Beijing, (Hadhwanaag/W/Wararka):-Jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa dhawaan, warbixin naxdin iyo walaac badan ku abuurtay dadka daneeya ama u ololeeya, xuquuqda carruurta ee dunida, ka dib markii jariiradu baahisay, arxan darada iyo ciqaabta la mariyo carruurta Shiinaha ah ee loo tababaro mustaqbalka in ay noqdaan, ciyaar yahano ka qayb gala tartamada kala duwan ee Olympic-da caalamiga ah.
Wargeyska ayaa baahiyay, goob xero tababar ah oo carruurtaas lagu layliyo, kuwaas oo la mariyo tababarka ugu adag dunida, carruurtan oo aad dadoodu u yar yar tahay ayaa muuqaalada laga arki karayaa, sida loo ciqaabo, si jidhkoodu u dhismo isla markaana ay u noqdaan, kuwo tababar adag qaba.
align=center>
 |
|
Sawiradan ayaa waxa ku jira, gabadh lix jir ah oo badyaha lagaga istaagayo, mid kale oo inta ka isku jabiyay sida marka qofka la figaynayo oo kale, ka dibna dhabarka lagaga joogsaday, labadan hablood ee yar yar ayaa oohin miciinsaday, laakiin macalimiintoodu maaha kuwo u arxamaya.
Macalimiinta dugsigan ayaa iyagu ku doodaya in carruurtan ay barayaan casharo wanaagsan oo mustaqbalkooda, anfic kara, hasa yeeshee mid ka mid ah barayaasha xaruntaa tababarka carruurta ee Shiinaha ayaa tilmaantay in la sii adkeeyay, ka dib markii Dalka Shiinuhu ka bilado yaraaday Maraykanka iyo Ruushka.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com