Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Lama filaan by bashir H saleban


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 08, 2012
Waa arooryosan,barkhad iyo bilkhayr,belo iyo masiibo midna geyiga subaxaa lagama sheegin,waa subax talaada

Waa arooryosan,barkhad iyo bilkhayr,belo iyo masiibo midna geyiga subaxaa lagama sheegin,waa subax talaada ah,amintu waxa sheegaysa,8;05 Am,waxaan cagta saaray toobiyaha xaafadda ka baxa oo isna ku darsama waddo kale oo ka timaadda dhanka waqooyi,meeshu waa xaafadda faarax oomaar ee magalada burco,magaala madaxda gobolka togdheer,waxaan ahayn habsan baaskii jaamacaddu waa uu tegay,amin aan ahayn wakhtigii ballantu ahayd ayaan tallaabada dedejinayaa,itaalka waxaan isla yeehaya lug ku tag jaaamacadda oo aad iga durugsan,waxaan tallaaba dheerayn miciinsado waxaan ku soo dhacay dhabada loo yaqaan 27may,waxaan kaga dhacay xannaanada dhexe ee xasan kayd ee dhinaca bari ka xigta saldhiga dhexe ee magaalada burco,dhinaca galbeed ayaan u raacay dhabbada ee magaalada,waxaan dhex socda

dad fara badan ,dadku waxay u badanyihiin ganacsato iyo dadkale ,dadka waxa ka mid ah dumar ka soo adeegtay,ee ka yimi suuqa loo yaqaan hangarka ,ee dhabbadu ay dhinaca koonfur ka marto,dhabbada haraaraha waxa ka xiga bacad layaal ,dukaano iyo bakhaaro,waa suuq camiran ,waa dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee magaalada burco,waa goob camiran ,wax ba yaan hadal kugu daaline, markaan soo dhaafay hudheelka badha badha ee aan ku soo dhacay laamiga dhinaca galbeedka magaalad burco ayaan waqooyi u jeestay,waxaan cagta saaray dhabaha halawsinka ah ee laamiga,waxaan soo gaadhay goobta siirooga ee magaalada,taas oo ku agtaal dawladda hoose ,in yar ka dib waxaan fuullay birishka caanka ee magalada, kaas oo dulmara togga-dheer ee burco mara,birishkani waxa uu ka mid yahay birishyada qadiimka ah ee dalka ku yaal,waxba yaan hadal kugu daalin e markaan soo dhaafay biriishka,ayaan aminta eeggay,waxan arkay in wakhtigu is gurayo,tallaabadi ayaan sii dheereeyay,qorax kululina waa ay soo baxday laakin wali maan dhididin,ee waxaan ka fekerayaa sidii aan u gaadhi laha lectureka hore in aannu I dhaafin.

Lama filaan, markaan hor marayay wakaaladda biyaha ee magaalada ayaan waxaan arkay dumar faro badan oo dhinacyadayda maraya ,qaar waa ay iga dambeeyaan ,tolow goormaan dhaafay?,dumarka qaar kale waa ay iga horeeyaan,lama filaan,dumarka dhamman tood waxay sitaan caruur,in markaan socday oo dumrkii qaar ay iga dambeeyaan qaarna iga horeeyaan meel koonaha ah oo aan iga fogayn ,waxa maraysa,inan dhalinyaro ah,bilicsan,qalanjo ah,quruda korkeeda ka muuqata marka aad fiiriso ama aad eegto aad la ashqaraari,,,,,,lama filaan waxa ay sida taa ilmo yar ,waa ay xanbaarsan tahay,



‘Tolow mayadda dhashay,ayaan is waydiiyay’ , ‘oo mayaada hooyo ba u eeg tani,bal eeg sida ay u sido ilmaha yar,?mala waa loo soo dhiibay,? waa suurto gal ayaan kula sheekaystay naftayda’

‘Tolow haddaan la hadlo ka waran? ,oo maxaa kaa galay ee aad ula hadli? Ayaan kula sheekatsatay naftadii markale,laakin waxaan ku dhiiraday in aan la hadlo.

“Asalaamu calay kum walaal?ayaan ku idhi”

“wacalayku masaalaan walaal ayay iigi jawaabtay”

“Xaggaad ku socotaa walal? Ayaan waydiiyay”

Walalo kollay xagga hore ayaan ku socdaa,laakin maxaad ii waydiin?

“,,,kkkkkk ilmo qurux badan siadaada ayaad sidataa walalo.ma inan mise wiil?”

“,, kkk ,,,,,,waa inan walal,”

“ adiga dhalay miyaa walaal”

“,,,kkkkkk iyo xishood isku jira,maxay kkula tahay adiga walaal?ayay I waydiisay?

“,,,kkk walaalo ma qiyaasi karo runtii, ayaan ugu jawaabay”

“ anigu maan dhalin .waxaa ii dhiibtay hooyadeed oo aannu jaar nahay,oo aan u sida ,hooyaddeeda inagama foga,quruxda aad sheegtay iyada ayay ka raacday”

“waan gartay walaalo,markaad waad caawinaysaa? Oo laakin waxan oo dumara ee caruurta sitaa maxay ahaayeen walaal,xagge lagu sida caruurtan ?ayaan waydiiyay”,

“ walaal haa waan caawinaaya,caruurtan dumarku sitaan ,waxay ku sidaan meesha haayadda ee wax lagu bixinayo,dumarkan aad aragtaa waxay ka yimaaddeen inta badan xaafadaha magaalada,gabdh kasta oo ilmo yar sidata waxbaa lagu siinaya,markaa dumarka qaarba caruur farabadan sidan,si ay wax ugu qaataan ,ayay iigu jawaabatay”

“ lama filaan,waa dad faqiir ah miyaa walal ayaan ku idhi”

“ kkkk …maya, cid kasta waa ay isugu jiraan ,waxa ay rabaan walaal in caruurtan ay sidaan haayaddu wax ku siiso,makay siiso ka dib ay iibiyaan,laakin way ku jiraan qaar aad u tag daran oo u bahaan ,haseyeeshe dadkeeni waxay noqdeen ,ma tabcadayaal,aan shaqaysanayn,oo sugaya wax ay haayadi bixiso oo keliya,waxa ka daran walaal musmaasuqa dhex socda ee meesha ka dhacaya, ayay hadal iigu soo koobtay”

Lama filaan.. skeeko goosgoos ah iyo haasaawe ka dib oo aannu is waydaarsanay ka dib ,waxa mur qudha aan waydiiyaya “walaal inantan yare e aad sidaro adigu maxaad ku fali ,mar haddanad dhalin ,waxna aydaan isu ahayn?”

“kkk walal anigu waxba ku fali mayo wax yar oo silica oo haayadi bixiso,laakin gabadh aanu jaar nahay ayaa iga codsatay in aad u soo qaado waayo iyana waxay sida taa ilmo kale si ay wax badan ugu hesho ayay laba ilmood u soo qaada tay,iyada oo keliya maaha ee waa wax dalka ka jira ,markaa hooyaday ayaa igu tidhi caawi oo jaar ayaannu nahay,waan didii kari waayay walaal,waxaab saaka u soo jaray iskuulkaygii in aan gabadhan caawiyo ka waran bal qiyaas arinkan?ayay hadal ku soo koobtay”

Lama filaan….. halkaa markay marayso arinku anigu hore ayaan u dhaafay,waxaan si watay socd kaygii si aan jaamacadda u gaadho,laakin waxa lama filaan igi noqotay caruurtan lagu dawarsanayo ee laba labad loo soo qaadano,musuqmaasuqa haayadaha dadka caawiya dad u shaqeeya ay ku kacaan,waxa lama filaan igu noqo tay,dadkan wax uun ka sugaya haayadaha ee aan shaqaysan karayn ,iyagoo awooda,haddi abbari dhacdo halkii alle laga baryi lahaa waxa aynu baryaynaa haayadu,runtii waxaan u bogay hadalkii inantii iyo wixii ay iga sheekaysay in ay tahay wax jira,runtii waxa ay igu noqotay lama filaan lama filaan ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

dhammaad
 
 bashir H saleban
rock_bsa@outlook.com
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.