Xigmad soomaaliyeed ayaa odhan jirtay ninka maqasha daayaca geela looma dirto, iyada oo ay sidaa tahay hadana markii aynu nidaamka dawliga ah qaadanay maahmaahdaa xaga danbe ayaynu kaga nidim oo nin kii maqasha daayacay ayaa geela loo diray.
Had iyo jeeraale wax yaalaha nidaamka dawliga ah ragaadiyah, iyada oo aan qofkasta halkii ku haboonayd aan loo igman oo had iyo jeer u muuqata wax uuni ha dhinaadeen.
Haddaan intaas ku dhaafo arar iyo dhaabad oo aan u gundo dago muhiimada aan maanta qalinka usoo qaatay oo ah shirgudoonka Somaliland oo u qaashaaraan in uu ka mid noqdo raga u
tartamaya kursiga madaxweynaha Somaliland.
Haddaba suaashu waxay tahay guddoomiyaha baarlamaanku waa qof noocee ah, ma leeyahay awood hogaamineed, mayahay nin isku hayn kara shacabka Somaliland,side ayuu u maamulaa golaha baarlamaanka, mustaqbalka Somaliland sidee ayuu noqonayaa hadduu Somaliland hogaamiye u noqdo.
Haddaan ku horeeyo qodobka ah c/raaxmaan cirro waa qofnoocee ah,c/raxmaan cirro oo dadka qaar u yaqaanaan c/raxmaan mosco taasi oo uu kula baxay mosco isaga oo muddo dheer ahaa safiirka Somalia u fadhiya wadanka ruushka ilaa iyo 1994, wax taariikha ama doora kuma lahayn halkankii hubaysnaa ee lagula jiray taliskii dhibta iyo eedaadka baday umada Somaliland, c/raxmaan mosco waxa uu ahaa nin ka ganacsada visa yaasha oo dadka tahriib ku galiya qaarada yurub.
Qofka siyaasiga ahi mudada uu ku jiro badwaynta siyaasadeed waxa uu sameeyaa qalaad iyo sax inta uu ku jiro mawjadaha siyaasada,C/raxmaan waa nin aan shar iyo khayr toona lahayn oo aan dhib iyo dheef siyaasadeed midna lahayn.
Muddadii uu madaxweynaha daahir rayaale ahaa baarlaanku waxa uu ku afgobaadsan jiray in ay ka shaqayn kari layihiin xukuumada iyo madaxweynaha, laakiin taasi waxa ay beenoow day oo awoodu fashilantay markii ay xukuumadii meesha ka baxday.
Maleeyahay awood hogaamineed, C/raxmaan mosco maaha nin inagu cusub waa nin inoo muuqda, oo aan lahayn awood hoogaamineed, taasina waa mid inoo wada muuqata oo aan caad inaga saarnayn.
C/raxmaan ciro waxa uu ku takrifalay awoodii baarlamaanka, isaga oo golihii sharci dajinta ka dhigay gole u adeega ururkiisa maqaarsaarka ah, waxa si toos ah iyo sided banba u isticmaalay xoolihii dawlada, golihii barlaamaanka waxa uu ka dhigay mid aan kalsooni lagu qabin maxaa yeelay waxa meesha ka baxday dhexdhexaad nimadii lagu qabay golaha sharci dajinta, waxa uu ka dhigay golihii mid had jeer yes man u ah xukuumada axmed siiraanyo .
Waxa aan talo ku soo jeedinayaa, guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka Somaliland in ay codkooda u miidaandayaan, oo aanay wakhti ku lumin raga aynu maanta arkayno qaabka ay Somaliland u maamulayaan, taasi waxa ay tusaale fiican u tahay in aynaan masuuliyada qaranka ku halayn karayn.
Waxa aan ku soo gunaanadayaa hadalkayga ninka maqasha daayacay geela looma diran karo.
rashiid maxamuud cabdi
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga