   Suugaan xumaan suulisoo,  nabadda suuraysa

4.   Xigmad saafan, hadal saxarla oo, suulsha kala guurka

5.   Da’yartii Sallaamaleey[1] furtee, curisay suugaanta

6.   Iyadoon samaankaba la tirin , Gabay samaan sheega

7.   Iyadooyba Soomaalidii, suuftay dhaqankooda

8.   Oo laga socdaaloon muddaba,  cidi sabaaraynin

9.   Oo ruuxa saadaaliyana, sawdka lagu ooday

10.Raggii  magaca Soomaaliyeed, gabay ku saafaayey

11.Saxda iyo halkii seegganayd, shacabkii siinaayey

12.Raggii soofka  deegaanka iyo, aradka saameeley

13.Sawraca dadkeeniyo sinjiga, baray sibyaanteena

14.In Saluug galaa maan filayn,  lana sadheeyaaye!

 

15.Afartaa  sal iyo baar murtida, saddaradeedii dheh

16.Sallaamaleey  halkay saadisiyo, sawdki aan helay dheh

17.Soomaali dhaqankeedi iyo, hadalki suubnaa dheh

18.Soofkiyo hantida aan dhaqdiyo, dhaxalka suugaan dheh

19.Murti saafan  Guuroow saldhigay, Gabay sareedaad  dheh

20.Afar kalena samataliska iyo , Saxaltir weeyaan dhe

 

21.Saamigaaga wuxuu sawdku yahay, iyo mid kuu soocan

22.Saableeyda  beerkiyo intaan, dhaafin sabarkaaga

23.Haddii uunku wada saamicoo, kaa sibqado maalin

24.Ama seego marinkii saxnaa, waa sun iyo booge

25.Saadanbuu Dhunkaal kugu noqdaa , saaqda hilibkaaye

26.Sooyaalka goortuu galaad, salal ka qaaddaaye

27.Summad loogu soociyo Maddane[2],  sabarka kaa saaran

28.Guudkana midkaa sudhan noqdaa, abidna suulayne

29.Sinjigaad dhashaa  buu dhibaa, laguna soocaaye

30.Sulufkiyo colaadduu dhigaad, la surbacaadaaye .

 

31.Afartaa digniin soocan iyo, sixiddi Waayeel dheh

32.Sallaamaleey  halkay saadisiyo, sawdkii aan helay dheh

33.Soomaali dhaqankeedi iyo, hadalki suubnaa dheh

34.Soofkiyo hantida aan dhaqdiyo, dhaxalka suugaan dheh

35.Murti saafan  Guuroow saldhigay, Gabay sareedaad dheh

36.Afar kalena samataliska iyo, saxaltir weeyaan dhe.

 

 

37.Sallaamaleeydu sahan bay ahayd, maanso samadoone

38.Dadkii kala socdaalay lahayd, Sees isugu keene

39.Safafkii colloobay lahayd, raadi samahoode

40.Sooyaalki dhacay bay ahayd, inay sifaysaaye

41.Dadkan kala sikaday bay lahayd, haysu soo siqo’e

42.Sinji laysku maagiyo, qabiil laysku kala saaro

43.Iyo Seefo may wadin  Mindiyo, laysku soofayne

44.Saymiyo colaad loo ballamo, maanan sugahayne

45.Soomaali cudurkii bahdilay, saaka maan filane.

46.Seeddiyo xigaal baynu nahay, kala sal guurayne

47.Saddiiq iyo Walaalaynu nahay, soohdin wada yaale

48.Sabi iyo Abtigii baynu nahay,la isma seejaane

49.Salka dhiga sinnaan raadiyoo, keena sahan doora

 

50.Sallaamaleey inay saxal furtoo, sadhiyo hoog reebto

51.In la seejo marinkay lahayd, sababna loo yeelo

52.Siriq iyo inay dabin gashaa, lagu sakaalaayo

53.Oo seedki ay haysatiyo, dawgii laga saaro

54.Samihii la saydhoo mar kale, xuma la sooryeeyo

55.Iyo inaan sinnaan raadinniyo, nabad siraadkeeda

56.Soomaaliyoo mida mabd’a, Siina kala jeedin

57.Sirgac iyo dhibkana laga digoo, xumana uu suulo.

58.Labadaa midkeen saacidnaa, saaka kala doorta?!

 

59.Isa sudhan [3]ninkii soo tirshee, Sixirfur [4]maanseeyey

60.Sooma liico [4] kii yidhi midkii, naga samraaye[5] keenay

61.Hay sasabanin [6]kaga seexa[7] iyo , yaan la kala soocin[8]

62.Dib u saxa[9] ,Sinaan iyo midnimo[10] ,Saara Calankeena[11]

63.Murankii samada gaadhayee, siigada afuufey

64.Sinji qudha inay wada yihiin, sawrac keliyaata

65.Saluug maysan gelinoo sax bay, ugu dhawaaqeene

66.Soomaali baan nahay dadnimo, gabay ku saafeene.

 

67.Afartaa safkaan wada nihiyo, magaca Soomaal dheh

68.Sallaamaleey  halkay saadisiyo, sawdkii aan helay dheh

69.Soomaali dhaqankeedi iyo, hadalki suubnaa dheh

70.Soofkiyo hantida aan dhaqdiyo, dhaxalka suugaan dheh

71.Murti saafan  Guuroow saldhigay, Gabay sareedaad dheh

72.Afar kalena samataliska iyo, saxaltir weeyaan dhe

 

73.Sakatiga waxaa keenay iyo, kala socdaalkeena

74.Waa siyaasaddii laysku nacay , saymihii hore’e

75.Sooyaalkii aan soo marniyo, sixirki weeyaane

76.Iyadoon sakaarkana la tumin, laysu salab qaadan

77.Saw inaan heshiis raadiyaa, saaka lama qaadan

78.Saw madaxdii Soomaaliyeed, shirar ma saameynin

79.Soomaaliland saw ma odhan, yeelnay samahiina

80.Soomaaliweyn saw ma dhihin, saamax naga qaata

81.Saw xaalku meeshii samayd, laguma saameelin

82.Sindhidhkiyo dagaalkiyo maxaa, keenay kala suulka?

83.Sanqashada xumaatada lehiyo, sulufka yaa beeray?

84.Maxaa loo sikiyey xaajadaan, sabada gaadhsiinnay?

85.Suul iyo saxeex baa socdee,  samo la gaadhaaye

86.Umaddoo saf soo wada gashaa, loo sahminayaaye

87.Nin samraa sedkii wuu helaa, Sidey ahaataaye

88.Ragna waysa suufaa, hadduu seera wada yaale

89.Salka dhiga xaqiiqadana suga, magacna suureeya

90.War yaynaan salfudadaan samaa, loo tartamayaaye

 

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 

 

 

Sharaxa Erayada:

 

1.Maddane : Waa birta xoolaha lagu sunto

2.Isa sudhan : Waa Gabayga  20aad ee SilSiladda,, Abwaan Maxamuud Muuse Caarre

3.Sixirfur:  Waa Gabaygii  24aad ee Silsiladda ,,Abwaan  Maxamuud Muuse Caarre

4.Sooma liico Gabaygii 29aad ee Silsiladda ,, Abwaan C/llahi Ismaaciil Xuseen (Shaacir)

5.Ka Samraay Gabaygii 26aad  ee Silsiladda ,,Abwaan Keyse Shire Saalax-dhegacadde

6.Sasabo-diid  Waa Gabaygii 9aad ee Silsiladda,, Abwaan Khadar M. Xayd (Khadar jinni)

7. Kaga seexo: Gabaygii 37aad ee Silsiladda,,Abwaan  Maxamuud Muuse Cali Caarre

8. Yaan la kala soocin: Gabaygii 30aad ee Silsillada ,,Abwaan Maxammed Yuusuf Cali Abtidoon

9.Dib u saxa:Gabaygii 18aad ee Silsiladda ,, Abwaan Maxamed Cilmi Dhicisow

10.Sinaan iyo Midnimo: Gabaygii 14aad ee Silsiladda,, Abwaan  Cabdicasiis Axmed Maxamed (Xoogsade)

11. Saara Calankeena: Gabaygii  5aad ee Silsiladda ,, Abwaan Axmed Xaayoow

 

Fiiro Gaar ah:

Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley”haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:

 

1.Xasan  Abiib Faarax (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.