ciwaanada wararkeedi habeen badhka ku bilowday guusha Mo Farah, waxaanay ciwaan uga dhigtay Mo Farah oo Ingiriiska u horseeday guul taariikhi ah, BBC-Arabic waxa ay ka warantay guusha taariikhiga ah ee Mohamed Farah Gaadhay, taas oo ay ku tilmaantay inay tahay tii ugu horaysay ee Ingiriisku ka soo hooyo ciyaaraha orodka dheer ee Olympic-ga caalamiga ah.
Qaybaha Ciyaaraha ee Aljazeera Sports ayaa iyagu si gaar ah u buun buuninayay shakhsiyada Mo Farah waxaanay, daqiiqado ka hor intaanu tartanka ka qayb galin ay la yeesheen waraysi gaar ah, oo ay wax kaga waydiiyeen niyadiisa iyo sida uu arko tartankan oo ka miisaan iyo ahmiyad culus kuwii hore ee uu gali jiray, sababtoo ah waxa uu kan ku matalayaa, dalka uu dhalashadiisa haysto ee Britain? Suaashaas oo uu Mo Farah kaga jawaabay in rejo wayn uu ka qabo guul uu dalkiisa gaadhsiin doono.
Hilinada ciyaaraha ee Abu-Dhabi Sports ayaan iyaguna mar qudha ka aamusin bilada dahabka ah ee uu ku guulaystay Mo Farah, Channel-dad Abu Dhabi Sports waxa ay kamaradaha la raaceen si la mid ah Aljazeera Sport labadii Sujuudood ee uu Mohamed Farah kaga qac siiyay markii uu guulaystay.
Dhinaca wargeysyada, jariiradaha Sharqul Awsad, Golf Times, Ahram, Al-Hayad, Al-Qabas, AlQudus, Alarabiya, Al-liwa iyo kuwo kale oo tira badan ayaa iyaguna si wayn uga waramay guusha Mo Farah, waxaanay qaar badani bogooda hore soo dhigteen Mo Farah oo Sujuudsan, halka kuwo kalana ka doorteen Mohamed Farah oo dhunkanaya gabadha yar ee uu dhalay iyo xaaskiisa.
Guud ahaan warbaahinta Carabtu waxa ay ka wada sinaayeen ka hadalka guusha Mo Farah, wallow ay ku kala duwanaayeen sida midba dhacdadaas taariikhiga ah u soo qaadatay, intooda badani waxa ay ka hadleen, In Mohamed Farah asalkiisi hore ahaa Somali, inkasta oo jariirada Al-Motamar ee dalka Yemen ka soo baxdaa xustay in uu yahay, nin ka soo jeeda dhinaca waqooyi, hasa yeeshee may magac dhabin Jamhuuriyada Somaliland.
In badan oo warbaahinta carabta ka mid ahi waxa ay ku cel celinaysay in Mo Farah yahay, muwaadin haysta dhalasho Ingiriis ah, asalkiisi hore ka soo jeedo dal carbeed oo Somaliya lagu magacaabo sida ay u dhigayeen, waxaanay si gaar ah u qaadaa dhigeen in uu yahay orodyahan Muslim ah, oo sooman, mar kastana Sujuuda marka uu guulaysto, dadka ka falooda arrimaha ciyaaraha qaarkood ayaa iyaguna muujiyay sida guusha Mohamed Farah loogu darsan karo, guulaha dalalka ama ciyaar yahanada carabtu qaadeen.
Taas oo sida ay ku doodayaan ah mid magaciisu muujinayo, hadalkaas oo ay ku cel celisay mid ka mid ah, dadka ciyaaraha faaqida ee dalka Masar oo sheegtay inay ku faraxsan tahay, guusha uu Britain u soo hooyay, muwaadin muslim ah, carab ah oo la magac ah, Nabigii Hanuunka Maxamed Rasuulullaahi (NNKHA).
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com