Hargeysa(HWN):-Tartanka quraanka ee bisha barakaysan ee ramadaan oo loo qabtay hablaha quraanka kariimka ah ka barta madarasadaha magaalada Hargeysa ayaa maanta abaal marino la gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay.
Tartanka quraanka kariimka ah oo ay maal galisay shirkada Dahabshiil ayaa waxa uu soconayey in mudo ah iyada oo ay ku tartamayeen hablaha wax ka dhigta madarasadaha kala duwan ee ku yaala magaalada Hargeysa kuwaas oo lagu dhigto quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa.
Tartanka
quraanka kariimka ah ee loo qabtay hablaha wax ka dhigta madarasadaha ku yaala magaalada Hargeysa ayaa waxa xidhitaankiisii ka soo qayb galay culimo waaweyn kuwaas oo ka mida ahaa guddida ardaydan u qabatay tartanka.
Sheikh Maxamed Cali Gadhle oo ka mida culimada waaweyn ee Somaliland isla markaana ka mid ahaa guddidii ardaydan u qabatay tartanka oo ka hadlay xidhitaanka tartankan ayaa sheegay inay sanadkan kaalmaha hore ka galeen tartankan hablo aad u da,yar taas oo muujinaysa sida loogu dedaalayo in caruurta yaryar lagu barbaariyo diinta islaamka iyo tarbiyada wanaagsan waxaana hadaladisii ka mid ahaa waxaynu maanta abaal marintii iyo dhiiri gelintii ay mutaysteen aynu siinaynaa hablaha qiimaha leh ee ilaahay waafajiyey inay kitaabka quraanka ah wayneeyaan oo ay korka ka qabtaan,dhalinyaradeena waxay ku dhiiri gelinaynaa sidii ay u xafidi lahaayeen ee ay u baran lahaayeen quraanka kariimka ah,ayuu yidhi sheikh maxameda Cali Gadhle isaga oo sidoo ku baraarujiyey waalidintu inay ku dedaalaan sidii ay ubadkooda u bari lahaayeen quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa.
Sidoo kale sheikh Ismaaciil Dheeg oo isaguna ka hadlay xidhitaanka tartankan ayaa sheegay in barashada quraanku ay tahay mid muhiim u ah qofka islaamka ah loona baahan yahay in caruurta yar yar loogu dedaalo sidii loo bari lahaa quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa, sheikh Ismaaciil Dheeg waxa uu sheegay in ardayda sanadkan ka qayb qaadatay tartanka quraanka kariimka ahi ay yihiin qaar aad u yaryar taas oo muujinaysa in lagu dedaalay sidii caruurta yaryar loo bari lahaa quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa, sheekhu waxa u soo jeediyey ardaydan kaalmaha hore ka gashay tartanka loo qabtay
hablaha quraanka kariimka ah ka dhigta madarasadaha magaaalada Hargeysa inay dedaalka halkaa ka sii wadaan.
Ardaydan oo ku tartamaysa tartanka quraanka kariimka ah ayaa waxa lagu tartamay shanyo labaatanka jis(25) iyo tobanka jis(10).
Ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka shanyo labaatanka jis ayaa waxay kala yihiin.
1. Saynab Xasan Maxamuud
2. Fahiima Maxamuud Axmed
3. Saynab Cabdirashiid Warsame
Ardayda ku tartamaysay tobanka jis ayaa waxa kaalmaha hore soo galay
1.samiira Jaamac Jibriil
2. Sucaad Axmed Cige
3. Najma Maxamed Nuur
Tirade guud eek u tartamaysay quraanka kariimka ayaa waxay dhamaayeen 29arday
Gebagabadii waxa munaasibadan abaal marino lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankaas loo qabtay hablaha wax ka dhigta madarasadaha magaalada Hargeysa.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com