(London-HNW) Qaar kamid ah qurbajooga rer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska gaar ahaan qurbajooga ka soo jeeda gobolka Togdheer ayaa nasoo gaadhsiiyay baaq Hanbalyo ah oo ay Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ku hanbalyey nayaan hirgalinta Madaarka Magaalada Burco. Wuxuuna u dhignaa baaqii hanbalyada ahaa sidan.
"Waxaan halka hambalyo uga diraynaa wasiirka duulista iyo hawada Somaliland mudane mahamoud Xaashi Abdi. Wasiirka oo ka mid ah wasiirada
ugu shaqada iyo waxqabadka badan wasiirada dalka Somaliland.
Wasiirka ayaa wax badan ka bedelay guud ahaan shaqda iyo dhismaha madaarada dalka guud ahaan, isaga oo ka haya madaarada shaqooyin aan kala dhicin balse ay jiraan duruufo dhaqaale oo hortaagan wax qabadka madaarada dalka marka laga reebo labada madaar ee Berbera iyo Hargeysa oo laynaga caawiyey, hadana meel wanaagan maraaya.
Wasiirka ayaa hada bilaabay wax ka qabadka madaarka ugu da´da weyn madaarada Somaliland ee ku yaala caasimada labdaad ee dalka Somaliland, madaarka burco ayaa noqon doona mid wax weyn ka bedela Imaashaha dalka gaar ahaa gobolada Bariga. Magaalada Burco ayaa waxay ku taal meel istiraatigi ah oo isku xidha Bariga iyo Galbeedka Somaliland, ahna xuddunta ganacsiga ee dalka iyo dalalka aynu jaarkanahayba, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in ay yeelato madaar caalami ah.
Qurba jooga ugu badan ee Reer Somaliland ayaa uu ka soo jeeda Gobalka Togdheer, iyo gobolada bariga sidaa awgeed ayey u haboontahay in ay burco yeelato madaar caalami oo ay ka dhoofaan kana soo degaan maatada qurba jooga ah ee ka soo kicitima daafaha dunida . Kuwaas oo ka soo jeeda Bariga iyo badhtamaha Somaliland.
Sidaas awgeed waxaan taageero la garab taaganahay wasiirka, maamulka gobalka , Odayaasha iyo wax garadka gudoonsaday wax ka qabadka madaarka caalamiga ah ee magaalo madaxda labaad ee Somaliland.
Waxaa jirta in Qurba jooga reer Somaliland aad iyo aad ugu soo dhiiradaan dalka ka dib intii dawladani dhalatay. Dawladan ayaa noqonaysa dawladii ugu horaysay ee ku talaabsata wax qabad iyo horumar la taaban karo taas ka mid ah balan qaadkii xukuumada Ahmed Mahamed Mahamoud silaanyo waqtigii doorashooyinka.
Hadii anu nahay qurba jooga Reer Somaliland gaar kuwa ku dhaqan cariga ingiriiska waxaanu hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa Madaxweynha iyo dhamaan Capidtkiisa anaga oo ku hanbalyeyna geedi socodka dimuquradiyada iyo hanaan wanaaga dawlada iyo waxa qabka la taaban karo ee ay ku talaabsadeen mudadii gaabneyd ee ay xilka hayeen. Waxaanu ilaahay uga baraynaa in ay Somaliland gaadhsiiyaan bashbash iyo barwaaqo..
Alla mahad leh
1. Muuse Aker Guuleed
2. Shiine Dayuur Raage
3. Omar Cige Xaaji Xasan
4. Khadar Cilmi Barre
5. Mahamoud Cisman Cige
6. Cabdi Cali Shabeel
7. Salaad Jaamac Diiriye
8. Jiciir Timir Digaale
9. Maxamoud Jaamac Muuse
10. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi
11. Mursal Axmed Suufi
12. Cismaan Jirde
13. Faadumo Xasan Yousuf
14. Xayaad Muuse Asker
15. Saleebaan Xasan Cismaan
16. Saleebaan Cabdillahi Xaaji Xasan
17. Saynab Maxamuud Jaamac
18. Bashiir Cabdiwadaad
19. Asma Muuse Askar
20. Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali
21. Maxamed Jaamac Maxamed
22. Jaamac Abokor
23. Maxamuud Saleebaan Faarax (Digix)
24. Farduus Maxamed Bootaan
25. Nimco Xasan Yuusuf
26. Khadro Xasan Yuusuf
27. Khadra Xaaji Axmed Xaaji ibraahim
28. Fariido Xaaji Axmed Xaaji ibraahim
29. Ex. Xildhibaan Cabdillahi Saalax
30. Faa,isa Xaaji Axmed Xaaji ibraahim
31. Sahra Xuseen Rooble
32. Sahra Xaaji Axmed Xaaji ibraahim
33. Professor Maxamed Cabdilaahi Aadan
34. Cabdifataax Xaaji Axmed Xaaji ibraahim
35. Ibraahim Xaaji Axmed Xaaji ibraahim
36. Professor Cabdi Xandulle Yaasiin
37. Caydaruus Xuseen Sahal
38. Ibraahim Carab
39. Yuusuf Jaamac Reygal
40. Farxaan Cabdi Nugaal
41. Ibraahim Baashe Xaaji Xasan
42. Axmed Mire Waqaf
Hadhwanaagnews
London/Office