Ciyaar aad u xiiso Badnayd oo loogu magac daray Koobka is Dhex galka Dhalinyarada ayaa Shalay Ka dhacday Garoonka Kubada Cagta ee Alamzay stadium Burco,
Koobkan oo uu labada Naadi ee Gaashan iyo Asluubta u dhigay Musharax C/risaq Maxamud Jaamac oo loo yaqaano C/risaq Aar ayaa ku bilaabantay ciyaar wanaag.
Ciyaarta
ay so Bandhigeen labada Kooxoodba waxay ahayd cayaar xamaasad badan, balse waxa Haafkii hore Cayaarta ay ku dhammaatay 2 iyo 1 halkaas oo ay ku gacan sarraysay Kooxda Gaashaan, Hafkii Danbe ee Cayaarta umay suuro gelin kooxda Asluubta inay barbar dhac ka dhigaan cayaarta waxaana Goolkii 3aad uga faaideysatay Kooxdii Gaashaan.
Ciyaartan oo ahayd weerar iyo weerar celin ayay sinaba ugu suuro geli weyday kooxda Asluubta inay wax gool ah dhashadaan haafkii Danbe ee Cayaartan waxanay Kooxda Gaashaan si weyn u xejisatay Goolkooda una diiday inay wax gooolal ahi ka dhashaan.
Ciyaartii ayaa ku soo dhammaatay 3 iyo 1 oo ay ku badisay Kooxda Gaashaan oo iyadu lahayd 3 Gool halka Kooxda Asluubtuna ay cayaartii ku dhammaysatay 1 Gool.
Dhammaadkii Cayaartan Waxa Koobkii Guusha la guddoonsiiyey Koxda Gashaan, waxaana Si wada jir ah u guddoonsiiyey saraakiisha wasaaradda cayaaraha ee heer Gobol iyo Musharax C/risaq Maxamud Jaamac oo loo yaqaano C/risaq Aar oo isagu ahaa Murashaxii dhigay koobka kana mid ah Murashaxiinta u hanqaltaagaya inay ka qaybgalaan Doorashooyinka Golaha deegaanka ee Fooda inagu soo haya.
Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Gobolka Togdheer C/raxman yusuf Fagadhe ayaa Murashaxa uga mahad celiyey Koobkan uu ugu magacdaray is dhex galka dhalinyarada ee uu manta u dhigay Cayartoydan ka mid ah Naadiyada Gobolka Togdheer.
Waxa uu isuduwu Cayaartoyda iyo dhalinyarada kale ee Gobolka ba ku booriyey inay Taageeraan Murashaxan Dhalinyarada ah, aqoonyahanka ah, isla markaasna u taagan Doorashooyinka Golaha deegaanka, kaasoo haddii uu guuleysto bu yidhi Noqon Doona Mid dhalinyarada wax badan u qabta, isla markaasna ku dhiirigeliyada sidi ay dhalinyaradu isu dhex geli lahayd, Isuduwuhu Wuxu sidoo kale kula dardaarmay dhalinyarada in Qof kasta oo dhalinyaro ah oo murashax ah aanay qabyaalad ku dooran ee ay ku doortaan dhalinyarnimo iyo Kartidiisa iyo weliba hadba sidii uu ugu dhow yahay Dhalinyarada Sportska.
Murashax C/risaaq Aar ayaa isaguna halkaas ka hadlay isla markaasn aBogaadiyey Naadigii ku guuleystay Koobka Guusha ee Gaashaan, waxa uu Naadiga kalena ku booriyey inaanu niyad jabib ee ay iska sooadkeeyaan Cayaaraha Danbe, wuxu ka warbixiyey ujeedada uu u qabtay Koobkan iyo sida uu mar walba ugu hawlanyahay in la is dhex geliyo dhalinyarada si ay hiil isugu noqdaan.
Xubno ka mid ah Saraakiisha wasaaradda Cayaaraha ayaa iyaguna Murashax C.risaq Aar uga mahadceliyey sida wacan ee uu gartay inu Dhalinyaradan cayaartoyda u dhiirigeliyo una dhig koob , waana loo baahan yahay bay yidhaahden in murashaxiinta dhalinyarada ah oo dhami ay ka shaqeeyaan Danaha Dhalinyarada isla markaasna ay dhiirigeliyaan Bahda Cayaaraha. Waana Murashaxii Ugu horeeyey eeDhalinyaro ah ee koob ciyaareed u dhiga Naadiyada Gobolka Togdheer.