Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


RAMADAANTA IYO AMERICA FAALO UU SOO DIYARIYAY WARIYAHA HADHWANAAGNEWS EE CHICAGO, ILLINOIS WARIYE AWALE ABDILAHI AWALE


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 08, 2012
Chicago, illinois-(HWN)-Sida aynu lawada socono umada muslimka ah ee ku nool caalamka waxay ku jiraan bisha baraykaysan ee ramdaan oo hada ku dhow gabgabo oo aynu

Awale abdilahi awale

Hadhwanaagnews, chicago, illinois

Chicago, illinois-(HWN)-Sida aynu lawada socono umada muslimka ah ee ku nool caalamka waxay ku jiraan bisha baraykaysan ee ramdaan oo hada ku dhow gabgabo oo aynu  madaxa la galnay tobankii maalmood ee ugu danbeeyay oo ah tobonka ugu fadliga badan bisha.

hadaba waxan isku dayay in aan u kuur galo oo an wax ka ogaado xaalada iyo duruufaha ay ku soo

maan dadwaynaha rer Somaliland ee ku dhaqan wadanka maraykana, duruufaha ay ii sheegeen waxa ka mid ah sacadaha la soomayo oo badan marka la barbardhigo wadankii hooyo ,heer kulka wadankan oo sandkani aad u sareeya, gobalada maraykanka qaarkood waxay ku jiraan kulayl aan mudo 60 sano ah soo marin,wadamada muslimka ah marka ay bisha ramdaan soo gasho isbadal wayn ayaa laga dareema meel waliba ,waxa la xdihaa dhamaan meelah laga cuno cuntada saacadaha shaqada oo yaraada,iyo in aanad haba yaraatee arkayn qof meel wax ku cunaya maalintii,wadanka maraykanka oo aan ahayn wadan muslimku ay aqlabiyad ku leeyhiin ama ay u badanyihiin marka ay bisha ramdaan soo gasho ma arkaysid wax is badal ah oo muu jinaya in ay ramdaan lagu jiro  wax walibana waxa uu u socda sidiisii hore .dadka rer somaliland ee wadanka maraykanka oo badankoodu shaqeeya ayaa ii sheegay in cadaadis badan oo xaga maskaxda iyo jidhkaba uu kaga yimiday saacadaha badan ee lashaqaynayo waqtiga soonka isla markaana ay soo foodsaarto khatar xaga caafimaadka ah.

Mudane magaciisa iigu soo koobay maxamed oo ka sheqeeya dhakhar wayn oo ku yaala magaalada Minneapolis  ee gobolka Minnesota ayaa ii sheegay in uu arkay dad badan oo kacabanaya xanuuno yaryar oo ku dhaca caloosha taasi oo ay ugu wacantahay dadka badankooda oo an habeenki si fiican wax u cinin,dhakhaariitu waxa kale oo ay kaddigeen in ay kharar caafimaad keeni karto hadii aanad cunin cunto dheelitiran habeenkii gaar ahaan waxtigani oo aynu madaxa lagalnay qaybihii ugu danbeeyay ee bisha ramdaan oo ay awoodii jidhka iyo adkaysiigiiba ay sii yaraanayaan.

Dad badan oo ku xeel dheer xaga xaafimaadka ayaa ii shegay in waqtiga ramadaanka ay muhiim tahay in dadka shaqaynaya islamrkaana sooman ay cunaan cunto dheeli tiran oo nafo leh watiga habeenkii gaar ahaan suxuurta, lakiin dadwaynaha rer Somaliland ee ku dhaqan wadankan maraykanka badankoodu muhimad badan ma siiyaan waqtiga suxuurta oo ah mid aad muhiin ugu ah saacadaha badan ee la soomayo, dad badan oo aan la xidhidhay ayaa ii sheegay in ayna haba yaraatee wax suxuur ah cunin halka qaarkalena ay sheegeen in ay ku suxuurtaan cuntooyin aan lahayn nafaqo badan(carbohydrates),dadwayne tiradoou gaadhayso  48 qof oo ku kala nool 12 gobol oo ka tirsan wadanka marayknaka oo aan waydiiyay bal in ay suxuurtaan iyo inkale ,18  qof oo kamid ah dakaasi ayaa shegay in si joogto ah u suxuurtaan,9 qof oo kamida marna way suxuurtaan marna ma suxuurtaan halka 21 qof ay shegeen in ay haba yaraatee ayna cunin wax suxuura inta  bisha ramdaan lagu jiro.

Hadaba talaabooyinka ugu fiican ee cafimaadka lagu ilaalin karo waqtiga soonka ,waa in muhimad la siiyo cuntada la cunayo waqtiga habeenkii gaar ahaan cuntada la cuno waqtiga suxuurta oo ah mid aad u muhiima, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in cuntada nafaqada leh ay jidhka ku jiri karto ama ay jidhka biniaadamka ku qaadato in uu dheefshiido mudo u dhaxaysa 6 ilaa 9 saacadood, halka cuntada ay nafaqadu ku yartahay (carbohydrates) ay jidha ku jiri karto 4-6 sacadood ,cuntada nafaqada leh waxay qofka ka ilaalinaysaa in uu dareemo gaajo ,daal iyo caajis saacdaha badan ee la soomanyahay isla markaana waxay ka hortagaysa in ay saamayn maskaxdiisa ku yeelato dadka badan ee aan muslimka ahayn ee marwalba wax ku hor cunaya. dhakhtiirtu waxa kale oo ay ku talinayaan in cuntada suxuurta ay ku jirto waxyabah khurada ah ama cabitaano ka samysan khudrad oo qofka ka ilaaliya in uu dareemo haraad faro badan.ugu dabnaytii waxa loo bahanyahy in guud ahaan uu qofwaliba aad ula socdo caafimaadkiisa inta lagu jiro bisha barakysan ee ramdaan.

 

Awale abdilahi awale

Hadhwanaagnews, chicago, illinois

anuur75@gmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.