Hargeysa (HWN) Wasiirka Diinta Iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa maanta shaqaalaha Hudheeladda cuntadda Ubaxle u soo xidhay tababar diimeed muddo toban maalmood ah u socday.
Munaasibadda xidhitaanka tababarkan oo ka dhacday Hudheelka Ubaxle ee Ka soo horjeedka Edna Hospital ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland, guddoomiyihii urur siyaasadeedka Xaqsoor, Madaxa xidhiidhka goboladda ee shirkadda Telesom, Guddoomiyaha shirkadda hilibka ee Maandeeq, maamulka iyo shaqaalaha Hudheeladda Ubaxle iyo waliba masuuliyiin kale.
Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt">Hadal kooban oo uu ugu horeyn halkaasi ka soo jeediyay Mulkiilaha Hudheelada Ubaxle Caydiid Xirsi Ubaxle ayaa waxa uu sheegay in tababarkan oo muddo toban maalmood ah u socday shaqaalaha Hudheelada ubaxle.
Runtii tababarkan oo muddo toban maalmood ah u socday shaqaalaha Hudheeladda Ubaxle waxa uu ahaa mid ay wax badan ka faaiideen isla markaanay soo dhaweeyeen.
Intii uu socday tababarkani oo ay bixinayeen culimo waaweyni waxa ay ka faaiideen shaqaalahu waxyaabo badan, waxaana dhacday in markiiba aanu aragnay waxyaabo badan oo isbedel ah ayuu yidhi.
Waxa uu u soo jeediyay Hudheeladda kale ee la midka ah in ay muxaadirooyin iyo waliba wax u sheegmo diimeed u sameeyaan shaqaalahooda si ay horumar dhinac walba ah u gaadhaan.
Guddoomiyaha Shirkadda Hilibka ee Maandeeq Cabdiraxmaan Maxamuud Aadan Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad gelinayso tababar dhinaca diinta oo loo sameeyay shaqaale wayne ku hawlan sidii ay bulshadda ugu adeegi lahaayeen.
Waxa uu ilaahay uga baryay in ay noqdaan kuwo ka faaiida isla markaana ku dhaqma waxyaabaha ay barteen ee markii hore ka dednaa.
Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Aadan oo isna halkaasi kelmado kooban ka soo jeediyay ayaa xusay in loo baahan yahay in shaqaalaha nooc kasta oo ay yihiinba la baro dhaqanka suuban.
Waxa uu kula dardaarmay maamulka in ay halkaasi ka sii wadaan dedaalkooda ku aadan sidii ay tarbiyadda iyo dhaqamadda kala duwan ee shaqaalahooda ay sare ugu sii qaadi lahaayeen.
Cabdixakiin Axmed Adan oo ku hadlayay afka shaqaalaha iyagu tababarka loo soo xidhay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in markii hore iyo hadda aanay isku mid ahayn isla markaana ay iminka yihiin kuwo wax badan bartay.
Yuusuf Cismaan Dhamac, oo ka mid ah odayadda Degmada Axmed Dhagax ayaa sheegay in hudheelkani uu yahay mid wax ka badan ka bedelay baahiyaadkii hore ee ay xaafadu u qabtay Hudheelo laga cunteeyo.
Waxa uu amaan aad ah u soo jeediyay maamulka hudheelkan cuntada ee Ubaxle oo uu xusay in ay ku dedaalayaan sidii ay bulshadda ugu faaiiday lahaayeen.
Guddoomiyihii hore ee urur siyaasadeedka Xaqsoor Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir ayaa isna dhinaciisa uga mahad celiyay maamulka iyo shaqalaha sida fiican ee ay isula jaan-qaadeen, waxaanu u soo jeediyay in ay dedaaladoodda halkaasi ka sii wadaan.
Sheekh Mubaarak Muuse oo isagu casharada siinayay shaqaalaha mudadii tobanka maalmood ahayd ayaa sheegay in durba ishiisa ay ku dhacayso isbedelka balaadhan ee ay muujiyeen shaqaaluhu.
Waxa uu kula dardaarmay in waxyaabihii ay faaiidaysteen ay ku dabaqaan hawlmaalmoodkooda.
Gabogabadiina wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in loo baahan yahay in shaqaalaha la xasuusiyo waxyaabaha dhaqanka islaamka ku fiican iyo kuwa ka hor imanaya.
Waxa aan caydiid (Mulkiilaha Hudheelka Ubaxle) ku amaanayaa dedaalka fiican ee uu la yimid, runtiina waxa ay tahay mid wanaagsan in sidan oo kale shaqaalaha cilmiga loogu faaiideeyo.
Waxa aan aaminsanahay in ay noqon doonaan kuwo laga arko waxyaabihii muddada tobanka cisho ahayd la barayay ayuu yidhi.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com