Suldaanka Guud Ee Ciise Muuse Oo Raaligelin Ka Bixiyey Aflagaado Lagu la Kacay Suldaanka Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi. (Hadhwanaagnews) Wednesday, August 08, 2012 Aad iyo aad baannu uga xunnahay aflagaaddada uu Suldaan Sayid kula kacay Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan waanannu ka raalli-gelinaynaa. Suldaanka guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin
Hargeysa(HWN):- Suldaanka guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin ayaa raaligelin ka bixiyey War uu Suldaan ka tirsan salaadiinta beeshaasi uu ku aflagaadeeyey Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, isla markaana ku tilmaamay mid asluubta iyo waaqiciga ka fog.
Sidaa waxa uu Suldaanku ku sheegay Warsaxafadeed qoraal ah oo uu caawa soo gaadhsiiyey xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa, waxaanu Warsaxafadeedkii oo dhameystiran uu u dhigaa sidan:
 |
Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan
Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan |
 |
| Suldaanka guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin |
Ujeeddo War-Saxaafadeed: Raalli-gelin
Guud ahaan shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibedda-ba, gaar ahaan Suldaanka guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, haddaan ahay Suldaanka guud ee Beesha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, waxaan raalli-gelin ka bixinayaa War-Saxaafadeed aan asluubaysnayn kana fog waaqiciga dhabta ah oo aan xaqiiqo ku salaysnayn oo ka soo baxay mid ka mid ah Salaaddiinta Beesha Ciise Muuse laguna magacaabo Suldaan Sayid.
Markaa, waxaan ka raalli-gelinayaa cid kasta oo ay saamaysay aflagaaddada Suldaankaasi ku kacay oo aannaan dhaqan u lahayn, isla markaana aan ka turjumayn aragtida Beesha Ciise Muuse, kuna kooban shaqsiyaddiisa Suldaanka soo saaray.
Suldaanka guud ee Beesha Subeer-Awal waxa uu Ciise Muuse ka mudan yahay sharaf iyo tixgelin soo jireen ah, maaddaama oo aannu nahay Beesha deegaannadeeda lagu boqri jiray Saldanadda guud ee Beesha Subeer-Awal, muddo laga joogo laba boqol oo sano, sida Deegaannada Suuqsade, Burco-Sheekh iyo meelo kale oo deegaanka Beesha ka tirsan. Sandaladda guudna aannu kaw ka nahay taariikhda aannu ku suntannahay inaannu doorka koowaad ku leenahay Boqritaanka, ilaalinta iyo qaddarinta Saldanadda guud ee Beesha Subeer-Awal.
Aad iyo aad baannu uga xunnahay aflagaaddada uu Suldaan Sayid kula kacay Suldaanka guud, waanannu ka raalli-gelinaynaa. Sida la wada ogyahay shirkii Dubur sidii beeshu ugu sharaftay Suldaanka guud ee Subeer-Awal furitaankii shirka waa wax la wada ogsoon yahay, halkaas oo lagu guddoonsiiyey Hadyado qaali ah oo lagu maamuusay sidii soo jireenka ahayd ee loo maamuusi jiray Saldanadda guud.
Allaah Mahad Leh
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com
|