Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Jimicsiga Qaadista Biraha Culus Waxay Ragga ka Badbadisa in 34% Macaan ku dhaco


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 08, 2012
Washington-(HWN)-Saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka, ayaa baadhitaan ay sameeyeen ku ogaadan in ragga 34% jimicsiga qaadista walxaha culus ka badbaadiyaan macaanka.

Washington-(HWN)-Saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka, ayaa baadhitaan ay sameeyeen ku ogaadan in ragga 34% jimicsiga qaadista walxaha culus ka badbaadiyaan macaanka.
 

Khubaradan waxay sheegeen in tababarka qaadista walxaha culus ee joogtada ah uu hoos-u-dhigo fursadii uu qofku ku qaadi lahaa cudurka macaanka, iyagoo xusay in oradka iyo tallaabo dheeraynta joogtada ah sidoo kale faa’iidooyin caafimaad leeyihiin.

Culimadan waxay daraasadooda ku falanqeeyey 32,000 qof oo Maraykan, kuwaasoo ka qaybqaatay cilmi-baadhis caafimaad oo lagu eegaayey hab nololeedka qofku sida uu u saameeyo caafimaadkiisa.



width=100 align=center border=1>
 

Intii lagu guda jiray cilmi-baadhista oo bilaabantay 1990 ilaa 2008 guud ahaan 2,278 qof oo ka qaybgalayaasha ah ayuu ku dhacay macaanka loo yaqaan 2 Diabetes.

Mr. Anders Grantved oo khubaradan hoggaaminaayey, kana tirsan jaamacada Southern Denmark iyo Jaamacada Harvard ee dalka Maraykanka, ayaa isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi; “Ilaa iminka daraasadihii hore waxay noo sheegayaan in jimicsiga joogtada ah uu muhiim u yahay ka hortaga macaanka, gaar ahaan qaybta 2, laakiin dad badan ayey ku adag tahay inay jimicsigan adag sameeyaan.

 

Natiijada cusub ee daraasadan ka soo baxday waxay soo bandhigtay in jimicsiga qaadista walxaha culus culus ay ragga ka badbaadiso macaanka.”

Dadka ka qaybgalay cilmi-baadhistan ayaa loo kala qaybiyey inay jimicsi sameeyaan, isla markaana qadaan biracaha culus ee jimicsiga loogu talagalay 59, 60 ilaa 150 daqiiqo muddo toddobaad ah.

 

 Waxaana halkaas ka soo baxday in raggii 150 daqiiqo toddoobaadkiiba qaaday biriaha jimicsiga in fursaday ku qaadi lahaayeen macaanka 34% hoos-u-dhacday.
 
 
 

 

Weriye; Ibraahin Khadar Siciid

Hadhwanaagnews Office/Hargeysa, Somaliland

ibraahim@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.