Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Nuxurka Kulankii Saddexaad Ee Ay Hargeysa Ku Yeesheen Madax Dhaqameed Magac Weyn Ku Dhex Leh Somaliland iyo Natiijadda Kulamadoodan oo la filayo Dhamaadka Bisha Ramadaan


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 05, 2012
Hargeysa (HWN) Qaar ka mid ah sulaadiinta iyo Boqoradda Somaliland ayaa kulankii saddexaad ku yeeshay Magaaladda Hargeysa.

Hargeysa (HWN) Qaar ka mid ah sulaadiinta iyo Boqoradda Somaliland ayaa kulankii saddexaad ku yeeshay Magaaladda Hargeysa.

Kulamaddan is-daba joogga ah oo ay kaga hadlayeen xaaladda guud ee uu dalku marayo iyo waliba geeska afrika oo ay ugu weyn tahay wada hadaladii dhex maray labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia ayaa sida ay ilo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews lagu wadaa in bisha barakaysan ee ramadaan marka ay ay dhamaato ay ka soo saari


doonaan go’aamo cadcad.

Kulankan oo inta la og yahay noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ayaa inta badan sulaadiinta iyo boqoradu waxa ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee dalka.

Ma jiro war faah-faahsan oo ay madax-dhaqameedkani ka soo saareen nuxurka kulankoodan, balse waxa ay ilo wareedyo u dhuun daloola ay cadeeyeen in dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan ay shaacin doonaan natiijadda kulankoodan iyo waliba qodobadii ka soo baxay.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.